Masar oo baareysa 'muuqaalka lamaanaha qaawan ee dusha ka saaran ahraamta mucjisada ah'
Dhacdadan lamaanahaas lagu eedeeyay ayaa abuurtay caro weyn oo ay
muujiyeen shacabka dalka Masar oo ah waddan aad looga tix galiyo diinta
islaamka.
Dacwad oogeyaasha masaarida ayaa xaqiijin doona in muuqaalkaas
uu sax yahay, haddii ay taas ogaadaanna waxay baari doonaan sida ay lamaanahaas
ugu suurta gashay iney fuulaan mid ka mid ah ahraamta oo uu dhirikiisu yahay
140 mitir, sida uu qoray wargeyska ay dowladdu leedahay ee lagu magacaabo
Al-Ahram.
Saraakiisha ayaa markii hore shaaciyay in muuqaalkaas uu yahay
mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.
Ahraamta cajiibka ah
ee Masar, oo sidoo kale loo yaqaanno Khufu ayaa ka mid ah toddobada mucjiso ee
adduunka, kuuwaasoo ka haray dadkii hore.
Nin sawir qaade ah ayaa sheegay in isaga iyo haweeney
saaxiibaddiis ah ay muddo saacado ah dhuumaaleysanayeen, ka hor inta aysan fuulin
dhismaha ahraamta.
Wasiirka wasaaradda qaabilsan arrimaha la xiriira waxyaabaha
qadiimiga ah ee dadkii hore ee masaarida ayaa maalintii Axada ahayd
xildhbaannada baarlamaanka u sheegay in dacwad oogeyaasha ay hadda baarayaan
suurta galnimada in lamaanaha reer Denmark "ay goobtaas caanka ah ku
dubeen muuqaal galmo ah" iyo in kale.
Khaalid al-Canaani, oo uu soo xigtay wargeyska Al-Ahram ayaa
sheegay in saraakiisha laga dalbaday iney xaqiijiyaan saxnimada muuqaalkaas,
isla markaana dacwad ku soo oogaan sarkaal walba oo lagu helo inuu dayacaad
sameeyay.
In anshax xumo lagu sameeyo goobahaas ayuu ku tilmaamay "
mid gabi ahaanba mamnuuc ah" wuxuuna intaas ku daray in sawirradaas ay
yihiin "kuwo niyad jabinaya shacabka"
Maxaa ka muuqda muuqaalka?
Muuqaalkan ayaa isagoo saddex daqiiqo ah oo la jarjaray la soo
galiyay ciwaan uu youtube-ka ku leeyahay sawir qaadaha reer Denmark oo lagu
magacaabo Andreas Hvid.
Inta uu socdo muuqaalka oo habeenimo la duubay waxaa la arkayaa
haweeney kor u fananeysa ahraamta qadiimiga ah oo uu sawir qaadaha ku
tilmaamayay inuu ahaa kan ugu dheer ahraamta ku taalla goobtaas.
Waxaa qeybaha dhexe ee muuqaalka soo galaya sawir muujinaya
lamaanaha, oo haweeneyda aan wajigeedda la arki karin, iyagoo garabka is heysta
oo saaran dusha sare ee ahraamtaas oo dhisnaa muddo 4,500 oo sano.
Qeybaha dambe ayaa laga arkayaa haweeneyda oo iska siibeysa
dharkii ay qaarka hore ku qabtay kuna sii jeedda muuqaalka habeenimo ee
magaalada Qaahira.
Sawir qaadaha ayaa sidoo kale muuqaalka ku soo daray sawir muujinaya
lamaanaha oo iyagoo qaawan isku dul jiifa dusha sare ee mid ka mid ah ahraamta,
xilli maalin ah.
Sidee looga fal celiyay?
Muuqaalka iyo sawirrada oo isbuucii hore si weyn ugu faafay
baraha xiriirka bulshada ayaa abuuray caro ka imaaneysay dadweynaha dalka Masar
iyo qeybaha kale ee caalamka, iyadoo dad fara badan ay dhacdadaas u arkeen mid
ixtiraam darro ku ah taariikhda soo jireenka ah ee Masar iyo dhaxalka dadkii
hore.
Haweeney ka mid ahayd dadkii barta facebook-ga uga jawaabay
muuqaalka Mr Hvidi ayaa qortay sidan: "Bal eeg ceebta noocan ah. Kani waa
hab dhaqan gabi ahaanba xushmad darro ah oo lagu sameynayo dhul kale, dhaqan
kale, hab nololeed kale… waxan waxay muujinayaan faham darro ku aaddan
xurmeynta diin kale iyo dhaqan kale".
Dadka ka soo jeeda waddanka Denmark ayaa sidoo kale caro ka
muujiyay arrintan oo ay cambaareyn dusha uga tuureen.
Hase ahaatee, madaxa golaha dhowrista taariikhda qadiimiga ah ee
dalka Masar Mostafa al-Waziri, oo uu soo xigtay wargeyska al-Masri al-Yowm, ayaa
sheegay in muuqaalkan uu noqon karo mid la been abuuray.
Waxan oo kale horay ma u
dhaceen?
In ahraamta mucjisada ah la fuulo waxaa la mamnuucay sannadihii
1980-meeyadii, ka dib markii ay dad dalxiiseyaal ah ku geeriyoodeen iyagoo isku
dayaya iney fuulaan.
Laakiin go'aankaas ma uusan hor istaagin dadka sharciyada
jabiya.
Sannadkii 2016-kii, nin dhallin yaro ah oo u dhashay dalka
Jarmalka ayaa laga mamnuucay inuu waligiis dambe booqasho ku tago waddanka
Masar, ka dib markii la qabtay isagoo fuulaya ahraamtaas qadiimiga ah, xilli uu
doonayay inuu sawirro iyo muuqaallo ka soo sameysto.
Waxaa u suurta gashay inuu ka badbaado xarig saddex sano ah,
maadaama dacwad oogeyaasha Masaarida ay go'aansadeen inaan dacwaddaas lagu soo
oogin.
Hal sano ka dib qof u dhashay dalka Turkiga ayay booliska Masar
xireen ka dib markii uu isku dayay inuu ahraamtaas fuulo.
Sannadkii 2015-kii, mas'uuliyiinta Masaarida ayaa baaritaan ku
sameeyay muuqaal la shaaciyay oo muujinayay falal qaawani iyo galmo ah oo ay
koox ku hadleysay luuqadda ruushka ku sameeyeen meel u dhow Giiza-ha.
Waddanka Masar oo shareecada Islaamka si wanaagsan looga dhaqmo
ayaa sannadihii la soo dhaafay maxkamadeeyay dad magac ku leh bulshada oo lagu
helay iney falal anshaxa wanaagsan ka hor imaanaya ku sameeyeen bulshada
dhexdeeda.
10 maalmood uun ka hor, haweeneyda jilaaga ah ee lagu magacaabo
Rania Youssef ayaa looga yeeray maxkamadda, iyadoo wax laga weydiinayay sababta
ay u soo xiratay dhar jirkeeda looga arki karay, xilli ay ka qeyb galeysay
munaasabad feesto ah.
No comments:
Post a Comment