Taariikhda Tataarka
Qaybtii koowaad
Tataarka | Mongoliya
Dhacdadani waxa ay ku saabsan tahay
niman Tataar la yiraahoo dunida weeraray Tataarka waa wadankan yari ee hada
Mangoliya la yiraahdo qabiil degi jiray Mangoliya mudo aad u yar ayay waxay ku
qabsadeen bariga dhunidoo dhan.
Waqti aad u kooban bay waxay
qabsadeen, laga soo bilaabo Japan iyo Chine ilaa iyo Poland inta ka dhexleh bay
qabsadeen. Waa Japan iyo Chine laga soo bilaabo oo caalamul Islaami la soo dhex
maro oo Russia dhan 27 milyan bey leeyihiin km squar oo Russia ah la dul maro
oo Ukraine la maro oo Poland la maro oo Major la maro Hungary oo kroazia la
maro Slovenia la maro oo baxrul Adrian talyaaniga dhiniciisa istaagaan.
Taariikhda bani aadamka wax sidaa
inta wax u weeraray intaa waqti yar ku qabta lama arag bey leeyihiin.
Dhacdada tan waxa aan rabaa in aan
ugu warano, inaynu barano wax ka barano, waxaynu ka baraneyno waxa ugu horeeya
inaynu fahamno nidaaga rabaaniga ee ah …. Afghanistan, Pakistan
oo dhan isku soo dar Iran ku dar
intaas bey ka talin jireen.
Dowla Khawaarzumiya
Dowla khawaarzumiya waa dowlad
gudaheeda ma’aaid badan iyo isasuldar badan uu ka jiray, dowlal Cabaasiya
colaad badan la gashay salaadjaqadii rumim badan la dagaalantay. Salaadjaqadii
(Yacni) atraakta asalkooda muslimiinta ahaa. Suuradaan kooban waxa aan rabaa
inaan idinka tusiyo siduu u ekaaa caalam al-Islaamigu.
Waxaa jirtay India waxaa ka talin
jiray Iyana dowlad islaamiya (Luqooriyiin) la oran jiray (Faaris) qeyb ka midi
waa Persia qeyb ka midi dowlal khawaarzumiya bay hoos tegi jirtay. Dacal yaro
sokona waxaa ka talin jirtay niman la oran jiray (Ismaaciiliyiin).
Ismaaciiliya waa fiqsho shiicada
sheegata culumo badana gaaleeysiiso. Waa firqo waagaa hore maxad-nimada aad u
jaclayd oo aad u ilaashan jirtay, dagaal-yahan ahayd, dhalinyaradeeda si xoogan
u tawabaran jirtay ku can baxaday ikhtiyaalaadka.
Caalamal islaami madaxda la laaynayo
waxa la laaynayo iyagaa qaarijin jiray farsamadaas iyagaa farsamo yaqaan ku
ahaa, oo iyagaa la kala adeegsan jiray inay waxaas isticmaalaan, rag badoon
duwalka islaamigii waaweenaa ka tirsana wey laayeen, oo qaar intay suufi isaga
dhigeenoo u tageenoo waxay sii weydiisadeen midi geliyeen, qaarba si ay ku
dileen.
Anadol markeyno eekno waa Turkiga,
dowlad (As-Salaajiqa) la oran jiray baa ka talineysay oo muslim ah oo (Aala
bar-salaam) qaa’idkii weynaa ee muslimka la oran jiray dowlad ka tafiirantay.
Markaan caalamul islaami wuu
balaarnaa, dowlado tiro badana wey ka jireen, laakiin xaalkooda wuxuu ahaa uun
kuwa is dilaaya oo kooxiba kooxda ku xigta ay ku maqan tahay oo aan is
bixineynin.
Xoogii labaad ee dunida jiray wuxuu
ahaa xoogii reer Yurub gaar ahaan afartaan dowladood oo imankaba caan ah;
- Fransiiska
- Ingriiska
- Talyaaniga iyo
- Jarmalka
Afartaa ayaa hogaaminaayay yurub laba
dowladood oo Spain iyo Portuguese oo markaa Iyana jabiyeen muslimiinta xoogan
baa markaa iyana jiray, Marka la eego caalamal islaami qeybtiisa waqooyi,
imaarado yar yar oo dhul ay qabsadeen kristanku. Kuruseedhiskii oo dowlado yar
yar oo kristan baa ka jiray sida:
- Beirut
- Siida
- Caka
- Andhakiya
Kuwaas oo dhan waxay ahaayeen dowlado
yar yar oo Iyana masiixiyiin ah oo meelahaasi ka dhisan.
