AMIIRO OLGA:
Aargoosigii ugu xaasidsanaa taariikhda inta la
xuso, waa aargoosigii Olga
Waxa shirqool lagu dilay
dhaxal-sugihii Kiev (caasimadda dalka Ukraine), prince Igor Rurikovich,
sanadkii 945kii, waxana dilay qabiil ku noolaa bariga Yurub oo la oran jiray
Drevlians. Qaabkii ay u dileen baa ahaa; inta ay laba geed soo liiciyeen ilaa
ay isu keeneen, bay jirkiisa qaybna geed ku xireen qaybna geedkii kale,
dabadeedna labadii geed bay sii daayeen. Waxa taas ka dhashay in jirkiisii uu
laba qaybood u kala dhambalmay dhiiggiisiina firdhay.
Keddib dilkii Igor, waxa taladii la wareegtay xaaskiisii Olga.
Qabiilkii Drevlians la oran jiray baa markaas 20 nin oo kamid ah
raggoodii ugu fiicnaa usoo diray, si ay Olga ugu qanciyaan inay
dhaxal-sugohooda Mal guursato, dhaxal-sugahaas oo aan u guursanayn jacayl uu
iyada u qabay, balse uu damac kaga jiray in uu Kiev gacanta ku dhigo oo
xukunkiisa hoos geeyo.
Olga, raggii wafdiga ahaa ee loo soo diray dhammaantood nolosha
ayay ku aastay, keddibna farriin bay u dirtay prince Mal ay ku leedahay:
“Guurkaaga waan aqbalay, raggii aad iisoo dirtayna aniga ayay marti ii sii
ahaanayaan si ay usoo indha-indheeyaan nolosha shacabka ilaa laga gaarayo
maalinta guurkeenna la baahinayo, waxana aan u baahanahay tiro dheeri ah oo
kamid ah geesiyaasha Drevlians si ay inoola dabbaal-degaan”.
Raggii qabiilkiisa ugu geesisanaa ayuu usoo diray, markii ay
Kiev soo gaareenna waxa loo galbiyay qalcaddii boqortooyada halkaas oo inta
lagu soo dhoweeyay oo lagu sooray, khamrana laga dherjiyay, markii ay sarkhaameen
dhammaantood nolosha lagu gubay.
Isla markii ay sidaasi dhacday, Olga waxa ay tacsi si weyn loo
agaasimay u dhigtay ninkeedii dhintay, waxayna ugu yeertay qabiilka Drevlians
in uu kasoo qayb galo. Waxa loo soo diray dad aad u fara badan iyo ciidan. Ciidankeedii
oo u diyaarsanaa ayaa qaflo baabayn ku qabtay ciidankii Drevlians ee tacsida u
yimid, waxana ay ka dileen 500 oo askari.
Sidaas bay Olga uga fara xalatay dagaal yahannadii ugu badnaa
uguna tayada fiicnaa qabiilkii Drevlians. Keddib, waxa ay u diyaar garowday
sidii ay u weerari lahayd Drevlians si inta hartay ay u xasuuqdo, waana ay dul
degtay.
Intii ay dul degganayd, qabiilkii Drevlians waxa uu Olga ka
baryay inay naftooda badbaadiso, ayna isku furtaan malabka ay soo saaraan. Waxa
ay u sheegtay inay cafinayso haddii guri walbaa uu soo dhiibo saddex kamid ah
qoolleyda (shimbirsha) uu dhaqdo.
Reer Drevlians dalabkaas iyaga oo la yaabban bay qoolleydii
dhiibeen, yaabkooduse ma aanu sii jirin. Isla markii ay qoolleydii soo gaartay,
ciidankii Olga ayaa shimbir walba lugta uga xiray xarig maro ah oo dheer oo
dhinaca kale ka holcaya, dabadeedna sii daayay, si uu bukiisii ugu laabto.
Sidaas baa qoolleydii mid waliba gurigii laga soo saaray inta uu ku laabtay, uu
dab qabadsiiyay, magaaladii oo dhamina ay sidaas ku gubatay.
Shacabkii Drevlians oo dabkii ka baxsanaya, Olga ciidankeedii
bay kusii daysay, kuwii oo dadkii qaarna laayay, qaarna usoo qabqabtay si loo
addoonsado.
Sidaas bay Olga qabiil dhan u dabar goysay, iyada oo ugu aaraysa
ninkeedii ay jeclayd, sida lagu weriyay bogagga taariikhda.
No comments:
Post a Comment