16 gabdhood oo wada shaqeeya oo isku mar wada uuraystay
Tiradaas ayaa ah 10% ka mid ah guud ahaan kalkaaliyeyaal ka
howlgala qeybta lagula tacaalo bukaanada u baahan adeegyada gurmadka degdega ah
ee caafimaadka.
Bukaannada ayaa billaabay in ay gartaan arrintaas, sida ay
sheegeen qaar ka mid ah kalkaalisooyinka.
Mar ay shir jaraa'id oo arrintaan ku saabsan qabanayeen ayay
haweenka kalkaaliyeyaasha ah ku kaftameen in malaha biyaha ay wax ku jiraan,
ama uu jiray qorshe la isla ogyahay oo loogu sii diyaar garoobayay fasax wada
jir ah oo loo aado ciidda masiixiyiinta.
Haweeneyda ugu horreysa ee dumarkaas xaamilada ah ayaa la
filayaa in ay umusho bisha September halka tan ugu dambeysana la filayo in ay
cunugeeda dhasho bisha January.
Rochelle Sherman oo ay hal bil oo kaliya uga harsan tahay in ay
umusho ayaa tiri: "Uma maleynayo inaan is ogeyn inaan dhammaanteen uur
wada leenahay ilaa inta aan ka sameysannay qol facebook ah.
Jolene Garrow ayaa
iyadana uga mahad celisay shaqaalaha kale sida ay ugu caawiyaan howlaha aysan
haweeney xaamilo ah sameyn karin - sida la tacaalidda cudurrada la is qaadsiiyo
oo ay ka mid yihiin qaaxada iyo cudurrada ku dhaca maqaarka, ama in daawooyinka
qaar la siiyo bukaannada qaba cudurka Kansarka.
Shaqaalaha ayaa toddobaadka soo socda si wada jir ah xaflad
farxadeed ugu qaban doona dhammaan haweenka kalkaalisooyinka ah ee uurka leh,
ka hor inta aysan u bixin fasaxooda dhalmada ee 12-ka toddobaad ah.


No comments:
Post a Comment