Wuxuu ahaa boqor Muslim ah oo 46 la dhalatay khaarajiyey balse Kursigii ma calfaday? - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

Thursday, May 18, 2023

Wuxuu ahaa boqor Muslim ah oo 46 la dhalatay khaarajiyey balse Kursigii ma calfaday?

KU XIRNOW CILMIDEEQ

 


Blue%20Geometric%20Business%20Facebook%20Cover

Inkastoo ay Boqortooyadii Cusmaaniyiintu aheyd dowlad islaami ah oo wax badan islaamka u qabatay haddana dhammaan salaadiintii soo maray ma wada aheyn kuwo wanaagsan.

Maadama ay ahayd boqortooyo xilka qaab dhaxal ah lagula kala wareego waxaa ku badnaa shirqoolada iyo dilalka.

Tusaale ahaan Suldaan Maxamed3 oo uu awow u ahaa Suldaan Suleymaan Al-Qaanuuni, markuu aabbihii geeriyooday 1595 oo uu isagu xilka qabtay wuxuu bilaabay inuu laayo dhammaan caruurtii walaalaha ay ahaayeen si aysan xilka ugu qabsan, wuxuu dilay 19 wiil oo ay walaalo ahaayeen iyo 27 gabdhood oo walaalihiisa ah!

Walaalihiis meydadkooda ayuu qabriyo uga sameeyey masaajidka Aaya Soofia meel kamid ah oo ilaa hadda la arki karo.

Ninkii sidaa u sameeyey xil jacayl dartii, muddo badan ma uusan heynin xilka oo wuxuu madaxweyne ahaa 8 sano oo keliya sanadkii 1603 ayuu wadne xanuun u geeriyooday isagoo 37-jir ah

WAXA DIYAARIYAY = Maxamed Aweys Osman

 


Post Top Ad