Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan)
QEYBTII 1-AAD
Siraad, weligaa iskuul ma aaddhigan, oo wax ma qortid waxbana ma
akhridid. Weligaa habeen uma aad hoyan meel aan ahayn aqalka aabbahaa iyo
hooyadaa, noloshaaduna ma ay dhaafsanayn gurigiinna aad ka adeegtid iyo suuqa
aad ka soo adeegtid. Weligaa waad arradnayd, waxbana lagaama hagran jirin ee
awoodda reerka ayaa sidaas ahayd.
Qof kasta oo faqiir ahi wuu ku riyoodaa nolol ka wanaagsan tiisa
liidata, adiguna taas dadka kale ayaad kala mid ahayd. Wax badan baad
calafkaaga sii malaysay. Wax badan baad doob baabuur qaali ah wata iyo fillo
doog leh indhaha la sii raacday. Wax badan baad oori nin ladani koolkoolinayo
niyadda ka xasadday. Wax badan baad sheeko nolol qurux badan ku saabsan sii
dhegeysatay.
Xaalkiinna oo sidaas ah ayuu laytalkhadar idinku soo degay; nin
hodan ah baa laguu dhisay reerkana lacag ku hafiyey. Wuu kaa da weynaa oo
markaas aad sagaal iyo toban jirka ahayd isagu wuxuu ahaa konton. Naag ay kala
tageen ayaa afar carruur ah oo koray u lahayd. Laakiin xag dhaqaale waa nolol
aad u baahnayd. Waa adigii degay fillo beer leh, ee gashaday dhar qaali ah, ee
u ekaaday oori qiimo leh. Baabuur, telefeeshin, fiidyow, telefoon iyo qalab la
nooc ah oo guryaha waqtigan ku yar ayaa laguu dhigay, adeegto shaqada u jajaban
ayaa laguu qabtay, habeenkiina guriga waxaa kuu ilaaliya waardiye xoog weyn.
Noloshaadii waxaa ku dhacay afgembi.
Waxaad isbarateen dad cusub oo xagga ninkaaga kaa soo galay, kuwaas oo idinla nolol ah amaba idinka sii ladan. Waxa ay ka sheekeeyaan iyo sida ay u sheekeeyaan la mid ma aha foqoradii jaahiliinta ahayd ee aad ku soo dhex kortay, kuwaas oo ahaa dad cabasho iyo calaacal badan, oo muran iyo qaylo badan, oo dagaal iyo isxagxagasho badan. Waxay ahaayeen dad sida waraabaha dirqi ku nool. Laakiin qolada cusubi waa dad deggan oo naftooda iyo noloshooda jecel. Waxay u sheekaysan jireen si qoladii hore aad uga duwan oo aad muddo la qabsan kari wayday.
Xeeb nadiif ah baa lagu
geeyey oo inta dhar gaaban laguu geliyey lagu dabbaal baray. Caweys muusig
dheeri ka shidan yahay baa la iswada ruxay adigana lagu ruxay. Martiqaadyo
maamuus leh ayaa lagugu casumay oo dad nooc kale ah lagu baray. Yurub baa laguu
dalxiis geeyay, oo aad indho sarcaadday, oo indho daraandartay, oo moodday in
lagu sixray. Waxaas iyo wax la mid ah ka dib illeen dhagax ma tihid ee waad
furfurantay oo milantay.