Dowladaha reer galbeed mooyaanee
waxaa jirtay kaniisadii bariga oo markaasi deganeyd dowla Byzantiya la oran
jiray Romanskii Byzantiyiinta la oran jiray oo kaniisada Russia iyo Greeka iyo
dhankani haystaan ahaan jirtay oo markaa magaaladaan Istanbuul la yiraah
haysatay oo halkaasi fariisinkeeda ahaa.
Waxaa kaloo jirtay dowlado yar yare
oo xoogaa laa’lek oo (mathalan) dowla (Kurj) Kurjigu waa (Giorgia) meeshaa
imanka la yiraahdo amase Armenia Iyana dowlado yar yar oo Kristian ayaa ka
jiray, imaraad yar yar oo lasiibiya. Intaasi waxay ahayd caalamkii labadii xoog
oo isku haayay iyo sidii ay u yaaleen.
Mar quraa ayaa waxaa soo baxay dowlad
cusub oo taariikhdii dunida bedeshay oo xoogagii dunida bedeshay oo mudo yar ku
noqotay (ad-Dowlal Kubraa) ama aan iraahdo (al-Qudbal Waxiid) dowlada quroo
dunida ka jirta, cid kaloo jirta aanay aqbalin, waa dowladii la oran jiray
Mongoliyaniska ama Tataar.
Erayga Tataar iyo Mongoliya
Erayga Tataar iyo Mongoliya taariikh
yahanada waa ku murmaan kee baa kee dhalay, kee baa weyn, kee baa yar.
Taariikh yahanada bar mathalan
(Rashiidu-Diin al-Wasiir) kitaabkisa la oran jiray (Jaamu-Tawaariiq) isagu
wauxuu qabaa Tataarku inay yihii (Shucda mina moquul) Mongoliska rasmiga waa
Tataarka qabiil ka mid ah buu qabaa marka.
Halka (Raaqib as-Sarjaani) iyo taarkh
yanaha badana ay caqsiga u dhigayaan oo ay ka dhigaayaan Mongolku inuu asalka
yahay Tataarka iyo Tarkiga iyo waxa kan qabaa’il kale oo badan inay makaa ka
tirsan yihiin.
Calaa kullin, labadaan qabiil
iyagaaba markii hore is dilay Tataarka iyo Mongooliska iyagaa is dilay,
dowladnimay isku haysteen, akhiiran waxaa u soo baxay nin boqoroo cusub oo la
yiraaho (Ghinkis Khan).
Boqorkaa cusub ee magaa la baxay,
magacaa qaar waxay ku tarjumaan waa naaneys, waa siddi (Keysar) iyo magaca
noocaasiyo kale ah. Waxay ku tarjumaanba kuwa wax tarjuma waa (Qaahiru-Dunyaa)
iyo (Amiirul-Caalim) iyo wax la nooc ah, dunida ninkii ugu sareeyay.
Isaga magaciisa rasmiga ah (Temujin)
baa la oran jiray, Temojin ninkaa la yiraahdo wuxuu ahaa marka la eego nin
qaa’id ah oo halyeey ah oo ciidan hogaamiya. Wuxuu kaloo ahaa baa la yiraa
abaabulo bulsheed, nin dadka kicin kara oo dad badni ku xidhnaan karaan, wuxuu
kaloo ahaa manaxe aan digegaxan hadii la maranaayo.
Mongoliya mathalan markuu
qabsanaayay, qabaa’ilka markay is dilayeen dagaaladuu galay reer buu intuu
jabiyay ayuu wuxuu yiri madaxda qabta, wixii madaxoo dhan inta la soo qabtay 70
ka mid ah nolosha ayuu ku kariyay buu yiri, iyagoo nool baa la kariyay. Nin
madax oo sidaa u fakarayaa buu ahaa waa mongoliya gudaheeda markuu qabaa’ilka
is dilaayeen oo boqortooyadaan qabsan doono.
Intuu qabtay buu 70 ka mid ah yiri ha
la karito, iyagoo nool dheriga ha lagu rido ha karsamaan. Wuxu ahaa nin dagaal
yahan ah qaa’ida dad hogaamin karo ururin kara manaxe aan digigaxan aan aktiisa
naxariis oolin ah.
