Marka ay dadka la jecelyahay geeriyoodaan, badanaa way adagtahay in laga sabro, dadka qaarkiisna waxay sii joogteeyaan xiriirka ay la lahaayeen. Qaarkood waxay ku dadaalaan inay ku booqdaan qabuuraha, halka kuwo kalena ay sawirrada dadka ka dhintay iyo xasuustooda soo dhigaan Facebook, ama inay xitaa farriimo u diraan telefoonnadii ay wadan jireen.
Muddo lix bilood ah, Ruth Murray waxay ku qanacsaneyd inay farriin qoraaleedyo ku dirto lambarkii telefoonka uu watay walaakeed Mike, oo geeriyooday.
Waxay u arkeysay sida kaliya ee ay ugu dhawaan karto walaalkeed dhimashadiisii lama filaanka ahayd ka dib.
- "Ninkii dilay walaalkay ayaan la saaxiibay"
- Trump oo wacay nin geeri qarka u saaran si uu riyadiisa ugu rumeeyo
Haweeneydan 36 jirka ah oo kasoo jeedda magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waligeed ma aysan fileynin in looga soo jawaabi doono farriimaha ay lambarkaas ku diri jirtay, laakiin way isaga faraxsaneyd inay maalin walba farriin u dirto, waxayna aaminsaneyd inay xiriir la sameyneyso walaalkeed ka weynaa.
Waxay sidaas ku socotaba, dabayaaqadii bishii September, telefoonkeedii waxaa kusoo dhacday farriin ka timid lambarkii uu walaakeed heysan jiray, farriimahana ay ku diri jirtay muddo sannado ah.
Aad bay u naxday, wayna moraaradillaacday.
Saacado yar ka hor inta aysan farriintaas argagaxa galisay soo dhicin, waxay u dirtay farriin ay ku dhaheysay: "Runtii waan kuu xiisay walaal. Alla rabiyoow. maxay sidan u dhaceysaa".
Qofka farriinta soo diray waxay ahayd haweeney kale oo lagu magacaabo Amber Leinweber, oo 32 jir ah, kana soo jeedda magaalada Oshkosh, ee gobolka Wisconsin.

Markii ay Amber ogaatay xaaladda ay ku jirto Ruth, waxay ku tiri: "xilliga aad doontid farriin waad kusoo diri kartaa telefoonkan", waxayna intaas ku dartay: "Waan ogahay inaynaan is aqoonin, wax dhib ahna uma arko inaad qoraallo kusoo dirtid lambarkeyga".
Amber waxay aad uga calool xumaatay in farriintii ay lambarkaas uga soo jawaabtay ay argagax galisay Ruth.
Goor sii horreysay ayaa si lama filaan ah loo siiyay lambarkii telefoonka uu wadan jiray Ruth walaalkeed.
Waxay u maleyn jirtay farriimaha ay sida joogtada ah u heli jirtay inay ahaayeen kuwo loo waday lambar lumay.
Ruth waxay tiri: "Walaalkey wuxuu geeriyooday ka dib markii uu si xad dhaaf ah u isticmaalay daroogada loo yaqaanno heroin bishii Maarso. Wuxuu muddo 12 sano ah la dhibaatoonayay la qabsiga daroogada, inkastoo uu saddexdii bilood ee ugu dambeysay isticmaalinna, mar qura ayuu ku laabtay oo uu iska badiyay, wuuna geeriyooday isagoo xilligaas 37 jir ahaa".
"Runtii aad baan isugu dhaweyn, saaxiibo gaar ah ayaana ahayn oo waliba maalin walba farriimo isku dira. haddii aan kaftan hayo waan u sheegi jiray islamarkiiba, haddii aan doonayo inaan la hadlana mararka qaar waxaan u diri jiray farriin qoraaleed".
Waxay sheegtay inaysan waligeed ku fikirin in isla lambarkaas qudhiisa la siin doono qof kale, geeridii walaalkeed ka dib.
Markii ugu horreysay ee ay farriinta loogu soo jawaabay aragtay, qolkii ay ku jirtay ayey kasoo baxday, oohin ayeyna meel la fariisatay.
Ruth waxay aad ula yaabtay in falcelin aad u badan laga sameeyay qisadeeda markii ay soo dhigtay baraha bulshada
No comments:
Post a Comment