Teknoolajiyada iyo dhismaha : Wax dhisida oo aad u noqonaysa digital - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

Wednesday, December 12, 2018

Teknoolajiyada iyo dhismaha : Wax dhisida oo aad u noqonaysa digital

KU XIRNOW CILMIDEEQ
Teknolojiyada+2

Teknolajiyada iyo dhismaha : Wax dhisida oo aad u noqonaysa digital

Shirkadaha naqshadaha iyo dhismaha ayaa awooday inay arkaan naqshada kombuterka ee 3D oo ay u isticmaalayaan dhismayaashooda mudo badan.
Laakiin hadda waxay samayn karaan inay arkaan gudaha naqshada, iyadoo ay xiranayaan qalab madaxa la gashto oo leh teknoolajiyada (VR), isagoo siinaya aragti 360 degree.
Waxaa intaas dheer, dadka isla shaqeeya ayaa sidoo kale qalabka madaxa gashanaya oo arkaya isku wax, kadibna wax ka badali kara naqshada isla waqtigaas.
Shaqaalaha ayaa kala joogi kara meelo kala duwan caalamka.
Tani waa wax xiiso leh oo ku cusub dhismaha - taasoo ah horumar uu gaaray ganacsiga dhismaha.
Madaxa mashruuca Crossrail ee lagu dhisayo tareeno UK, Wolstenholme, ayaa sheegay "Taariikh ahaan aad ayaan uga gaabinay hal abuurka, ma aysan jirin baahi loo qabo isbadal.
"Laakiin hadda, anagoo u baahan inaan fursado ka helno dibadda, waxaan joognaa meel aan faa'iido heli karno".

Borogaraamyada dhismaha

Borogoraamka (BIM) oo samaynaya barnaamijyada 3D ee digital-ka ayaa la sii horumarinayaa.
Shirkadda Vizerra, oo saldhigeedu yahay San Francisco, ayaa bilowday awooda "gamification" iyo VR ee borogaraamkeeda BIM ee Revizto.
"Borogaraamka Revizto, ayaa isticmaala 3D teknoolaji iyo cloud si uu isugu keeno naqshado dhismo oo kala duwan, ayuu sheegay Arman Gukaysa, oo ah madaxa shirkadda Vizerra.
Borogaraamka teknoolajiyadiisa 3D ayaa u ogolaanaysa qofka inuu dhexgalo naqshada isagoo arkaya gudaha. Qalabka wax lagu arko oo madaxa la gashto ee wata Revizto waxaa ka mid ah HTC Vive iyo Oculus VR.

Dhimista qaladka

Shaqaalaha samaynaysa mashaariicda ayaa is kaashan karta iskuwaqti, waxayna ku kala qaybsan karaan shaqooyinka.
Vizerra ayaa sheegtay habkan oo kale inay waqti u dhaqaalaynayso macaamiisha ilaa 40%, sababtoo ah waxaa la arkayaa qaladaadkii intuusan dhismaha bilaaban.
Mashaariicda dhismaha 30% ama ka badan ayaa misaaniyadooda lagu isticmaalaa in la saxo qaladka aan la arkin markii la naqshadaynayay" ayuu yiri Mr Gukasyan.
"Waa waali lacagta tirada badan ee qasaarta sababtoo ah hab hore ayaa la isticmaalay, oo ku salaysan naqshadayn 2D ah oo waraaqo la isticmaalay"
Revizto ayaa hadda waxaa isticmaala in ka badan 60,000 shirkadood oo jooga 150 waddan ayay sheegtay Vizerra, waxaana ka mid ah shirkadaha caalamiga ee Foster & Partners iyo Perkins & Will.
Shirkadaha kale ee ku horeeya teknoolajiyadan kordhaysa ayaa ah AutoCAD, Revit iyo Vectorworks Architect, iyagoo saadaalinaya inay iibin doonaan borogaraamyo qiimihiisu dhan yahay $12bn sanadka markuu yahay 2022.

