SU’AALO IYO JAWAABO (TAARIIKH)
CUTUBKA 1AAD 22/10/2020 Thursday
DOWLADDA CUSMAANIYIINTA
1-
Sheeg qarnigii ay soo if baxdey dowladii
cusmaaniyiinta?
1.
dowladii cusmaaniyiinta waxay soo if baxdey qarnigii
13aad.
2-
Kuma ayaa aasaasay boqortooyadii cusmaaniyiinta?
2. boqortooyadii cusmaaniyiinta waxaa aasaasay suldaan cusmaan 1 bin adhugaral.
3-
Goormaa ayuu dhintey adhugaral?
3.
Adhugaral wuxuu dhintey sanadkii 1288 dii.
4-
Maxaa sababey burburkii dowladii seljuuqa?
4.
burburkii dowladii seljuuqa waxaa sababey weeraro
soo noqnoqday oo kaga yimid maguulka (ciidamadii tataarka).
5-
Sheeg waxyaabaha ugu muhiimsan ee cusmaan uga tagey
caruurtiisa oo saameyn weyn ku yeeshey balaarinta dowlada cusmaaniyiinta?
waxyaabaha ugu muhiimsan ee cusmaan
uga tagey caruurtiisa oo saameyn weyn ku yeeshey balaarinta dowlada
cusmaaniyiinta waxay ahayd dardaarinkii uu ku yiri ( caruurteyda iyo
saaxiibadeydow sii wada sarreynta diinta islaamka kuna sii wada jihaadka eebe
dartii, gacanta ku haysta astaanta sharafta leh ee islaamka maxaa yeelay eebaha
qaadirka ah waxa uu sabab uga dhigay addoon daciif ah sidayda oo kale furashada
dalal, ku socda towxiidka ilaa aad gaartaan dalalka ugu fog jihaadka eebe
dartiis.
6-
Goormaa ayay dowladii cusmaaniyiinta ka guurtey imaarad isla
markaasna noqotey dowlad?
5.
dowladii
cusmaaniyiinta waxay ka guurtey imaarad isla markaasna noqotey dowlad
mudadii u dhaxaysey 1299 ilaa 1520 kii.
7-
Goormaa ayay cusmaaniyiintu baadi goobayeen sidii ay
u hoos keeni lahaayeen xukunkooda carabta bari?
6.
Cusmaaniyiintu waxay baadi goobayeen sidii ay u hoos keeni lahaayeen
xukunkooda carabta bari mudadii u dhaxaysey 1512kii ilaa 1520kii.
8-
Goormaa ayuu dhacay dagaalkii Jaaldiiraan? Yaase ku
dagaalamay dagaalkaas?
7.
dagaalkii Jaaldiiraan waxa uu dhacay sanadkii 1514
kii, waxaana ku dagaalamey suldaan Saliim iyo safwiyiinta.
9-
Goormaa ayuu suldaan saliim xukunkiisa ku fidiyey
dalka masar?
8.
suldaan saliim waxa uu xukunkiisa ku fidiyey dalka masar sanadkii
1517dii.
10-
Sheeg xiligii suldaan Suleymaan hayey awooda
dowladii cusmaaniyiinta?
9.
Suldaan Suleymaan wuxuu hayey awooda dowladii cusmaaniyiinta 1520kii
ilaa 1566dii.
11-
Goormaa ayuu suldaan suleymaan furtey Belgaraad iyo
jasiirada Roodes?
Ø suldaan
suleymaan wuxuu furtey Belgaraad 1521 kii
sidoo kale jasiirada Roodes wuxuu furtey 1522 kii.
12-
Goormaa dowladii cusmaaniyiinta loo qeybiyey 32
gobol?
Ø dowladii
cusmaaniyiinta waxaa loo qeybiyey 32 gobol dhamaadkii qarnigii 17aad.
13-
Goormaa ayey dowladii cusmaaniyiinta qabsadeen
magaalada konistantinoobal?
Ø dowladii
cusmaaniyiinta waxay qabsadeen magaalada konistantinoobalsanadkii 1553 dii
14-
Dowladii cusmaaniyiinta waxa ay ahayd dowlad islaami
ah sabab?
Ø Sababtu waxa ay
tahay xukunka dowladu waxa uu ku dhisnaa shareecada islaamka taas oo hay’ada
islaamiga ah ka dhigtey meel muhiim ah.
15-
Imisa sano ayuu suldaan cusmaan hayey xukunka
dowlada cusmaaniyiinta?
Ø suldaan cusmaan
wuxuu hayey xukunka dowlada cusmaaniyiinta 36 sano.
16-
Sanadkee ayuu suldaan cusmaan gaarey
himilooyinkiisa?
Ø suldaan cusmaan
waxa uu gaarey himilooyinkiisa sanadkii 1308 dii.
17-
Goormaa ayuu dhintey suldaan cusmaan?
Ø Suldaan cusmaan
waxa uu dhintey sanadkii 21 Agoosto 1326 dii.
