SU’AALO IYO JAWAABO (TAARIIKH) CUTUBKA 1aad - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

Friday, April 22, 2022

SU’AALO IYO JAWAABO (TAARIIKH) CUTUBKA 1aad

KU XIRNOW CILMIDEEQ

 


.com/img/a/


SU’AALO IYO JAWAABO            (TAARIIKH)

CUTUBKA 1AAD                               22/10/2020 Thursday

DOWLADDA CUSMAANIYIINTA

 

1-      Sheeg qarnigii ay soo if baxdey dowladii cusmaaniyiinta?

1.      dowladii cusmaaniyiinta waxay soo if baxdey qarnigii 13aad.

2-      Kuma ayaa aasaasay boqortooyadii cusmaaniyiinta?

2.      boqortooyadii cusmaaniyiinta waxaa aasaasay suldaan cusmaan 1 bin adhugaral.

3-      Goormaa ayuu dhintey adhugaral?

3.      Adhugaral wuxuu dhintey sanadkii 1288 dii.

4-      Maxaa sababey burburkii dowladii seljuuqa?

4.      burburkii dowladii seljuuqa waxaa sababey weeraro soo noqnoqday oo kaga yimid maguulka (ciidamadii tataarka).

5-      Sheeg waxyaabaha ugu muhiimsan ee cusmaan uga tagey caruurtiisa oo saameyn weyn ku yeeshey balaarinta dowlada cusmaaniyiinta?

waxyaabaha ugu muhiimsan ee cusmaan uga tagey caruurtiisa oo saameyn weyn ku yeeshey balaarinta dowlada cusmaaniyiinta waxay ahayd dardaarinkii uu ku yiri ( caruurteyda iyo saaxiibadeydow sii wada sarreynta diinta islaamka kuna sii wada jihaadka eebe dartii, gacanta ku haysta astaanta sharafta leh ee islaamka maxaa yeelay eebaha qaadirka ah waxa uu sabab uga dhigay addoon daciif ah sidayda oo kale furashada dalal, ku socda towxiidka ilaa aad gaartaan dalalka ugu fog jihaadka eebe dartiis.  

6-      Goormaa ayay dowladii  cusmaaniyiinta ka guurtey imaarad isla markaasna noqotey dowlad?

5.      dowladii  cusmaaniyiinta waxay ka guurtey imaarad isla markaasna noqotey dowlad mudadii u dhaxaysey 1299 ilaa 1520 kii.

7-      Goormaa ayay cusmaaniyiintu baadi goobayeen sidii ay u hoos keeni lahaayeen xukunkooda carabta bari?

6.      Cusmaaniyiintu waxay  baadi goobayeen sidii ay u hoos keeni lahaayeen xukunkooda carabta bari mudadii u dhaxaysey 1512kii ilaa 1520kii.

8-      Goormaa ayuu dhacay dagaalkii Jaaldiiraan? Yaase ku dagaalamay dagaalkaas?

7.      dagaalkii Jaaldiiraan waxa uu dhacay sanadkii 1514 kii, waxaana ku dagaalamey suldaan Saliim iyo safwiyiinta. 

9-      Goormaa ayuu suldaan saliim xukunkiisa ku fidiyey dalka masar?

8.      suldaan saliim waxa uu  xukunkiisa ku fidiyey dalka masar sanadkii 1517dii.

10-  Sheeg xiligii suldaan Suleymaan hayey awooda dowladii cusmaaniyiinta?

9.      Suldaan Suleymaan wuxuu  hayey awooda dowladii cusmaaniyiinta 1520kii ilaa 1566dii.

11-  Goormaa ayuu suldaan suleymaan furtey Belgaraad iyo jasiirada Roodes?

Ø  suldaan suleymaan wuxuu furtey Belgaraad 1521 kii  sidoo kale jasiirada Roodes wuxuu furtey 1522 kii.

12-  Goormaa dowladii cusmaaniyiinta loo qeybiyey 32 gobol?

Ø  dowladii cusmaaniyiinta waxaa loo qeybiyey 32 gobol dhamaadkii qarnigii 17aad.

13-  Goormaa ayey dowladii cusmaaniyiinta qabsadeen magaalada konistantinoobal?

Ø  dowladii cusmaaniyiinta waxay qabsadeen magaalada konistantinoobalsanadkii 1553 dii  

14-  Dowladii cusmaaniyiinta waxa ay ahayd dowlad islaami ah sabab?

Ø  Sababtu waxa ay tahay xukunka dowladu waxa uu ku dhisnaa shareecada islaamka taas oo hay’ada islaamiga ah ka dhigtey meel muhiim ah.

15-  Imisa sano ayuu suldaan cusmaan hayey xukunka dowlada cusmaaniyiinta?

Ø  suldaan cusmaan wuxuu hayey xukunka dowlada cusmaaniyiinta 36 sano.

16-  Sanadkee ayuu suldaan cusmaan gaarey himilooyinkiisa?

Ø  suldaan cusmaan waxa uu gaarey himilooyinkiisa sanadkii 1308 dii.

 

17-  Goormaa ayuu dhintey suldaan cusmaan?

