Ma laguu heyn lahaa taleefonkaaga haddii aad ku heleyso cunto bilaash ah?
In
qoysaska marka ay cunnooyinka u raadsadaan hoteelada ay iska dhigaan
taleefoonada iyo Kombyuutarka gacanta ee loo yaqaano Tablets-ka, ayna wada
sheekeystaan way adagtahay, balse makhaaxi ayaa dooneysa in arrintaasi ay wax
ka bedesho.
Hotelka Frankie
& Benny's ayaa ballan qaaday in raashiin bilaash ah ay siin doono caruurta
waalidiintooda marka ay hotelka yimaadaan aanan ku mashquulin taleefoonka
gacanta iyo tablets-ka, balse wakhti la qaata awlaadooda.
Hotelkan ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay ka dambeesay,
kadib markii daraasad ay sameeyeen ay muujisay in caruurta ay doonayaan in
waalidkooda aysan wakhti badan ku bixinin isticmaalka taleefoonada iyo
waxyaabaha lamidka ah, balse ay wakhti la qaataan iyaga.
Boqolkiiba toban caruurtaasi daraasadda laga sameeyay aya
sheegay in xiliyada qaar ay taleefoonada ka xaseeyaan ama ka qariyaan
waalidiintooda, si wakhti ay ula qaataan, halka boqolkiiba labaatan na ay
sheegeen in waalidiintooda ay go'aan ku gaareen inay isku mashquuliyaan
taleefoonadooda, halkii ay la sheekeysan lahaayeen.
Shan iyo labaatan
boqolkiiba waalidiinta lagu wareystay warbixinta ayaa qiray inay eegaan
taleefoonadooda xiliyada ay la cunteynayaan qoyskooda, halka saddex iyo
labaatan na ay iska dhaga tiraan caruurtooda marka ay la hadlayaan.
Daraasadda ayaa waxaa lagu wareystay waalidiin gaaraya kun iyo
shan boqol iyo caruur lamid ah tiradaasi. Hoteelka ayaa sheegay in cidnana
aanan lagu qasbi doonin waxa aysan dooneyn, balse ay tahay mid dadka lagu
dhiiragelinayo.
Hotelka Frankie & Benny's oo leh 250 laamood ayaa sheegay in
arrintan ay tahay mid tijaabo ah, balse ay sii ballaarin doonaan haddii ay
noqoto mid waxtar leh. Dadka qaar ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, halka kuwa
kale na ay shaki ka muujiyeen.


No comments:
Post a Comment