18-
Goormaa ayuu suldaan orkhaan qabtey awooda xukunka
dowladii cusmaaniyiinta?
Ø suldaan orkhaan
qabtey awooda xukunka dowladii cusmaaniyiinta sanadkii 1326 dii.
19-
Goormaa ayuu dhaxal sugihii suleymaan iyo
ciidamadiisu ka gudbeen marin biyoodka Dardaniil?
Ø dhaxal sugihii
suleymaan iyo ciidamadiisu ka gudbeen marin biyoodka Dardaniil sanadkii 1358
dii.
20-
Sheeg mid ka mid ah waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee
la xiriirey nolosha suldaan orkhaan?
Ø mid ka mid ah
waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee la xiriirey nolosha suldaan orkhaan waxa ay
aheyd dhismaha ciidamada islaamka iyo sida ay ugu danayneynayaan inay soo
bandhigaan nidaam khaas u ah ciidanka.
21-
Sanadkee ayuu dhintey suldaan orkhaan?
Ø suldaan orkhaan
waxa uu dhintey sanadkii 1360 kii.
22-
Goormaa ayuu suldaan Murad 1 la wareegey awooda
xukunka dowladii cusmaaniyiinta?
Ø suldaan Murad 1
wuxuu la wareegey awooda xukunka
dowladii cusmaaniyiinta sanadkii 1360 kii.
23-
Sheeg suldaankii ka tirsanaa dowladii cusmaaniyiinta
ee isku magacaabey khaliifkii muslimiinta?
Ø suldaankii ka
tirsanaa dowladii cusmaaniyiinta ee isku magacaabey khaliifkii muslimiinta waxa
uu ahaa Murad 1.
24-
Sanadkee ayuu suldaan murad 1 furtey Adraana?
Ø suldaan murad 1
wuxuu furtey Adraana sanadkii 1361 dii.
25-
Sanadkee iyo xagee ayuu ku dhintey suldaan murad 1?
Ø suldaan murad 1
wuxuu ku dhintey goob dagaal sanadkii 1391 dii.
26-
Goormaa ayuu suldaan maxamed 1 qabtey awooda xukunka
dowladii cusmaaniyiinta?
Ø suldaan maxamed
1 wuxuu qabtey awooda xukunka dowladii cusmaaniyiinta sanadkii 1413 kii.
27-
Kuma ayuu ahaa suldaankii ugu horeeyey ee
sharciyeeyey ciidanka badda ee dowladii cusmaaniyiinta?
Ø suldaankii ugu
horeeyey ee sharciyeeyey ciidanka badda ee dowladii cusmaaniyiinta waxa uu ahaa
suldaan maxamed 1.
28-
Goormaa ayuu suldaan maxamed 2 la wareegey awooda
xukunka dowladii cusmaaniyiinta?
Ø suldaan maxamed
2 waxa uu la wareegey awooda xukunka
dowladii cusmaaniyiinta sanadkii 1451 dii.
29-
Sanadkee la aasaasay magaalada konistantinoobal?
Kuma ayaana aasaasay?
Ø magaalada konistantinoobal waxa la aasaasay sanadkii 330 kii waxaana aasaasay boqorkii biizantiinka ee ahaa konistantiin 1
30-
goormaa ayay bilaabatey go’doominta dhabta ah ee
magaalada konistantinoobal?
Ø Waxay bilaabatey
go’doominta dhabta ah ee magaalada konistantinoobal sanadkii 1453 dii.
31-
Maxay ahayd caqabada ugu weyn ee haysatey ciidamada
muslimiinta xiligii furashadii konistantinoobal?
Ø caqabada ugu
weyn ee haysatey ciidamada muslimiinta xiligii furashadii konistantinoobal waxa
ay aheyd sidii maraakiibta joogtey dekeda Bosfoor loogu wareegin lahaa dekeda
geeska dahabiga ah.
32-
Goormaa ayuu dhinteu suldaan maxamed faatix?
Ø suldaan maxamed
faatix waxa uu dhintey 3 May sanadkii 1481 dii.
33-
Goormaa ayaa isbaheysigii mucatabka lagu jebiyey
dagaalkii liibaanto?
Ø isbaheysigii
mucatabka waxaa lagu jebiyey dagaalkii
liibaanto sanadkii 1499 kii.
34- Sanadkee ayuu suldaan orkhaan gaazi amar ku bixiyey in iskuul laga dhiso dhinaca masjidka weyn ee Azniiq?
Ø suldaan orkhaan
gaazi waxa uu amar ku bixiyey in iskuul laga dhiso dhinaca masjidka weyn ee
Azniiq sanadkii 1331kii.
35-
Sanadkee ayuu suldaan suleymaan asaasay iskuul lagu
barto axaadiista?
Ø suldaan
suleymaan waxa uu asaasay iskuul lagu
barto axaadiista sanadkii 1557 dii.
LA SOCO CUTUBKA 2AAD EE MAADADAN Insha Allah
1 comment:
Mahdsnid ustad
Post a Comment