Waxaa safar galay
dhinaca bada ah Nin iyo afadiis, markuu uu maalin iyo habeen oo dhan socday
markabkii ay saarnaayeen ayaa hirar buuro lagu tilmaami karo cirka… isku
shareereen.
Bulxan iyo ooyin
ayaa dhinac kasta ka yeertay, balse waxay sii kordheen markii badmaaxihii ugu
sareeyey shaqaalaha markabka uu u sheegay dadkii saarnaa in noloshoodu halis ku
jirto, isagoo kaashanaya Raadaarka tilmaama cimilada iyo halkuu taleefan ku
gaari karay.
Doontii hadii ay
bilowday inay biyuhu soo galaan ayey Marwadii uu xaajigeedu la socday iyadoo
oyneysa u oroday xagii Seygeeda, kadibna waxay aragtay ninkan oo aan wax walwal
ah iyo murugo ah ka muuqan. waxay ku tiri: nolosheena kama fikireysid iyo
dhibka aan ku jirno, iyadoo caro iyo baqdini ka muuqato, kolkaas ayuu midi inta
soo qaaday rubada ka saaray oo uu yiri: kama cabsaneyd miyaa inaan ku dilo,
markaasay ku jawaabtay iyadoo qosleysa: waxaan ku kalsoonahay inaadan i dileyn
waayoo waxaa tahay qofan jeclahay oo nolosheyda ku aaminey, kolaas ayuu yiri
hadaad gacanta tooreydan heysa saas ugu kalsoon tahay, ALLAHII ku abuuray, ee
hirarkan gadgadoomaya naga haya, naftaaduna gacantiisa ku jirto maxaad sidaa
ugu kalsoonaan weysay?
Waxa Diyaariyay =
Eng / Al-Ustad Aweys Osman Abdi (Romanza)
No comments:
Post a Comment