Tuulo ku taalla Yaman oo ah meesha keliya ee aan marna roob ku di’in abid - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

Thursday, May 11, 2023

Tuulo ku taalla Yaman oo ah meesha keliya ee aan marna roob ku di’in abid

KU XIRNOW CILMIDEEQ

 

al%20hutaib%203

Tuulada Al-Hutaib ee dalka Yaman waa tuulada qura ee dunida guudkeeda ku taalla ee aan weligeed roob helin, tan ugu daranise waa in aanay tuuladani lama degaan ahayn, balse taas beddelkeeda, waxay ku taal buur sare oo ay ka hooseeyaan daruuruhu.

Tan kale oo yaabka lihi waxay tahay in inkasta oo tuuladani ay ku taal meel sare oo ilaa 3,200 mitir ka sarreeysa oogada dhulka, misna uu jawigu yahay mid diirran oo dhexdhexaad ah.

Al-Hutaib waxay ku taal gobolka Sanca’ ee Jabal Haraz, oo ah gobolka buuraleeyda ah ee u dhexeeya Sanca iyo Al-Xudayda.

Tuulada Xutayb waxa ay ka dul dhisan tahay dhagax ciid cas ah. Dalxiisayaal badan ayaana halkaas soo booqda si ay ugu raaxaystaan muuqaallada cajiibka ah ee dhulkan sare.


al%20hutaib


Halkaan waxaa ku yaal guryo badan oo qurux badan oo laga dhisay buuraha dushooda, halka daruuruhuna  ay hoos sabaynayaan. Qabriga wadaadka caanka ah ee Daawuud Bohra Daa’i al-Mutlaq Xaatim ibn Ibraahim ayaa ku yaalla tuuladan. Waxa kale oo ay leedahay dugsiyo iyo adeegyo kale.

Tuuladan oo dadkeedu 400 oo qof gaarayaan waxay caan ku yihiin beerista bunka, oo ay ku beeraan biyo ay ka soo daabulaan qaybta hoose ee buurta.

Sida laga soo xigtay xisaabaad taariikheed, tuuladan ayaa mar ahayd xarun ay ku xooggan yihiin qabiilka Al-Sulayxi, oo tuulada dhisay qarnigii 11-aad si ay isaga ilaaliyaan weerarrada cadowga. Waxay u ahayd sidii goob istiraatiiji ah oo ay ilaaliyaan dhammaan gobolka bari ee Jabal Haraz.


WAXA IDIIN DIYAARISAY = Adna Aweys Osman

Post Top Ad