Macluumad Layaab Leh Oo Ku Saabsan Dayaxa - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

Tuesday, November 21, 2023

Macluumad Layaab Leh Oo Ku Saabsan Dayaxa

KU XIRNOW CILMIDEEQ

 

monn%202


 Dayaxu waa waxa ugu dhow dhulka marka la aado dhinaca hawada sare, waxaana lagu xisaabiya inuu dhulka raacsan yaha, waxaana ku tusinaysa u dhawaanshiyihisa dhulka masaafo gaaraysa wax u dhow 400,000 KM waana dariskeena ugu dhow dhinaca hawada sare xajmiga dayaxa wuxuu u dhigmaa 4 meelood meel xajmiga dhulka taas ay micnaheedu tahay inuu dhulka ka yar yahay 4 jeer “4 times”

dayaxu wuxuu leeyahay waji sii jeeda; halka waji ee dhulka ku aadan ayaa noo muuqda mar walba sababtoo ah dayaxu wuxuu la jaan qaadaa dhulka dhaq-dhaqaaqodana wuu isku xidhan yahay Inteena badan hadii la waydiiyo Faa’idooyinka uu dayaxu u leeyahay dhulka in aynu ku jawaabno in iftiin laga helo habeenkii !! laakiin faa’idadu intaa way wayn tahay makhluuqan xajmigan leeg diyaar iyo arin fudud looma abuurin

Faa’idooyin badan ayuu dayaxu dhulka u leeyahay sida isu dheeli tirnaanta miisaanka walxaha dhulka dul saaran, dhaqaajinta hirarka bada oo loo yiqaano “wave tides” hadii aad xeebta bada fadhido waxaad arki biyaha bada oo marna soo baxaya marna dib u noqonaya arinkaa waxa u sabab ah Dayaxa ama isasoo jiidashada dayaxa iyo dhulka ayaa keenaya taas “ Gravitational force B/w Earth and the moon”

Hadii dayaxu inyar ka fogaan lahaa meesha uu joogo hada maraakiibta iyo doomaha uma suurto gali lahayn in ay bada ku socdaan, halka sidoo kale hadii wax yar kasoo dhawaado meesha uu hada joogo biyaha bada ayaa dhulkoo dhan qarin lahaa.

Dayaxu dhulka aad ayuu ugu dhow yahay marka la eegayo masaafooyinka u dhaxeeya meerayaasha iyo xidigaha..

masaafada u dhaxaysa dhulka iyo dayaxa waxa lagu qiyaasaa sidaanu soo sheegnay ku dhawaad 400,000 KM ama 384400KM

hadii aad kuu guulaysato inaad tagto dusha sare dayaxa aad cirka eegto mugdi iyo madow wax aan ahayn ma arkaysid sababtoo ah dayaxu malaha Atmosphere ama dabool ilaaliya oo ka ilaaliya iftiinka badan ee Qoraxda sida dhulka oo kale.

moon%205

Dayax madoobadka waxa sabab u ah kala dhex galida dhulka qoraxda iyo dayaxa, si kasii fudud hadaan ku sheego waa in dhulku ka qariyo dayaxa iftiinka qoraxda taaso keenaysa in dadka dhulka ku nool ay arkaan dayaxii oo aan iftiin lahayn oo madow Arinka dayax madoobaadka waa mid lasii ogaan karo waxa caadi ah inaad war-baahinta ka maqasho bari ama laba maalin kadib waxa dhici doona dayax madoobaad Hadaba arinkaasi maaha cilmu-qayb yacnii inay dadku cilmu-qaybka ogyihiin ee wax ilaahay dadka baray in la qiyaaso dhaq-dhaqaaqa dhulka iyo dayaxa iyo wadooyinka ay ku socdaan taaso keenaysa in la ogaado waqtiga uu dhulku kala dhex galaayo dayaxa iyo qoraxda

Waxaana sune ah inay tukadaan dadka islaamka ah salaat Al Kusuuf

Ahmiyad wayn ayuu inoo leeyahay dayaxu hadii aynu nahay dad islaam ah 26 mar ayaa laagu sheegay Qu’aanka kariimka ah waxaana jirta suurad dhan oo loogu magac daray dayaxa ee suuratul-Qamar ee ka hadlaysa mid kamid ah mucjisooyinki nabiga Salallahu Allayhi wasallam in dayaxa laba loo kala qaybiyay si xaqa loo tuso mushrikiintii qurayshs, sidoo kale calender ka ama taariikhda bilaha islaamka waxay ku xidhan yihin dayaxa, sidoo kalena soonka bisha Ramadan wuxuu ku xidhan yahay aragtida dayaxa


moon%203

Dayaxu waa meere aan wax dhaqdhaqaaqa lahayn hadii ay noqoto dabaylo ama volcano sida meerayaasha oo kale sidaas darteed waa meel aamusnaan buuxda ka jirto

FG: “Dayaxu iftiin malaha akhriste, iftiinkan aynu arkayno waa ka qoraxda ee ku dhacaaya dayaxa waa sidii muraayad kugu soo celinaysa ilayska”

Dayaxa waxaad ku arkysaa waxyaabo madow oo ku yaala,

hadaba mad-madowgasi waa godod aad u wayn waxaana la qiyaasa in million years ago dayaxu la kulmi jiray duqaymo uga yimaada dhinaca meerayaasha ee walxaha kale ee ku hareeraysan sida dhagaxaasha duusha ee wax wax duqeeya sababto ah dayaxu malaha wax dhaq-dhaqaaq ah.


moon

Post Top Ad