Dagaaladii ay galeen Dowladii Cusmaaniyiinta
Furashooyinkii iyo guulihii ay goobaha
dagaalka ka soo hoyiyeen ciidankii Cismaaniyiintu.
Cismaaniyiintu waxay furteen Jasiiradda
Imrali taas oo ahayd markii ugu horraysay ee ay badda Mar-mara soo galeen sannadkii
(1308)
Mudanya-na waxay furteen 1321 markaas oo
ahayd markii ugu horraysay oo ay Cismaaniyiintu cagaha dhigeen Thrace oo ku
taal Konfurta bari ee Yurub, magaalada Port-City oo istaraatiijiga ah iyo
gacanka Gemlik oo badda Mar-mara ku yaalna waxay gacanta ku dhigeen 1333.
1346 is-bahaysi baa wuxuu dhex maray
dawladdii Cismaaniyiinta iyo tii Byzantine ee Qustantiinaya caasumadda u ahayd
taas oo ka dambaysay markii uu Suldaankii Cismaaniyiintu Orkhan Gaazi guursaday
Amiirad qoyska boqortooyada Byzantine ka dhalatay oo la oran jiray Theodora
aabbeheedna la oran jiray John VI Cartacuzenus.
Sannadkii 1351 ayay Ciidankii badda ee
Turkigu waxay cagaha dhigeen Thrace iyo Jasiirad la moodda Boolkanka iyagoo
caawinayey dawladdii Biisandiyiinta, iyagoo duullaankaas wada jirka ah ku
jabiyey ciidammadii Seerbiya iyo Bulgaariya, iyagoo Turkigu markii ugu
horreeyay halkaas qalcado ka samaystay.
1373dii-waxay ciidankii Cismaaniyiintu
qabsadeen Masedonia (Maqdooniya).
1374 - Waxay go'doomiyeen markii ugu
horraysay Thessaloniki. Dabadeed waxay ciidankii Cismaaniyiintu u duuleen
dhinaca Seerbiya (1375), dhinaca Bulgaariyana (1376), dhinaca Albaaniana
(1383), dhinaca Bosnia Herce govina na (1384).
1389 - Waxay qabsadeen woqooyiga Bulgaariya
iyo koonfurta Romania iyo Boolkaniska badankiisa
1392- Waxay qabsadeen woqooyiga Albania iyo
koonfurta Montanegro.
1396- Waxay gacanta ku dhigeen dalka
Albania.
(1415-1416)- Waxay qabsadeen dhawr
jasiiradood oo ku yaal badda Iija.
(1417)- Waxay qabsadeen dekedda
istaraatiijiga ah ee Samsun ee badda Madow ku taal.
29 May1453- waxay qabsadeen Istanbuul oo
awal la oran jiray Constantinople oo caasumad u ahaan jirtay Romanka sidii aan
soo xusnayba.
(1499-1503)- Dagaalladii Turkiga iyo
Venetian dhex marayey muddadii ay socdeen.
1521 - Waxay qabsadeen dalka Goergia oo ku
yaal woqooyiga badda Madow.
1529 - Gabagabyntii koowaad ee Vienna.
.1521- qabsashadii Beelgaraad caasumaddii
Seerbiya.
1516- Qabashadii Suuriya oo Mamaalikta ay
kala wareegeen.
1517- Kala wareegiddii Masar dawladdii
Mamaalikta kaddib markii ay xilkeedii ka gaabisay iyo dhicitaankii Mamaalikta.
1516-1517 - waxay dalka Aljeeriya ka
xoreeyeen gumaysigii Isbaanishka.
1527- Qabsashadii Croatia iyo Bosnia.
1534- Ka xorayntii Tooniisiya gumaysigii
Isbaanishka.
1538-1539 - ka xorayntii Yaman gumaysigii
Boortaqiiska iyo la wereegiddii Xijaas (Maka iyo Madiina iyo dhulka ku xeeran).
1547-48- Marlabaad ka xorayntii Yaman
Boortaqiiska.
1551- Ka xorayntii Liibiya iyo Malta
Isbaanishka.
1541 - Ku jabintii maraakiibta dagaalka ee
Spain iyo Talyaaniga magaalada Aljeris.
1552- Ku jabintii maraakiibta dagaalka ee
Spain iyo Talyaaniga meel u dhow Ponza.
1552- Ka xorayntii Cumaan, Marin biyoodka
Hurmuz iyo Qadar gacantii Boortaqiiska.
1553- Qabsashadii Marooko.
1565- Waxaa dhex maray boqor Calaa-uddiinkii
jasiiradda Ajee ee Indoniisiya ka talinayey iyo ciidankii badda ee dawladdii
Cismaaniyiinta, isbahaysi ku salaysan inay Cismaaniyiintu ka bad-baadiyiin
gumaysigii Boortaqiiska.
