Daraasad lagu ogaaday in guurka uu caafimaad ku jiro
Daraasad oo mudo 13 sano wax ka badan la waday ayaa amuurtani
lagu ogaaday.
Dad ka badan sagaal boqol oo kun oo qof ayaa su'aalo la
weydiiyey.
Dadkan su'aalaha la weydiiyey ayaa qabbay xanuuno xiriir la leh
cudurada wadnaha ku dhaca.
Waxaana cilmi-baaristaasi lagu ogaaday in dadka guursada ay ka
nolol dheer yihiin kuwa aan guursan.
Sidoo kale dadka la xanuunsan cudurada sonkorta ama macaanka iyo
dhiigkarka ayaa iyagana la sheegayaa inuu guurku u fiican yahay.
Cilmi-baarayaashani ayaa sidoo kale aaminsan in wada
noolaanshaha lamaanaha isguursada ay tahay caafimaad qab.


No comments:
Post a Comment