Ilmihii u horreeyay ee ku dhasha makaan ay ku tabarucday hooyo dhimatay
Qalliin 10 saacadood qaatay iyo dawayn dhanka taranka ah oo
markii dambe la sameeyay oo ka qabsoomay magaalada São Paolo ee dalka Brazil
sannadkii 2016.
Hooyadan umusha ah oo 32 sano jirta ayaa dhalatay iyadoo aan
makaan lahayn.
Soddon iyo sagaal makaan oo ay ku tabaruceen dad nool ayaa horay
loo tallaalay waxaana ku dhashay 11 carruur ah.
Dadka tabarucaadaas
ka qayb qaatay waxaa ka mid ah hooyo gabadheeda u hibaysay makaankeedii.
Balse toban ruux oo dhimatay oo horay la isugu dayay in
makaankooda qof kale loogu tallaalo ayaa natiijo la'aan ku dambeeyay ama
carruur dilanta.
Dawooyin la siiyay
Arrintan hadda taaganse waa makaan ay ku tabarucday hooyo da'da
afartameeyada ku jirtay oo saddex ilmood soo dhashay, taas oo u dhimatay dhiig
maskaxda kaga furmay.
Gabadhan loogu deeqay minka ama makaanka ayaa qabtay xannuunka
Mayer-Rokitansky-Küster-Hauser kaas oo ku dhaca mid ka mid ah 4,500 ee dumar
ahba, kaas oo horseeda in uusan sidoodii u samaysmin xubinta taranka ee dumarka
ama makaanka.
Si kastaba ha ahaatee ugxanteeda ayaase fiicnayd, dhakaatiirta
ayayna u suuragashay in ay ka soo saaraan oo ay ku bacrimiyaan mani ayna
kaydiyaan.
Gabadha ayaa la siiyay dawooyin daciifiya habka difaaca
jidhkeeda si aysan u weerarin xubinta lagu tallaalay.
Guul caafimaad oo la gaaray
Lix toddobaad ka dib ayay billawday in ay caado hesho.
Toddobo bilood ka dibna ukumihii la bacrimiyay ayaa lagu
tallaalay.
Markii uu uurku caadi noqdayna qalliin ayaa lagaga dhaliyay 15
Disembar ee sannadkii 2017.
Dr Srdjan Saso oo ka tirsan Imperial College London ayaa sheegay
in warkan uu yahay mid aad iyo aad u wanaagsan.


No comments:
Post a Comment