1569- Ciidankii Cismaaniyiintu waxay saldhig
badeed ka samaysteen jasiiradda Suumatra ee dalka Indooniisiya.
1568 - Dib u xorayntii Sanca, Cadanna 1569,
Yaman inteeda kalana 1570.
1571- Qabsashadii Qubrus.
1578- Ku jabintii ciidankii badda ee
Boortaqiiska Marooko.
Suldaankii dagaal yahanka ahaa ee u
dambeeyay Suldaan Turki ah oo ciidankiisa u horkaca goobta dagaalka waxaa la
oran jiray Murad IV oo talada hayey intii u dhexaysay (1612-1640) isaga ayaana
Persia kala soo wareegay Ciraaq siiba Baqdaad sannadkii 1639.
1683- Gabagabayntii labaad ee Vienna
1787- Ku jabintii Ruushka meel u dhow
jasiiraddii Yilan.
1801- Dib u xorayntii Masar.
1812-1813- dib u xorayntii dhulka Xijaas.
Maraaxishii Imbaradooriyaddii Cismaaniyiintu
soo martay
Xilligii koritaanka (1299–1453)
Dawladdii Cismaaniyiinta oo Caalamka
Islaamka hoggaaminaysay muddo dhan 624 sano taasoo ah muddadii u dhexaysay 1299
oo ah goortii ay dawladdii Cismaaniyiintu lugaheeda isku taagtay oo ka xorowday
dawladdii Salaajiqada, ilaa sannadkii 1923 oo ah sannadkii sida tooska ah loogu
dhawaaqay in la baabbi'iyey Khilaafadii isku xiraysay caalamka islaamka, taas
oo soo taxnayd ilaa maalintii nabi Muxammed scw geeriyooday oo dabadi Abubakar
xilkii uu banneeyay loo caleema saaray.
Dawladda islaamka oo muddada intaas le'eg
soo jiitamaysay waxay soo martay marxalado kala duwan oo ay maalinba heer
joogtay. Marxaladdii koowaad oo ahayd intii u dhexaysay (1299–1453), waxaa
loogu magac daray marxaladdii koritaanka, oo waa intii ay dawladdu kor u
socotay. Marxaladdaasina waxay ku eg tahay maalintiii Muxamed Alfaatix uu
gacanta ku dhigay caasumaddii facaweynayd ee Imbaradooriyaddii Roomaanka ee
waagii hore la oran jiray Constantinople, iyadoo markii ay Cismaaniyiintu la
wareegeen caasumaddii dawladda ka dhigeen una bixiyeen Islaambuul oo macnaheedu
yahay magaaladii Islaamka, iyadoo maantana loo yaqaan Istanbuul oo ay u
bixiyeen nimankii diinta islaamka la diriray ee khilaafadii islaamka afgambiyey
oo Ataaturki aabbaha u ahaa.
Marxaladdaan oo socotay muddo dhan 154 sano
waxaa talada iska baddalay ilaa 8 suldaan. Dawladduna waxay la wareegtay oo ku
fidday dhul aad u ballaaran oo dhinaca qaaradda Yurub iyo dhinaca Aasiyada
yarba ka mid ah, iyo waliba jasiirado ku dhex yaal badaha ku xeeran dhulka
Turkigu degaan ee kala ah badda Dhexe, tan Madow, tan Mar-mara iyo tan Iijah.
Marxaladdii labaad ee taariikhdii
Cismaaniyiinta (xilligii gaamuridda) (1453–1683)
Muddadaas oo dhammayd 230 sano waxaa xilka
iska baddalay ilaa 11 suldaan. Waana muddadii ay dawladdu gaartay halkii ugu
sarraysay oo bari iyo buguxba ay awooddeeda ku fidisay. Iyadoo waayahaas ay
talada isaga hareen rag awood buuxda helay oo wada qawjad ahaa, kuwaas oo ay ka
mid ahaayeen Maxamed Alfaatix oo isagu muddo dheer hawsha sii waday iyo
Saliimkii koowaad oo ahaa ninkii gulufka dagaalka xagga bari u soo jeediyey
markii ay Boortaqiiska iyo Spain ku soo duuleen dunidii islaamka, iyo Sulaymaan
Alqaanuuni oo ahaa ninkii xilkii Saliim Al-awal geeridu ka hor istaagtay sii
dhammaystiray oo Alle cimri dheer siiyey. Oo markaas halkii ka sii waday is
ballaarintii ay dawladdu ka wadday saddexda qaaradoodba, Yurub, Aasiya iyo
Afrikaba.
