Jacayl dhexmaray gabadh Ciraaqiyad ah oo qaxooti ah iyo askari reer Mecadonia ah
Kumannaan ruux oo
qaxooti ah oo rajaynayay in ay xadka ka talaabaan maalintaas waxaa ka mid ahaa
Nuura Arkavazi oo ah gabadh yar oo heerkooda kala soo safartay dalka Ciraaq.
Nuura oo 20 jir ah
ayaa ka soo tagtay gurigoodii ku yaalay Diyala oo ah degmo ku taalla bariga
Ciraaq ka dib markii ay dagaallo ka dhaceen 2016-kii, iyada oo ay weheliyaan
waalidkeed, walaalkeed iyo walaasheed.
Waxay so galeen
safar dheer iyagoo ka talaabay xadka Ciraaq oo galay Turkiga ka dibna doon ayay
u raaceen jasiiradda Lesbos ee dalka Giriigga iyaga oo ugu danbaynna tagay
xadka Macedonia.
Iyaga oo wali jooga
xadka qoyskuna ay ka war sugayaan in loo ogolaan doono in ay galaan Macedonia
ayay Nuura la kulantay Dodevski waxaana soo jiitay indhaheeda.
Markii ay lamaanahan
kulmeen ma wanaagsanayn xaaladda qaxootiga iyada oo ay dalalka Balkan-ka ku
yaalla ay xadka ka xirteen qaxootiga.
Nuura ayaa
wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in riyadeedu ay ahayd in ay Jermalka kula
noolaato qoyskeeda.
Waxay ku hadashaa
lix luuqadood markii ay xadka timidna way xanuunsanayd sidaas daraadeed waxaa
lagu hagaajiyay Dodevski maadaama oo uu Ingiriiska yaqaano.
Dhawr jeer ayay
dhulka ku dhacday xanuunka hayay awgii, Dodevski ayaana si dhakhso oogu
wareejiyay laanqayrta cas si ay u badbaadiyaan, sida ay Nuura u sheegtay
barnaamijka dunida la hadla ee Newsday ee BBC-da ka baxa.
Inkastoo Dodevski uu
isku dayay in aan laga garanin dareenkiisa haddana waxaa markiiba fahantay
haweenay askariyad ah oo la shaqaynaysay.
Markii askariyadaasi
ay aragtay in maankiisu uusan joogin ayay kutiri waxaan u malaynayaa in uu
jacayl ku hayo oo qof xadka jooga uu qalbigaagii xaday.
Noora ayaa sheegtay
in ay markaaas wax darentay oo ay rabtay in ay la sii sheekaysato.
Dodevski wuxuu
sheegay in laga yaabo in uu arkay gabdho ka qurux badan Nuura balse ay
indhaheedu uga soocmeen dadka kale oo dhan uuna go'aansaday in ay noqoto
xaaskiisa.
Markii ay ka soo
kabatay xanuunkii hayay waxay billawday in ay caawiso hay'adda laanqayrta cas
ee dalkaas.
Dadkii qaxootiga
ahaana waxay ka warsugayeen waxa ay xaaladdoodu noqon doonto balse Nuura iyo
Dodevski waxay billaabeen in ay si fiican isu sii bartaan.
Iyada iyo hooyadeed
ayuu u sii qaaday suuq u dhawaa si uu ugu soo gado cunto iyo dhar, intii ay
dhexda sii socdeen wuxuu la dheelayay caruurta qaxootiga ah isaga oo u
dhaqmayay si ka dabacsan askarta kale.
Habeen ayay casho
adeen waxaana Dodevski ka muuqatay in ay shucuurtiisu kacsan tahay isaga oo
biyo badan cabay gacmihiisuna ay gargariirayeen wuxuuna nuura waydiistay in ay
is guursadaan balse waxay ku tiri waad kaftamaysaa toban jeer ayuuna ku
celceliyay.
Markii dambe ayayna
ogolaatay in ay xaaskiisa noqoto.
Lamaanahan oo Muslim
iyo Kiristaan kala ah ayaa isku aroosay magaalada Kumanovo ee dalka Macedonia
waxaana ka soo qaybgalay 120 ruux oo diimo kala duwan aaminsan, kuwaas oo ay ku
jiraan asxaabtii ay Nuura iskala shaqayn jireen laanqayrta cas.
Nuura ayaa la
waydiiyay guurkooda dagdaga ah waxayna ku jawaabtay in uu jacaylkoodu ka
bilawday aragtidii koobaadba.
Inkastoo qoyskeedu
uu galay Jermalka Nuura waxay ku hartay Macedonia waxayna la nooshahay ninkeeda
iyo saddex ilmood oo uu dhalay.
Balse lix ruux ayay
noqon doonaan Nuura oo farxad la qoslaysa ayaana BBC-da u sheegtay in ay uur
afar bilood ah leedahay.


No comments:
Post a Comment