Temojin agoonimo ku koray bey
yiraahdaan isagoo yar baa aabihii la dilay beerahooda la beyhoofsaday. Mar
dambuu soo lufluftay waxa kan, akhiiran boqorkaasuu noqday.
Temojin wuxuu isku dayay inuu
boqortooyo fiican sameeysto, wuxuu ku guuleystay markaa inuu qabsado wadanka
Mongoliya la yiraahdo, dabeetana boqortooyadii Chinesekuu ku durkay. Boqoradii
Chineseka iyana jabiyay Chine oo dhan buu qabsaday.
Beri buu u socday ilaa Koriya buu
tagay intaa inta ka dhexleh kor buu u socday ilaa Syberiya buu qabsaday,
Syberiya ilaa Kuriya dalwal khawaarzumiya dhinaceed ilaa iyo Chine dhiniciisa
dambe. Dowlad weyn oo intaa la’ek buu sameeystay oo aad u balaaran.
Dowladiisaas waxa uu u sameystay
nidaam adag wuxuu u sameeyay destoor la yiraahdo (Al-Yaasiq – Awil-Yaasik)
destoorkani wuxuu ahaa diimihii dunida yaalay ayuu midba wax ka soo qaad
qaatay, dabeetana intuu isku dhafdhaftay ayuu dhaqankooda iyo hidahooda wax ka
mid ah ku dhaftay.
Waa sidaa dhasaatiirtan iminka dunida
taalo kale diimaha iyo wax intay isku qasqasto wax dhisata. Yuhuud inn buu ka
qaatay, Christanka inn buu ka qaatay Islaamka inn buu ka soo qaatay, dhaqankii
qabiilkooda iyo wixii xeerarkay lahaayeen qeyb buu ka qaatay. Waxaa intuu isku
geeyay ayuu (Yaasiqa) u bixiyay kaasuu ku xukumay, nidaam adagoo saalim ah
maamul aad u adagoo idariyo wadanka u sameeyay.
Wuxuu ku caan baxay, waxay yiraahdaan
dagaal yahanadiisu iyo dagaaladuu qaadin jiray waxay caan ku ahaayeen weererka
degdegta ah waxa la yiraahdo, yacni waxaa la yiraahdaa fardaha leed bey ku
fuuli jireen baa la yiraahdaa si loo fudeeydiyo faraska aan wax culeysi u
dareemin. Dabeetana waxa uu lahaan jiray baa la yiraahdaa kumaankun ciidan ah
oo fardaha leeda ku fuula oo ka dagaalami kara kumaankun (Mile) in ku dhow
dhow.
Marka waxay yiraahdaan (al-Xarbil
Qaatifa) waxa mareykanka imanka yiraahdo xuruubis qaatifka ah ee meesha la
dumiyo, taas buu isticmaali jiray baa la yiraah. Wuxuu lahaa nidaam kala
dambeyn oo aad u adag, wuxuu ciidankiisa ku tawabaray duruufta qaasiga ah inay
aqbalaan (Good Training) baa la siiyay ee ah nolol rafaad ah inay aqbali
karaan.
Wuxuu kaloo sameystay hogaamiyayaal
askareed militeri genana ah oo dunida caan ka noqday, rag waaweeyn Baato, Biji,
Holaako, yacni waa qaa’id la wada yaqaan Beydar, Beydan waa quwaadii uu lahaan
jiray ninka kani waxay ahaayeed dagaala yahano aad ugu caan baxay dagaalada.
Wuxuu aaminsanaa bey yiraahdaadaan
mabda’a (al-Qudbil-Waaxid) aqtaab badni inay dunida ka jirin ee dunida nin qura
ka taliyo, dadka dunida joogaan inay ninkaa ka dambeeyaan.
Waxyaabahuu caanka ku ahaa waxaa ka
mid ah bey yiraahdaan, balanka ma aqoon baa la yiraahdaa. Haduu cid dowlad
heshiis la galo inuu la galay iyo inaanu la galin qiimo badan uma kala
dhaxeynin, sideedaba raga xooga weyni balanka ma jecla, hadii aan aakhiro qofku
aanu ka baqaynin iyo Rabb baa ku xisaabi iyo khiyaamaa jirto waa leys
qabsanayaa. Sideedaba ninka xooga weyni balanka marmarsiiyo uma waayo lagu
buriyo.
Waxa diyaariyey
Al-ustad/ Eng = Aweys Osman Abdi (Romanza)
No comments:
Post a Comment