Ø  Suldaan cusmaan waxa uu dhintey sanadkii 21 Agoosto 1326 dii.

18-  Goormaa ayuu suldaan orkhaan qabtey awooda xukunka dowladii cusmaaniyiinta?

Ø  suldaan orkhaan qabtey awooda xukunka dowladii cusmaaniyiinta sanadkii 1326 dii.

19-  Goormaa ayuu dhaxal sugihii suleymaan iyo ciidamadiisu ka gudbeen marin biyoodka Dardaniil?

Ø  dhaxal sugihii suleymaan iyo ciidamadiisu ka gudbeen marin biyoodka Dardaniil sanadkii 1358 dii.

20-  Sheeg mid ka mid ah waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee la xiriirey nolosha suldaan orkhaan?

Ø  mid ka mid ah waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee la xiriirey nolosha suldaan orkhaan waxa ay aheyd dhismaha ciidamada islaamka iyo sida ay ugu danayneynayaan inay soo bandhigaan nidaam khaas u ah ciidanka.

21-  Sanadkee ayuu dhintey suldaan orkhaan?

Ø  suldaan orkhaan waxa uu dhintey sanadkii 1360 kii.

22-  Goormaa ayuu suldaan Murad 1 la wareegey awooda xukunka dowladii cusmaaniyiinta?

Ø  suldaan Murad 1 wuxuu  la wareegey awooda xukunka dowladii cusmaaniyiinta sanadkii 1360 kii. 

23-  Sheeg suldaankii ka tirsanaa dowladii cusmaaniyiinta ee isku magacaabey khaliifkii muslimiinta?

Ø  suldaankii ka tirsanaa dowladii cusmaaniyiinta ee isku magacaabey khaliifkii muslimiinta waxa uu ahaa Murad 1.

24-  Sanadkee ayuu suldaan murad 1 furtey Adraana?

Ø  suldaan murad 1 wuxuu furtey Adraana sanadkii 1361 dii.

25-  Sanadkee iyo xagee ayuu ku dhintey suldaan murad 1?

Ø  suldaan murad 1 wuxuu ku dhintey goob dagaal sanadkii 1391 dii.

26-  Goormaa ayuu suldaan maxamed 1 qabtey awooda xukunka dowladii cusmaaniyiinta?

                                              

Ø  suldaan maxamed 1 wuxuu qabtey awooda xukunka dowladii cusmaaniyiinta sanadkii 1413 kii.

27-  Kuma ayuu ahaa suldaankii ugu horeeyey ee sharciyeeyey ciidanka badda ee dowladii cusmaaniyiinta?

Ø  suldaankii ugu horeeyey ee sharciyeeyey ciidanka badda ee dowladii cusmaaniyiinta waxa uu ahaa suldaan maxamed 1.

28-  Goormaa ayuu suldaan maxamed 2 la wareegey awooda xukunka dowladii cusmaaniyiinta?

Ø  suldaan maxamed 2 waxa uu  la wareegey awooda xukunka dowladii cusmaaniyiinta sanadkii 1451 dii.

29-  Sanadkee la aasaasay magaalada konistantinoobal? Kuma ayaana aasaasay? 

Ø  magaalada konistantinoobal waxa la aasaasay sanadkii 330 kii waxaana aasaasay boqorkii biizantiinka ee ahaa konistantiin 1

30-  goormaa ayay bilaabatey go’doominta dhabta ah ee magaalada konistantinoobal?

Ø  Waxay bilaabatey go’doominta dhabta ah ee magaalada konistantinoobal sanadkii 1453 dii.

31-  Maxay ahayd caqabada ugu weyn ee haysatey ciidamada muslimiinta xiligii furashadii konistantinoobal?

Ø  caqabada ugu weyn ee haysatey ciidamada muslimiinta xiligii furashadii konistantinoobal waxa ay aheyd sidii maraakiibta joogtey dekeda Bosfoor loogu wareegin lahaa dekeda geeska dahabiga ah.

32-  Goormaa ayuu dhinteu suldaan maxamed faatix?

Ø  suldaan maxamed faatix waxa uu dhintey 3 May sanadkii 1481 dii.

33-  Goormaa ayaa isbaheysigii mucatabka lagu jebiyey dagaalkii liibaanto?

Ø  isbaheysigii mucatabka waxaa  lagu jebiyey dagaalkii liibaanto sanadkii 1499 kii.

34-  Sanadkee ayuu suldaan orkhaan gaazi amar ku bixiyey in iskuul laga dhiso dhinaca masjidka weyn ee Azniiq?

Ø  suldaan orkhaan gaazi waxa uu amar ku bixiyey in iskuul laga dhiso dhinaca masjidka weyn ee Azniiq sanadkii 1331kii.

35-  Sanadkee ayuu suldaan suleymaan asaasay iskuul lagu barto axaadiista?

Ø  suldaan suleymaan waxa uu  asaasay iskuul lagu barto axaadiista sanadkii 1557 dii.

LA SOCO CUTUBKA 2AAD EE MAADADAN Insha Allah

                                                                          

Post Top Ad