Dowladii Cusmaaniyiinta - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

Tuesday, November 6, 2018

Dowladii Cusmaaniyiinta

KU XIRNOW CILMIDEEQ
Sultan_Gazi_%25CA%25BBUthm%25C4%2581n_Han_I_-_%25D8%25A7%25D9%2584%25D8%25B3%25D9%258F%25D9%2584%25D8%25B7%25D8%25A7%25D9%2586_%25D8%25A7%25D9%2584%25D8%25BA%25D8%25A7%25D8%25B2%25D9%258A_%25D8%25B9%25D9%258F%25D8%25AB%25D9%2585%25D8%25A7%25D9%2586_%25D8%25AE%25D8%25A7%25D9%2586_%25D8%25A7%25D9%2584%25D8%25A3%25D9%2588%25D9%258E%25D9%2591%25D9%2584

Dowladii Cusmaaniyiinta

Dowladii Cusmaaniyiinta (1299-1923) waxay ahaayeen dawlad Islaamiya taasi oo aasaasey Cismaannkii Koowaad. Dowlada boqortooyadani waxa ay xukuntay dhul aad u balaaran, waxaa ka mid ah Aasiya (sida Bariga Dhexe wadanada maanta loo yaqaano), Geeska Afrika, iyo meelo badan oo ka mid ah Yurub.

Boqortooyadii dowlada Cusmaaniyiinta waxaa saldhigeeda ugu wayni ahaa magaalada Istanbuul, ee maanta ka tirsan wadanka Turkiga.
                                                                       
Suldaankii cismaaniyiinta ugu horeeyay waxa uu ku dhashay magaalada (Sogüt) oo ah meel laga maamulo magaalada wayn ee (bin shahiir)sanadkii 1258 kadib markii uu dhintay suldaankii halkaas xukumayay ayaa suldaan cismaan loo dooratay in uu noqdo hogaamiye.taasina waxa ay horseeday in ay bilaabanto dawladii cusmaaniyiinta.waxa uu suldaan cismaan samaystay dawlad adag iyo ciidan aad u awood badan.waxa uu baabi'iyay oo uu gacanta ku dhigay.dawladii giriiga.kadib dawladiisi waxa ay gaadhay dhul aad u balaadhan.oo ay kamid tahay soomaaliya.cismaaniyiintu waxa ay islaamka gaadhsiiyeenn.badhtamaha yurub.
Waxa looqaybinkaraa fiditaankii iuyo taariikhdii cismaaniyiinta laba qaybood. qaybta hore waxa ay tahay xilgii horumarka iyo awooda milatari taas oo soo gaadhsiisnayd sanadii 1566 iyo taariikh kale oo ay dawladaasi soo martay xiliyo adag iyo dhibaato siyaasadeed waxaanay soo gaadhsiisanayd sanadii 1683.
Kadib markii uu dhintay suldaan Maxamed al-faatex waxa xukunka ku murmay labada wiil ee uu ka tagay laakiin waxa adkaaday oo loo doortay boqor la odhan jiray baayasiid oo ahaa wiil uu katay maxamed al-faatex. kadib walaalkii waxa uu u cararay dhankaas iyo masar halkaas oo uu kaalmo karaadsaday dawladii katalinjiratay masar xiligaas ee Dawladii Mamaaliikta kadib halkaas wuu katagay oo waxa uu aaday dhanka jasiirada Rodes halkaas oo uu isku dayay in uu gacansiiyo ciidamadii hogaamiye diimeedka (Knights Hospitaller) iyo dawladaha 
reer galbeedka .

Waxa Diyaariyay =

Eng/ Al-Ustad Aweys Osman Abdi (Romanza)
cilmideeq.blogspot.com


7 comments:

Unknown said...

M.a ustd kula socona waa caamir

GALAD LASOCO said...

Waa wax wanaagsan macalin romanza
Waadna ku mahad santhy waxa aad noogu deeqday oo wax kasta cashiradeena oo ino fududeyay
THANKS TEACHER ROMANZA

GALAD LASOCO said...

Waana lasocon donaa wax kasta aad soo dhigto

GALAD LASOCO said...

Waana Galad

Unknown said...

Thanks teacher waan Kula socodoonaa insha allah

Amaani ali said...

Masha.allh dear teacher

xasan.macruuf said...

Mahadsnid ustaad romanza sida aaad nala wadaaagtay taariikhda wanaaagsan

Post Top Ad