Waxaa dhacda mararka qaar
in magaalada Boorama dhulgariir fududi ka dhaco. Mana ahan markii ugu
horeysey ee magaaladaa dhulgariir ka dhaco, mustaqbalkana wuu soo noqnoqon
doonaa isaga oo intan ka culus.
Sabab cilmi ah
ayay taasi leedahay.
Qaaradda Afrika waxay ka samaysan tahay laba sarood oo
la ka la yidhaahdo sarta Soomaalida iyo sarta Nuubiya (Somali plate and Nubian
plate).
Haddaba waxaa socda dhaqdhaqaaq xooggan oo labadaa sarood
ku ka la fuqayaan ilaa Afrika noqoto laba qaaradood. Wax ay ka ka la ruqayaan
diillinta loo yaqaan Rift Valley (Dooxada Hawaas), taas oo socota Waqooyiga
dhulka Soomaalida ilaa xeebta shishe ee Kiiniya.
Taa waa la ogaa laakiin laba sano ka hor culimada dhulku
wax ay ogaadeen xawliga kala fuqu in aad u sarreeyo. Sannad walba dhulkaasi
waxa uu ka la durkaa laba sentimitir iyo badh, waxaana la oddorosayaa in ay
qaadanayso 30 milyan oo sano inta ay diillintaasi noqonayso bad qaaradda laba
ka dhigta.
Haddaba halis aad u weyn bay ka digayaan culimada
arrintan aqoonta u leh, waxaana durba meelo badan ka dillaacay haadaamo
dhaadheer oo geystay khasaare badan, gaar ahaan dhanka Kiiniya.
Haddaba dhulgariirka Boorama taas buu xidhiidh la lee
yahay, waayo dhulka ayaa socda. Sidaa darteed magaaladaas iyo dhulka ku ag dhow
waxaa fiican in la taxaddaro oo dhismayaasha la waafajiyo hab khasaaraha yarayn
kara mustaqbalka.
Waxa Diyaariyey Al/ Ustad # Eng Aweys Osman Abdi Romanza
No comments:
Post a Comment