Ninkaagu bilawgii wuu ku
koolkoolin jiray, laakiin beryihii dambe dan kaama geli jirin. Balwad iyo dad
ay isaga isku dookh yihiin ayuu adiga kaa jeclaa waqtigiisa inta badanna siin
jiray. Wuxuu bilaabay habeenka uu doono in uu iska dhaxo. Adiguna illeen
dundumo ma tihid ee khaati baad noqotay. Gurigii waad ku caajistay sariirtiina
ku cidlootay. Waardiyaha iyo adeegtada midna sheeko lama aad wadaagi jirin,
dhaqankii cusbaa ee lagu baray ayaa ahaa in aan nolosha sare iyo ta hoose la
isku darin, haddii kale ta sare ayaa nuxur iyo dhadhan beelaysa. Adeegtadu
marka ay fiidka reerka cashaysiiso caweys ma haleesho ee sariirta ayey
beegsataa, waardiyihuna salli xun oo uu ganjeelada agteeda u yaal ma soo
dhaafo. Sidaas darteed marka aan ninkaagu joogin waxaad u cidlootay sidii
boqorad laga dhintay.
Waardiyaha xoogga weyni waa
adiga. Waxaad tahay xerow shan iyo labaatan jir ah oo sida jaajuurka u adag una
malaasan. Kama duwanid awr reerka debedda ugu dabran. Goor walba waxaad
xasuusta ku haysaa maahmaahda ah ”Rag waxaa ugu liita nin maqan oo aan la
tebin, nin tegaya oo aan la celin iyo nin jooga oo aan la tirin.” Maalintii oo
dhan masjidka ayaad diin barasho u yuururtaa, marka salaadda maqrib foodda laga
qaadana halkan ayaad ka soo shaqo gashaa. Reerka habeenkii uun tuugta kama
ilaalisid ee adiga ayaa raatubta u akhriya, danta Kitaabka Alle ka soo gashana
u caddeeya. Weli waxaad tahay arday oo diinta aqoon badan uma lihid, laakiin
fatwada badanaa malaha iyo qardojeexa ku dhisan iyaga ayaad kalsooni kaga
raadisaa. Risiqaaga ayaa galay.
Fiidka marka aad shaqada soo
gashid ganjeelada agteeda ayaad beerta salli dhigataa. Halkaas ayaa shaah iyo
casho waxii habeenkaa Alle kuu qoray laguugu keenaa, oo aad ilaa waaberiga
duruusta ku akhrisataa, gurigana tuugta ka ilaalisaa. Hawsha intaas kuu dheeri
waa ninka reerka leh oo aad marka uu baabuurka la baxayo ama la soo gelayo
ganjeelada ka furtid.
Ma jiro qof xumaan ka
dhawrsani, waxaadse ku dadaashaa in aad ahaatid nin jidka Alle ku toosan.
Salaadi kaama tagto, soonna hadalkii daa. Xan iyo xumaan carrabkaaga waad ka
ilaalisaa, jidiinkaagana xaaraan waad uga dhaaran kartaa. Awaamirta Alle ee
arrimahaas ku saabsan raacistooda intii karaankaaga ah waad ku dadaashaa.
Haweenka oo ah hubka ugu daran ee sheydaanku hurdo iyo soojeedba kugula
dagaallamo marka aad la hadlaysid ma eegtid ee indhaha ayaad hoos u rogtaa ama
wejiga ayaad dadabtaa, waayo sida aad og tahay eegistoodu waa sino. Haddana
tiro ma leh inta jeer ee aad xubnahooda yaabka leh indhaha ku xadday. Mid
gambadh ku fadhida oo bawdyaha bannaysay, mid guntiinada naasku dacal ka
faydmay, mid dirac khafiif ah ay laabta iyo xalusku muuqdaan, iyo mid sii
foororta oo badhida xaggaaga u soo fiiqday, intuba marar badan ayey naftaada
miskiinadda ah cadaab ku shideen, oo aad wayso iyo tukasho isku qaboojisay.
Habeen adiga oo wayso qaba oo
si aadan Qur’aanka u illaawin dusha ka akhriyaya, oo beerta guriga wareegaya,
ayaad daaqad furan ka aragtay Siraad oo qaawan.
LA SOCO QEYBTA Labaad INSHA
ALLAH
Waxa Qorey Al-Ustad Aweys
Osman Abdi (ROMANZA)


No comments:
Post a Comment