Maamulka

Mashaariicda waawayn ee dhismaha ayaa noqon kara wax aan sahlanayn oo qaali ah, marka in la maamulo shaqaalaha, alaabada iyo horumarka shaqada dhismaha ayaa muhiim ah.
Markii hore, meesha dhismaha uu ka socdo ayaa saacadaha shaqaalaha lagu qori jiray buug, oo ka dibna kombuterka la galinayay.
Hadda borogaraamka Rhumbix ayaa digital ka dhigay xogta iyadoo aan la isticmaalayn waraaq marka hore.
app-ka Rhumbix, ayaa u ogolaanaya inay saacadaha shaqaalaha ku diraan taleefoonada smartphone-ka si madaxda ay u saxiixaan, sidoo kale teknoolajiyadda ayaa u sheegi karta meesha ay shaqaalaha joogaan iyo meelaha shaqada laga qabtay. Tani ayaa suurto galinaysa in la ogaado shaqooyinka dib u dhacay ama daahay.
Ninka wax ka aasaasay Rhumbix, ee Zach Scheel, ayaa ka ahaa injineer milatariga Maraykanka wuxuuna dhiirigalin ka helay sida milatariga ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa askartooda, markii saldhigoodu uu ahaa dalka Djibouti waqtigii kacdoonka carabta ee 2011.
Isagoo ka shaqaynaya mashaariic kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Chile sanado kadib, Mr Scheel ayaa ogaaday inay iskumid yihiin sida xogta loo soo arruuriyo iyo shaqada markii la samaynayo howlaha dhismaha.
"Shaqaalaha ayaa ah waxa ugu qaalisan mashaariicda dhismaha, waana wax aan aad loo fahan sanayn" ayuu dhahay.
"Telefoonada Smartphone, Ipad iyo teknoolajiyada internetka ayaa isbadalka sameeyay iyagoo suurto galiyay teknoolajiyada muhiimka u ah in loo sameeyo brogaraam meelaha ay ka socdaan dhismaha"
Borogaraamka ayaa sidoo kale ogolaanaya in qiimaha, tirada iyo qalabka loo baahan yahay la ogaado waqtigaas oo ay madaxda fiiriyaan iyagoo isticmaalaya internetka. Shirkadaha ayaa sidoo kale ku soo gudbin kara qarashkooda iyo miisaaniyadooda.
Tani waa muhiim sababtoo ah 15% qalabka loo keeno meelaha dhismaha ka socda ayaa qasaara, ayay sheegtay haya'dda UK ee dhisida deegaanka u fiican ee Green Building Council, iyadoo Maraykanka qashinka ka yimaada dhismaha uu yahay ku dhawaad 40% ee qashinka adag.
" Waxaan ogaanaa qaladaad badan inay dhacayeen sababtoo ah injineerada meelaha la dhisayo ma haystaan xogta ay u baahan yihiin," ayuu sheegay Alexander Siljanovski, madaxa BaseStone oo ah shirkad samaysa borogaraamyada dhismaha.
Borogaraamka BaseStone, ayaa isku xira meelaha ay ka socdaan dhismaha iyo xarunta shirkadda dhisaysa si digital ah, iyadoo u suurto galinaysa in la arko dhibaatooyinka waqti hore iyo in si fiican la iskula xiriiro.
BaseStone waxaa laga isticmaalaa 50 waddan iyadoo shirkadaha isticmaala ay ka mid yihiin Alstom, Skanksa, Balfour Beatty iyo Crossrail.
Shirkadaha kale ee bixiya borogaraamyada dhismaha ee lagu maamulo mashaariicda waxaa ka mid ah HBXL iyo Builk.
Sidaas darteed, shirkadaha dhismaha ayaa ogaanaya faa'iidada ay leedahay digitalka, iyadoo ay caawinayso teknoolajiyada VR ee naqshadaynta kombuterka waxay dhisayaan dhismayaal aan horay loo samayn.

Post Top Ad