Cayaaryahannada Afrikaanka ah ee ugu wanaagsan kubadda cagta ee loo soo xulay Abaarmarinta Sanadlaha ah ee BBC-du ay bixiyso oo lagu dhawaaqay
Cayaaryahannada lasoo xulay ayaa kala ah Medhi Benatia oo u
dhashay dalka Morocco, Sadio Mane oo u dhashay Senegal, Thomas Partey oo u
dhashay Ghana, iyo Mohamed Salah oo u dhashay Masar.
Codaynta ayaa furmaysa 17-ka November sacaadda Afrika Bari
markay tahay 10:00 Afrikada Bari waxayna xirmaysaa 11:00.
Natiijada ayaa looga dhawaaqi doonaa barnaamijka BBC-da ee BBC
World News marka taariikhdu ay tahay 14 December saacadduna tahay 17:30 BST.
Cayaaryahannada liiska kujira ayaa
waxaa soo xulay guddi ku xeeldheer kubadda cagta ee Afrika.
Laacibka Liverpool u cayaara ee Salah ayaa ku guulaystay
abaalmarintii sanadkii hore, waxaana isla abaalmarintaan horay ugu guulaystay
Jay-Jay Okocha, Michael Essien, Didier Drogba, Yaya Toure iyo Riyad Mahrez.
Tartameyaasha.
Cayaaryahanka difaaca uga cayaara
kooxda Juventus Benati, ee 31 jirka ah
ayaa sanadkan ku guulaystay koobkii afraad ee xiriir ah - laba koob wuxuu la
qaaday Bayern Munich halka labo kalena uu kula guulaystay Juventus, wuxuuna
kabtan u ahaa xulka qaranka Morocco koobkii adduunka ee dhawaan dhammaaday.
Cayaaryahanka difaaca uga dheela
kooxda Napoli Koulibaly, ee 27 jirka
ah, ayaa qaybtiisa ka cayaaray dagaalka ay kooxdiisu ugu jirto sidii ay kooxda
Juve uga qaadi lahayd koobka Serie A. Wuxuu dalkiisa Senegal u cayaaray
dhammaan 270-kii daqiiqo ee Koobka Adduunka.
Cayaaaryahanka weerarka ku dheela
kooxda Liverpool, Mane, ee 26 jirka ah ayaa
sidoo kale u cayaaray Senegal dhammaan cayaarihii Koobka Adduunka, asagoo xulka
dalkiisa u noqday kabtan laba jeer oo goolna ka dhaliyey Japan. wuxuu kale oo
ahaa cayaar yahanka labaad ee ugu goolasha badan xilli cayaareedkii hore ee
Champions League -ga asagoo 10 kamid ah u dhaliyey kooxdiisa Liverpool, oo uu
kamid ahaa halkii gool ee uu ka dhaliyey kulankii kama dambaysta ahaa ee 3 iyo
1 ay Real Madrid uga adkaatay Liverpool.
Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee
Partey oo 25 jir ah, waxaa uu gaaray inuu ka mid noqdo ciyaarrtooyda kooxda
koowaad ee maamule Diego Simeone uu si joogto ah ciyaarta kooxdiisa ugu safo,
oo ay ku jirto ciyaar uu waqti dambe beddel ku soo galay tartankii kama
dambaysta ahaa ee guushii Europa League ay kaga adkaadeen kooxda Marseille.
Waxaa uu goolal ka dhaliyay ciyaaro saaxiibtinimo oo kooxdiisa dalka Ghana ay
la yeelatay waddammada Japan iyo Iceland.
Laacibka weerarka uga cayaara
kooxda Liverpool ee Salah, oo 26 jir ah, ayaa
ku guulaystay kabta dahabka ah ee Horyaalka Ingiriiska asagoo dhaliyey 32 gool,
sida Mane oo kale, waxa uu dhaliyey 10 gool kahor ciyaarta final-ka. waxa uu
sidoo kale dhaliyey labo kamid ah goolashii xulkiisa qaranka ee Masar - taas oo
ka dhigan 40% guushii uu xulkaas gaaray guud ahaan tartankaas.
No comments:
Post a Comment