Wiil 7 jir ah oo $22 milyan ka sameeya Youtube-ka
Wiil 7
sanno jir ah oo ka faalooda qalabka ay carruurta ku ciyaaraan ayaa la sheegay
in uu noqday qofka lacagta ugu badan ka sameeya shabakadda Youtube.
Sida ay qortay
majalladda Forbes ee looga hadlo hodantinimada adduunka ayaa lagu sheegay in
sannadkii wiilkan yar uu sameeyo $22 milyan doolar, lacagtan oo aysan ku jirin
canshuurtii laga qaadi lahaa iyo qarashaadkii kale.
Wiilkan yar oo magaciisu yahay Ryan ayaa waxa uu ka sare maray
dadka Youtube-ka caanka ka ahaa sida ninka lagu magacaabo Jake Paul, kaas oo uu
ka sareeyay lacag dhan nus malyuun doolar.
Waxaa kaalinta seddexaad soo galay Dude Perfect, isaga oo hela
lacag dhan $20 milyan doolar.
Mar taleefishinka NBC uu Ryan weeydiiyay sababta kanaalkiisa ay
caruurta u jecelyihiin ayaa waxa uu yiri "Waan madadaaliyaa, waanan u
majaajileeyaa".
Waxa uu kanaalkan furey sannadkii 2015-kii, muuqaalada qaarna
waxaaba la daawaday 26 milyan oo jeer, waxaana ku xiran 17.3 milyan oo qof.
Lacagta waxaa laga sameeyaa xayaysiinada soo muuqda marka uu muuqaalka
bilaabanayo.


No comments:
Post a Comment