Booliska Israa'iil: Ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu "waa in la maxkamadeeyo"
Booliska Israa'iil
ayaa sheegay iney maxkamadeyn wajahayaan Ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu
iyo xaaskiisa Sara, ka dib marikii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo laaluush.
Waxaa lagu
tuhunsanyahay iney xagga sharciga si khaldan ugu hiilliyeen shirkadda
warbaahinta ee Bezeq telecom, iyagoo ka rabay in dhankeeda ay u baahiso warar
dhinaca fiican oo kaliya looga eegayo arrimaha ku saabsan Ra'iisul wasaaraha
iyo xaaskiisa.
Mr Netanyahu ayaa iska
fogeeyay eedeymahaas oo ku jira waxa loo yaqaanno Kiiska 4000.
Xeer ilaaliyaha guud
ee Israa'iil ayaa hadda laga dhowrayaa inuu go'aan ka gaaro in kiiskan loo
gudbiyo maxkamadda iyo in kale.
Maxay yihiin eedeymihii ugu
dambeeyay?
Maanta oo Axad ah,
Booliska Israail iyo mas'uuliyiinta laamaha amaanka ayaa sheegay in la helay
caddeymo xoog badan oo horseedaya in dacwad la xiriirta musuqmaasuq lagu soo
oogo Mr Netanyahu iyo Afadiisa.
Waxaa lagu tuhmay iney
faragalin ku sameeyeen go'aanno dhinaca sharciga ah oo loogu eexday shirkadda
Bezeq iyo ninka saamiga ugu weyn ku leh ee lagu magacaabo Shaul Elovitch.
Taas baddalkeedana,
lamaanahan ayaa sida lagu eedeeyay la siiyay tabin dheeraad ah oo looga eegayo
dhanka wanaagsan oo qura, taasoo lagu shaaciyay bog ay internet-ka ku leedahay
Shirkadda Bezeq.
Booliska ayaa sidoo
kale sheegay iney heleen caddeymo muujinaya in Mr Elovitch uu bixiyay laaluush.
Benjamen Natenyahu oo
ka jawaabayay eedeymahan ugu dambeeyay ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri:
"Macluumaadkan waxaa go'aankooda la gaaray lana abuuray ka hor inta aysan
baaritaannada billaaban.
"Waan hubaa in
saraakiisha ku howlan kiiskan, marka ay wax isla dhiraandhiriyaan ay soo saari
doonaan isla arrinta aan sheegayo oo ah: Ineysan waxba jirin, ileen waxba ma
jiraane."
Mr Elovitch ayaan
isagu wali wax hadal ah ka soo saarin arrinta.
Maxay ahaayeen labadii kiis ee
hore?
Mid ka mid ah wuxuu
salka ku hayay eedeyn Mr Netanyahu loogu jeediyay inuu ka dalbaday wargeys
maxalli ah inuu u faafiyo wararka taageerada u ah qoyska xukunka haya, taas
baddalkeedana uu ka caawin doono sidii uu uga hor mari lahaa shirkadaha
warbaahineed ee tartanka kula jira.
Kiiska labaad, Mr
Netanyahu waxaa lagu tuhmay inuu helay hadiyado uu qiimahoodu gaarayo ugu
yaraan 270,000 oo doolar, kuwaasoo la sheegay inuu ka helay ninka awoodda ku
leh shirkadda filimada ee Hollywood-ka ee lagu magacaabo Arnon Milchan iyo
taagereyaal kale.
Wargeyska Jerusalem
Post ayaa ku soo warramay horraantii sannadkan in hadiyadahaas ay ku jireen
khamri iyo sigaar, isla markaana loo bixiyay sidii Mr Milchan looga caawin
lahaa inuu helo dal ku galka Mareykanka.
Mr Netanyahu ayaa
dhammaan eedeymahaas ku tilmaamay kuwo aan "sal iyo raad toona
lahayn".
Warbaahinta Israa'iil
ayaa sheegeysa in ra'iisul wasaaraha 69 jirka ah ay dhowr jeer su'aalo
weydiiyeen kooxda baaritaanka ku howlan.
Mr Netanyahu ayaa
hogaaminaya isbahaysi burbur qarka u saran, hase ahaatee wuxuu u muuqdaa inuu
kalsooni ku qabo in eedeymaha aysan soo dadajin doonin doorasho wakhtigeeda
laga soo hormariyo.
Doorashada xigta ee
sharciga ah ayaa ku wakhtiyeysan bisha Nofeembar ee sannadka 2019-ka.
Mr Netanyahu ayaa ku
guda jira markiisii labaad ee loo soo doortay xilka ra'iisul wasaarenimo.
Waxa Diyaariyey Warbixintan
Al-Ustad / Eng = Aweys Osman Abdi (ROMANZA)
No comments:
Post a Comment