Weligaa ma maqashay warqad jacayl oo sida imtixaanka loo saxay?
Ardey
dhigta Jaamacad oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa saaxiibtiisii ku celiyay
warqad raali gelin ah oo ay usoo dirtay ka dib markii uu u saxay sida mid
imtaxaan.
Ardeyga ayaa siiyay natiijo
ka dib markii uu saxay qaladaadkii asiga uga muuqday warqadda.
Wuxuu ardeygaasi
sheegay inuusan ka xumeyn in warqadda ay baraha bulshada ku faaftay.
Ardeyga ayaa siiyay
natiijo ka dib markii uu saxay qaladaadkii asiga uga muuqday warqadda.
Wuxuu ardeygaasi
sheegay inuusan ka xumeyn in warqadda ay baraha bulshada ku faaftay.
Wuxuu taxliilin ku
sameeyay sida ay u qorneyd warqadda oo afar bog ahayd oo ay u soo dirtay gabar
jecleyd.
Wuxuu BBC Newsbeat u
sheegay: "Waxaan saaxiibo ahayn sideed bilood".
"Afar bilood ka
dib waxay bilowday inay telefoonkeeda iga qariso. Waxaan maqlay inay rag kale
saaxiib la ahayd," ayuu yiri.
Nick oo dhigta
jaamacadda Central Florida, wuxuu sheegay in warqadda lasoo gaarsiiyay waxyar
ka dib markii ay saaxiibtii isku dheceen.
Sixitaanka wuxuu ku
billaabay, "hordhaca wuu dheeryahay, waadna ku soo celcelisay".
Ardeyga oo 20-sano jir
ah wuxuu doonayay in saaxiibtiisii hore ay sabab u yeesha sadarka ah:
"Waxaad ku guuldareystay inaan ilaaliyo xireerkeena".
Wuxuu kale oo ku dul
qoray warqadda inuu u baahan yahay inay cadeyso marka ay leedahay "weligey
kuma khayaamin".
"Maalin ayey ii
sheegtay inay gabar u raaceyso dalxiis, balse wiil kale ayey raacday",
ayuu u sheegay BBC Newsbeat.
"Lama hadlin tan
iyo markii arrinta ay dhacday, mana qorsheynaayi inaan la hadlo", ayuu
yiri.
Bogga labaad, wuxuu
saaxiibtiisii hore ka codsaday inay faafaahiso sadarkan: "Waan ilaaliyay
dhammaan ballanqaadyadii, waanna ka baxay".
Sidoo kale wuxuu u
sheegay inay iska ilaaliso qaladaadka higaada xuruufta, sida ereyadan
"loose" iyo "lose"
Nick ayaa saaxiibtii
ka dalbaday inay cadeyso waxa ay ula jeedo "ma jirto sabab aan wax kaaga
qariyo, ama been kugu sheego".
Wuxuu dhinac kaga
qoray: "Haddii aysan jirin sabab aad been u sheegto, maxaad runta u sheegi
la'dahay?"
Warqadda uu saxay oo
uu boggiisa Twitter-ka geliyay waxaa la wadaagay in ka badan 100 kun oo jeer.
"Ayada kuma
faraxsana, anna ma fileyn inay heer intaa la eg gaarto warqadda. Hooyadey ayey
la hadashay, aniguse lama hadlin, mana u maleynaayo in aan la hadli
doono", ayuu yiri.
Xittaa wuxuu u sheegay
saaxiibtii in nooca farta qoraalka ee ay isticmaashay ay tahay mid isku dhex
yaacsan.
Bogga ugu dambeeyay ee
warqadda waxay gabadha ku dhameysay "wan ku jeclahay", balse Nick
calaamadda su'aasha ayuu saaray.
"Haddii aad
dooneyso in lagu aamino, cadeyn ku taageer sheegashadaada", ayuu ugu qoray
warqadda dusheeda markii uu saxaayay.
"Sheegasho
khiyaanada ah weligeed ma dhicin, naftaada eedee, maxaa kale? ayuu u sheegay
saaxiibtiisii hore.
"Sheekadaada way
is burineysaa ee dhinac qaado. waxaan jeclahay faafaahin in laga bixiyo
waxyaabaha la sheeganayo".


No comments:
Post a Comment