Magaca sheekadu waxa uu yahay "Masayrka waa
masiibo qarsoon"
Dunidan
aynu ku nool nahay doodi kama taagna in Jaceylku uu yahay wax jira oo Ilahay Aadmigiisa ku abuuray ,qofkasta oo aad
waydiiso waxa uu yahay jacaylku waxa uu ku sheegayaa in uu jacaylku jiro balse
waxa laga yabaa in qofkastaba uu qaab gooniya u fasiro.
Qofka uu
jacaylku hayaa wuxuu la mid yahay , qof saaran Doon Bilaa shiraac ah oo
badwaynta dhexdeeda ay mawjadaha baddu ay marba meel ku tuurayaan,cid uu miciin
sadaana aanay jirin .
Qaybta
koowaad ee sheekada :-
Kariima waa
gabadh Somaliyeed oo qurux badan , waa gabadh midabka ugu fiican ee maariin-dhalaalka
xiga leh,waa gabadh wajigeeda ka dhawrtay is-cadaynta aan cilmiga ku dhisnayn
ee dumarkii Somaliyeed qaar ka mid ah lagu ibtileeyay ,waa gabadh dhererkeedu
meel dhexaad tahay ,waa gabadh jiniyad leh oo muuqeeda marqudha aanad ka jeesanayn.
Kariima
qofkasta oo arkaa amma bartaa waa gabadh aanu ka xiiso goynayn, bulshonimo iyo
bashaashnimo diin ku salaysanna Ilahay ku manaystay ,waa gabadh ku dadaasha in
ay ka fogaato waxkasta oo ay isleedahay sharafteeda iyo dadnimadeeda ayuu
dhawacayaa.
Kariima waa
gabadh ay adag tahay in si fudud ay u duufsadaan ,dhalinyarada iyo dhabcalada
inta badan aan dhawrin dadnimada iyo sharafta gabdhaha Somaliyeed ,waa gabadh
ka dhiidhida xumo dhamantii ,tasoo gabdhaha la dhigaalka ahna ku dhiirisa in ay
dhag xumo dhamaan teed ka dhawr-sadaan.sidoo kale waa gabadh ku fiican waxtarka
iyo taakulaynta dadka, Kariima waxa ay ka dhalatay Qoys Somaliyeed oo sharaf
iyo karaamo ku dhex lahaa dadkii ay la degaanka aheeyd ,waxay ka dhalatay qoys
aan dhaqaale buuran haysan , waxa ay la noolayd Aabo iyo Hooyo u duuban sidii
ay nolosheeda iyo tan caruurta ay walalaha yihiinba u daryeeli lahayeen.
Wakhti lagu
qiyaasi karo kun sagaal boqol, sagaashan iyo saddex dii ayaa Kariima waxa ay
hoyadeed ku dhimatay dalka Somaliya iyada oo u dhimatay xanuun kusoo boodo ahaa
, waxaa sidoo kale rabshadahii wakhtigaasi dalka ka jiray isagana dhawac kasoo
gaadhay abaheed ,intaasi wixii ka danbeeyay Kariima iyo caruurtii kale ee ay
walalaha ahaayeenba waxa soo food saartay duruuf aad u adag.
Kariima iyo caruurtii ay walalaha ahayeenba, waxa uu qorshahoodu noqday in ay kala qaybsadaan dadkii ehelka ugu dhawaa sida Eedooyinkii iyo Habaryarahii iyo wixii la mid ah taasi waxa ay sababtay in dhamaan caruurtii walaalaha ahaa ee is-dugsanayay qaarba meel la geeyo duruuf iyo dan timid aawadeed.
DHAMAAD
QEYBTA KOOWAAD EE SHEEKADII LA MAGAC BAXDEY
MASEYRKA
WAA MUSIIBO QARSOON
LA SOCO
QEYBTA LABAAD INSHA ALLAH
No comments:
Post a Comment