Isla marxaladdaa gaamurka dhammaadkeeda waxa
soo kacay dawlado badan oo Yurub ah oo sameeyey isbahaysi ka dhan ah dawladdii
Cismaaniyiinta iyagoo meelo badan ku ciriiryay, dhaqaale ahaan iyo millatari
ahaanba. Waxayna marxaladdaani ku egtahay sannadkii ay dawladdii Cismaaniyiintu
markii labaad gaba-gabeeyeen magaalada Vienna ee dalka Ostareeya oo ah halka
ugu shishaysa ee ay Muslimiintu ka gaareen qaaradda Yurub.
Waxaa kaloo isla marxaladdaan dhammaadkeeda
soo shaac baxay kacdoonno gudaha ah oo ay ciidanku sameeyeen iyadoo qarniyadii
16aad iyo 17aad ay ka dhaceen fawdooyin salaaddiin badan taladii looga tuuray
oo ay ka dambeeyeen ciidan la baxay Janissary.
Marxaladdii soo liicidda (1699–1908).
Dabadeed waxaa bilaabatay marxalad cusub oo
ah inay dawladdii fiinta gaartay soo foorarsato, marxaladdaas oo ah intii u
dhexaysay (1699–1908), iyadoo muddadaas ay dalka Turkiga gudihiisa kala
dambayntii hallowday taas oo keentay inay dalal badan oo dawlada hoos joogay ku
kacaan oo dagaallo gobannimo-doon ah abaabulaan iyadoo muddadaas dawladdii
wayday dhul ballaaran oo ay horay uga talin jirtay.
Marxaladdaas oo socotay muddo dhan 209 sano
waxaa intaas talada isaga dambeeyay suldaanno tira badan waxaana dhacay
dhaq-dhaqaaqyo wax looga qabanayo dhicitaanka dawladda iyadoo ay ay markii
dambe bilaabantay marxalad isla taas ka mid ah oo loogu magac daray marxaladdii
laba kaclaynta iyo dib-u-habaynta. Taas oo ahayd intii u dhexaysay (1699–1827).
Muddaas oo dhammayd 133 waxaana xilka iska baddalay muddadaas ilaa 11 suldaan.
Waxaa iyana muddadaas dhinac kale ka socday
dagaallo daba dheeraaday oo u dhexeeyay dawladdii Cismaaniyiinta iyo tii
Ruushka kuwaas oo Ruushku ku doonayey inuu la wareego dhulal balaaran oo
Muslimiintu leeyihiin, dagaalladaas oo bilowday qarnigii lix iyo tobnaad oo
socday ilaa kii sagaal iyo tobnaad. Iyadoo Cismaaniyiintu ugu dambayntii
Ruushka ka difaacayeen markii uu intii kale soo qabsaday, dalalka Qooqaazka loo
yaqaan oo Jeejniya ka mid tahay muddo 60 sannadood ah, ilaa ay markii dambe
tabar u weyday, sababtoo ah waxaa la soo gaaray xilligii ay gabowday oo dhici
lahayd, oo waxaa ku soo wareegay saxalkii dhicitaanka ee cid kasta oo kor
gaarta u qornaa oo qaanuunka koonka iyo qaddarta Alle waafaqsanaa.
Saliimkii saddexaad oo talada hayey intii u
dhexaysay (1789-1807) ayaa ahaa ninkii u horreeyay ee isku dayey inuu ciidanka
Janissariga wax ka qabto oo kala dambayntii iyo disibiliinkiisii dib u soo
celiyo si ay hawshooda ugu ekaadaan ayna arrimaha siyaasadda faraha uga qaadaan,
laakin natiijadii waxay noqotay inuu taladii iyo naftiisiiba ku waayey oo
ciidankii Janissariga loo yiqiin oo iyagu u bartay inay awood xad dhaaf ah iska
yeeshaan baa ka takhallusay. Laakin Maxamudkii labaad oo talada uga dambeeyay
baa sannadkii 1826 si aad ah u xasuuqay ciidankii Janissariga loo yiqiin oo
muddada badan fowdada ku hayey maamulkii dawladda iyo kala dambayntii
ciidankaba. Isaga ayaana bilaabay inuu dawladdii marxalad cusub u raro isagoo
iska xilsaaray inuu kor u qaado cilmiga sayniska iyo kan farsamadaba. Iyadoo
dawladdii Cismaaniyiintii qarniyadii dhexe heer sare ka gaartay xagga aqoonta
iyo cilmiga sayniska.
Dawladdii
markii ay tabaryaraatay waxaa ku kacay qaaruumihii hoosjoogay oo dhan siiba
kuwii Kiristanka ahaa, Giriiggu wuxuu ku dhawaaqay inuu Imbaradooriyaddii
Cismaaniyiinta ka xoroobay sannadkii 1829, Serbia, Montenegro, Bosnia,
Bulgaria, Wallachia (Jegga) iyo Moldova waxay iyana xorriyaddooda oo buuxda
qaateen. Waxa Diyaariyey oo Qorey =
Al-ustad / Eng Aweys Osman Abdi (Romanza)
No comments:
Post a Comment