Cudurada wadnaha:'Waxaan jiray 24 sano, muddo 5 daqiiqo gudahood ah ayaan mayd ahaa'' - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

KU XIRNOW CILMIDEEQ

Friday, December 14, 2018

Cudurada wadnaha:'Waxaan jiray 24 sano, muddo 5 daqiiqo gudahood ah ayaan mayd ahaa''



Cudurada wadnaha:'Waxaan jiray 24 sano, muddo 5 daqiiqo gudahood ah ayaan mayd ahaa''

In ka badan 80,000 oo dhalinyaro ah oo ku nool dalka UK ayaan iska baarin in ay qabaan xanuunada dhanka wadnaha ah,waxaa sidaasi shaaciyay hay'adda ka hortagta cudurada wadnaha ee dalak Britain.
Haddii uusan qofka ogaan xilli hore in uu qabo cudurada wadnaha ayaa waxaa ka dhalankara cawaaqib xun.
"Bishimahayga ayaa bilaabay in buluug noqdaan, waxa igu dhagtay neefta," waxaa sidaasi BBC u sheegtay Lora D'Alesio.
Waxa ay gabadhani ka warantay sida ay ugu sigatay in ay dhimato.
"Shan daqiiqo gudahood ayaan nafta iiga baxday oo aan ku dhintay,dhakhaatiirta ayaa ku dadaalayay in aa so kabsado."
Saddex sano ka hor Lora D'Alesio oo 27 jir ah islamarkana ah dhakhtar xanaanada xoolaha ayaa taagnida ka dhacday iyada oo joogta gurigeeda.
"Waan suuxay,markii ay dariska isugu kay yimaadeen ayaa waxa ay arkeen aniga oo dhulka jiifa"ayay tiri lora.
Si la mid ah dhalinyaro badan Lora ma aysan ogayn in ay qabto xaaladda xanuun dhanka wadnaha ah.
Waxaa noolasheeda badbaadiyay shaqaalaha gurmadka degdega,waxa ayna soo toostay ka dib saddex maalmood oo ay kooma ku jirtay isbataalka.
"Waan ooynayay sababtoo ah aad ayaan u wareersanaa," ayay tiri Lora.
Lora waxaa laga helay xanuun dhanka wadnaha oo ah mid la iska dhaxlo .
"Marka aan da'deeyda eego suuragal ma ahaa,waxa aan jiray 24 sano.
"Waxa aad u malaynaysaa in dadka waayeelada oo kali ah ay taagnida ka dhacaan marka uu wadnahooda tabaryareeyo ama qaba cudurada wadnaha,balse aysan dhalinyarada arintaas lahayn."

Qaabka looga hortagi karo halista

Cilmibaaris cusub oo ay samaysay hay'adda cudurada ku dhaca wadnaha ee UK ayaa lagu sheegay in qiyaastii 83,000 qof oo ay da'dooda u dhaxeyso 15 ilaa 25 jir laga yaabo in ay qabaan cudurada la iska dhaxlo taasi oo galin karta halis ah in ay ku dhacaan cuduradda wadnaha amaba ay si lama filaan ah u dhintaan iyaga oo ay da'a yar.
Qaar badan oo dadka ka mid ah ma oga xaaladaha wadnahooda,balse qaar ayaa ogaada marka ay dhibaato la soo gudboonaato oo uu wadnaha shaqayn waayo.
Dadka iska baara cudurada wadnaha ayay tiradooda aad u yartahay sidaasi daraadeed aqlabiyada dhibaatooyiinkan lagama hortagi karo.
Prof Elijah Behr,oo ah dhakhtar ku taqasusay cudurada wadnaha oo macalin ka ah jaamacadda St George's, ee London, ayaa sheegaya inkastoo ay yartahay cudurada wadnaha ee la iska dhaxlo hadana marka la isu geeyo tirado waa mid badan.
"Xaqiiqadii ku dhawaad 1,500 oo dhalinyaro ah ayaa sanadkii dalka UK u dhinta si lama filaan ah taasi oo la xiriirta xanuunada wadnaha ee la sika dhaxlo" ayu yiri Prof Elijah.
"Dhibaatado waa sidii lagu ogaan lahaa shaqsiyaadkan si looga hortago dhimashadaas,"ayuu intaa ku daray.
Prof Behr ayaa imika ka shaqaynaya sidii loo ogaan lahaa xiriirka ka dhaxeeya wadna xanuunka iyo in la iska dhaxlo.
Sanaddii 2016,wiil uu dhalay Gill Wilkinson oo lagu magacaabo Dan Wilkinson ayaa dhintay ka dib markii ay taagnida ka dhaceen iyaga oo kubbad ciyaaraya.
Waxa ay da'diisu ahayd 24 jir markii uu dhimanayay islamarkana qaabka noolashiisa way fiicnayd.
"Waxa uu qabay dhibaato dhanka wadnaha ah,balse ma jirin cid ka war qabtay,ma aanan ogayn in ay wax ka qaldan yihiin,"ayu yiri aabihii Gill Wilkinson.
"24 saac ka hor,waan sheekaysanaynay waxa uuna ahaa caadi"ayuu intaa ku daray.
Dan ayaa taagnida ka dhacay qaybtii dambe ee ciyaarta,waxa uuna u ciyaari jiray kooxda Shaw Lane AFC.

'Waa nasiib in aa noolaado'

Lora ayaa sheegtay in si toos ah ay dadka ugala hadli doonta xaaladda ay soo martay iyo khibradeeda wadna xanuunka. "Waxa aan xaqiiqdii doonayaa in dhalinyarada ay ogaadaan in ay tan oo kale ku dhici karto,cudurada wadnaha dadka kalama soocaan," ayay tiri..

No comments:

Post Top Ad

Your Ad Spot