Dhib ma u mari laheyd ilmo aadan laheyn?
Lamaaneyaashan oo ay cillad ka haysato uur qaadista ayaa biyaha iyo ugxantooda oo la isku bacrimiyay ku tallaalo haweenay kale oo ay la heshiiyeen, si marka ilmahu dhashana lamaanihii ubad la'aanta ahaa loogu wareejiyo.
Haweenka uurka qaada ee ilmaha dhala ayaa la sheegay in qaab
mutadawacnimo ay u sameeyaan arrintan, oo waxaa laga bixiya kharashka ku baxa
inta ay uurka tahay iyo xiliga foosha.
Marissa Muzzell oo 32 jir, kana mid ah haweenka uurka u qaada
dadka kale ayaa waxa ay foolanaysay muddo 16 saacadood ah ,si ay u dhasho ilmo
ay caloosha ugu qaaday lammaane kale. Xilligii ay uurka ahayd waxa ay ka soo
martay dhibaatooyin badan, waxaana ay sheegtay in laba mar la geeyay isbitaal
lageeyay. Muddo bilooyin ah na ay qaadanaysay daawooyin.
Haweeneydan ayaa dhibaatadan oo dhan u martay ilmo aysan heysan
doonin.
" Waxaan hadda wax ka asaasay qoys ay leeyihiin dadkale;;
sidaasi waxaa yiri Marissa oo wali umul ah.
Dunida ayaa waxaa la
sheegay in muddooyinkii dambe ay kusoo badanayeen lamaanayaasha ay cillada ka
heysato dhalmada ee doonaya inay ubad helaan.
Dumarka ilmaha dhala ayaaa mararka qaar lacag badan lagu siiyaa,
si ay awlaad ugu dhalaan dadka kale. Hasa yeeshee Marissa waxaa ay sheegtay in
wax lacag ah aanan lagu siinin ilmahan, balse ay si mutadawacnimo ah ay ugu
asxaan fashay lamaanayaasha kale.
"Waxaan arkay dumar badan oo ku nool dalka Mareykanka oo la
siiyey kumanaan doolar, si ay ilmo ugu dhalaan lamaanayaal ay cillad ka heysato
dhalamada'' ayey tiri Marissa.
Bacrimiinta ugxanta iyo minada lagu beero qofka kale ayaa dalka
Canada ka ah mid qofka uusan dhaqaale ah ka sameyn karin, mana ahan oo keliya
dalka Canada , balse waxaa jira dalal badan oo looga dhaqmo arrimaha noocan oo
kale.
Inta badan dowladd goboleedyada dalka Canada ayaa dadka doonaya
in sidaasi ay sameeyaan u sahla, si ay u helaan caruur.
Dalalka qaar oo ay kamid tahay dalka Mareykanka ayaa dadku waxaa
ay ka sameeyaan dhaqaale.
''Baahida la xiriirta beerista ilmaha ee dalka Canada aad ayay
usoo badaneysaa, madaama dad badan ay la daalaa dhacayaan dhalmo la'aanta''
Waxaa sidaasi yiri Leia Swanberg oo ka shaqeeya arrimahan.
Dhibaatooyinka laga maro
Inta badan dadka ilmaha lagu beero ayaa dhibaatooyin ay kamid
yihiin xanuun iyo dhibaatooyin kale oo ay kala kulmaan eheladooda. Marissa ayaa
sheegtay in dhibaatada ugu badan ay kala kulantay seygeeda iyo dadka oo aad ugu
dhalilli jiray go'aanka ay qaadatay.
''Waxaan dhibaato kala kulmay ninkeyga, xaaladeyda ma uusan
fahmi jirin''. Waxaa sidaasi tiri Marissa.


No comments:
Post a Comment