Cilmibaaris: Faa’iidooyiinka caafimaad ee cabidda Bunka
Daraasada ayaa lagu ogaaday in dadka cabba bunka ama qaxwada
badan ay yartahay halista ah in ay ku dhacaan cudurrada beerka iyo qaar ka mid
ah noocyada kansarka iyo waliba in ay yartahay halista ah in u qofka madaxa
dhiig kaga furmo.
Balse daraasadda ma aysan caddeyn in cabidda bunka uu sabab u
yahay arrimhan.
Daraasadda ayaa muujinaysa in hooyada marka ay uur leedahay
misana aadka u cabta bunka uu waxyeelo u gaysan karo.
Khubarada ayaa ku taliyay in dadka aysan ku kicin cabbida
qaxwada iyagoo caafimaad ka doonayo.
Cilmibaarayaashani oo ka socday jaamacadda Southampton ayaa
waxay soo uruuriyeen macluumad la xiriira saamaynta uu bunka ku yeelanayo jirka
bina'aadamka.
Waxaa cilmibaarayaasha ay tijaabo ku sameeyeen 200 oo
daraasadood oo intooda badan laga sameeyay saameeynta cabbidda bunka.
Marka la isu barbar dhigo dadka aan cabin bunka ,iyo kuwa
maalinkii cabba seddex koob ,ayaa dadka cabba waxaa la ogaaday in ay yartahay
khatart ku aadan in ay ku dhacaan cudurada wadnaha amaba ay u dhintaanba.
Faa'iidada ugu xooggan ee laga dhaxlo cabbidda bunka ayaa ah in
hoos u dhaca halista in qofku ay ku dhacaan cudurradda beerka oo uu ku jiro
Kansarka.
Hasa yeeshee, Prof Paul Roderick, oo ka mid ah macallimiinta
kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Southampton, ayaa sheegay in daraasada
aysan tilmaamin in cabbidda bunka oo kali ah ay sabab u tahay yaraanshaha
halista cudurradaasi.
"Arrimaha sida da'da, in qofka uu cabbo sigaar iyo dadka
sameeya jimicsiga ayaa dhamaan yeelan kara astaamahan," ayuu yiri.
Waxyaabaha lagu
ogaaday daraasadda ayaa taageeraya daraasado horay loo sameeyay oo ku saabsan
cabidda bunka .
Daraasada ayaa ku talinaysa in haweenka uurka leh aysan cabin
maalinkii wax ka badan 200 oo mg oo bun ah ,sababtoo ah haddii ay cabaan qaxwo
badan ayaa waxa sare u kici karta halista ah in ay ilmaha soo dilmaan.
Eliseo Guallar, oo ka socda koleejka caafimaadka John Hopkins
Bloomberg ayaa haseyeeshee sheegay inay wali jirto hubaal la'aan ku aadan
saamaynta ay yeelan karto qofka oo cabba bun ama qaxwo aad u badan.


No comments:
Post a Comment