goobahan halista ah ee adduunka dacalladiisa ku yaalla, isla markaana ay kuu qorsheysan tahay inaad midkood booqato, waxaad u baahan tahay inaad beddesho qorshahaaga, maaddaama tobankan meelood ee soo socda ay yihiin kuwa ugu halista badan dunida.
1- Waddada Dhimashada
Waddada North Yungas waxaa "Waddada Dhimashada" loogu
bixiyay sababo jira awgood.
Inaad waddadan gaari ku waddo waa
halis, sababtoo ah waxaad la kulmeysaa dhul go'yo, daadad iyo dhagaxaan soo
daadadanaya.
Sanadkii 1994, ilaa 300 oo
darawallo ah ayaa sanad walba ku dhiman jiray, taas oo xaqiijineysa naaneysta
waddadan kuna dareysa liiska meelaha ugu halista badan dunida ee la booqdo.
2- Jasiiradda Masaska
Waxaa jirta jasiirad ilaa 25 meyl u jirta xeebta Brazil halkaas
oo dadka dalkaasi ku nool aysan ku dhiirran karin inay booqdaan. Waxaa jira
warar la isla dhex marayo oo sheegaya in la helay meydka kalluumeyste doontiisa
saaran oo dul sabbeyneysa badda.
Jasiiraddan halista ah waxaa loo yaqaannaa Queimada Grande,
waxaana la sheegay inay aad u halis badan tahay iyadoo dowladda Brazil ay dadka
ka mamnuucday inay booqdaan.
3-
Harada Natron - meel aadan ku noolaan karin
Yeysan ku sirin quruxda haradan.
Waa mid ka mid ah meelaha aan ku
habbooneyn in lagu noolaado ee dunida ku yaalla. Harada Natron oo ku taalla
Waqooyiga Tanzania ayaa waxay u ektahay harada dabka.
Xaddi sare oo maaddada Natron (sodium carbonate decahydrate) ah
ayaa biyaha haradan ka dhigaya kuwo jirka bani'aadamka u daran.
4-
Xaafadda Oymyakon - Cimiladeeda ayaa aad u xun
Oymyakon waa xaafad yar oo ka tirsan degmada Oymyakonsky ee
dalka Ruushka.
Xaafaddan waxaalagu tilmaamaa mid ka mid ah meelaha ugu
khatarsna ee lagu noolaado sababo la xiriira cimiladeeda oo aad u xun.
Heerkulka aadka u daran ayaan suurtogal ka dhigeyn in goobtan
lagu noolaado. Cimilada ayaa heerkulkeedu wyxyy gaaraa ilaa -40 degrees Celsius
(-90 degrees Fahrenheit).
5- Dooxada Dhimashada
Dooxada Dhimashada waa saxare ku
yaalla xadka gobollada California-Nevada ee dalka Mareykanka waana meel aad u
kulul. Waa mid ka mid ah meelaha ugu kulul caalamka.
Keliya tiro yar oo saxare ah ayaa ku yaalla Bariga Dhexe iyo
Afrika, kuwaas oo xilliyada xagaaga noqda kuwo aad u kulul.
Heerkulka ugu hooseeya cimilada
ee dooxadaasi wuxuu habeenkii gaaraa 108.1 ° F.
6-Xeebta Qalfoofta
Xeebtan waxay ku taallaa koofurta
Angola ee waqooyiga Namibia. Waxay ku dherersan tahay Wabiga Kunene (koofur)
ilaa Webiga Swakop.
Xeebta Qalfoofta waxay ku jirtaa liiska meelaha ugu xun adduunka
ee la booqdo saabo la xiriira cimiladeeda oo xun, waana meel ay dhif tahay inuu
qofku ku noolaado.
Cimilada, dabeylo xooggan, iyo cunto iyo biyo la'aan dartood uma
suurto galeyso dalxiisayaasha inay ku damaashaadaan xeebtan.
Lama degaanka Danakil
Mid ka mid ah meelaha lama degaanka ah ee dunida ku yaalla waa Lama degaanka Danakil oo ku yaalla Bariga Afrika.
Iyadoo mararka qaar uu heer
kulkeedu dhaafo 50 ° C (122 ° F), foolkaano iyo ceelal sii daaya gaas ah oo ku
yaalla dartood, Lama degaanka Danakil ma aha meel ay fududdahay in lagu
noolaadoo.
Caafimaadkaaga jir ahaan ayay saameyn ku yeelaneysaa haddii aad
muddo joogto halkaas.
7-Albaabbada Naarta
Biyo-xireenka Turkmenistan
Darvaza waxaa loo yaqaannaa "Albaabbada Naarta." waa goob qani ku ah
gaaska dabiiciga ah kuna dhex taalla god dhulka hoostiisa ah; khubarrada
cilmiga dhulka ayaa dab ku shiday si looga hortago faafitaanka gaaska methane,
waxayna holceysay tan iyo sanadkii 1971.
Waxay ku taallaa bartamaha Lama degaanka Karakum, oo qiyaastii
260 km u jirta caasimadda Turkmenistan, nwaxayna u dhowdahay xaafadda Derweze,
Ashgabat.
8-Jasiiradda Waqooyiga Sentinel
Jasiiradda Waqooyiga Sentinel
waxay ku dhex taallaa Jasiiradaha Andaman waana mid ka mid ah meelaha ugu
khatarsan dunida.
Dadka meeshan deggan ayaa u noolaahab dhaqameed iyagoo diiday
inay sameeyaan wax walba oo suurto gal ah oo ay ugu xirmi karaan dunida inteeda
kale. Qabaa'ilka halkan ku nool ma yaqaannaan dadka meelaha kale ka yimaada,
haddii ay dalxiisayaashu soo galaan jasiirraddoodana, waxay u arkaan fal
khalkhal gelin kara noloshooda, waxaana laga yaabaa inay iska caabbin
sameeyaan.
9-Beerta Nasashada ee Madidi
Beerta Nasashada ee Madidi waxay
ku dherersan tahay Webiga Amazon ee dalka Bolivia waxayna ku fadhisaa dhul dhan
19,000 km isku wareeg ah.
Beertan waa keymo isku cufan,
waxaana ku yaalla dhamaan noocyada dhirta iyadoo xayawaanno badan ay hoy u
tahay, qaarkoodna waa halis.
Keymahan waa bahallo galeen iyadoo dalxiisayaasha lagula taliyo
inaysan kelegood aadin.
Waa mid ka mid ah meelaha sida aadka
ah loo ilaaliyo sababo la xiriira duurjoogta ku nool, shimbiraha iyo
xayawaannada halista ugu jira inay dabar go'aan.
Waxa diyaarisay umuqeyr Aweys Osman
No comments:
Post a Comment