Waxaan ku marqaati furey ninkii isoo korsaday oo dilay 171 qof
"Miyaan weli ka cabsadaa? Haa, waan ka cabsan jiray,"
ayuu yiri 41 sanno jirkan. "Balse waan ka soo horjeestay. Waxaan rabay
inan xaq u helo dadkii uu dilay"
Osorio waxa uu
xasuustaa dhawaaqa iyo qaylida xilligii ay askarta jirddilka u gaysan jirtay
nimankii halkaa ku sugnaa. "Mid mid ayaana ragga loo toogan jiray,
maydadkooda hal meel ayaa lagu tuuri jiray."
"Marka ay ragga dilaan, ayey dumarka iyo carruurtana dili
jireen," ayuu yiri Osorio.
Tuuladan oo la oran jiray Dos Erres, ayaa lagu aqoonsadaa
xasuuqii ka dhacay halkaasi oo ay ku dhinteen 200 oo qof
Ramiro Osorio
Cristales waxa uu sheekadiisa uga warbixiyey BBC.
Dad ka badan 200 oo qof ayaa dhintay xilligii uu socday
khilaafkii u dhexeeyey ciidamada Guatemala iyo kuwa dhaqdhaqaaqii Marxist
guerrillas.
Dagaalkan oo la soo afjaray sannadkii 1996-kii ayaa waxa dambiyo
lagu soo eedeeyey qaar ka mid ah askartii ka qaybgashay. López waa qofkii
lixaad ee dacwad lagu soo oogo.
Markii uu cadaymaha u gudbiyey maxkamadda, Osorio waxaa loo
ogolaaday in uu qabsado dhakhtar caawiyo.
Dagaal socday muddo
saddex maalmood ah oo dhacay 8 bilood kaddib markii ay la wareegeeen ciidamo
da'yar ah oo uu hoggaaminayey nin haysta diinta masiixiga oo lagu magacaabi
jiray EfraÃn RÃos Montt, ayaa afgambin kula wareegay awoodda.
Osorio waxaa uu
sheegay inuu markii hore la dhacay warka, isagoo malaynaya, "Waxaan dib u
yeelan doona qoys". Balse rajadiisa ayaa dhicisawday kaddib markii uu
López uu shaqo adag u dhiibay, iskuulna uu u diray cunto la'aan ,garaacayna
marka uu cabasho muujiyo".
"Aad ayaan u dhibooday, ma aanan garanaynin qofka uu
yahay,"
Xilligaas ayaa waxa uu ahaa 1998-kii, dagaalka sokeeye waa uu
dhamaaday, mucaaradka waxay samaysteen xisbiyo siyaasadeed.
Baadigoobka Oscar
Baadigoobka
Oscar RamÃrez Castañeda waxa bilaaabay mid ka mid ah dacwad oogayaasha baarayay
xasuuqa, taas oo mowduuc looga dhigay warbixin la diyaariyey 2017-kii.
Sannadkii 2016-kii
López waxaa laga musaafuriyey dalka Mareykanka, halkaas oo uu si sharci darro
ah ugu noola.
Osorio waxa uu walaac
ka muujiyey inuu su'aashan ka jawaabo oo caddaymaha dacwadda soo bandhigo iyo
in kale, balse ugu dambayntii waxa uu go'aansaday inay tahay mas'uuliyad saaran
isaga.
López ayaa 22 bisha
November waxaa lagu xukumay 5,000 sanno oo xarig ah, min 30 sano 171 qof ee
lagu eedeeyey inuu dilay.
No comments:
Post a Comment