Gabadh qoraa ah oo qiratay in ay u geftay Priyanka Chopra - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

Sunday, December 9, 2018

Gabadh qoraa ah oo qiratay in ay u geftay Priyanka Chopra

KU XIRNOW CILMIDEEQ
gabar

Gabadh qoraa ah oo qiratay in ay u geftay Priyanka Chopra

Wariye Maraykan ah ayaa raaligalin bixisay kadib markii ay qortay in gabadha jilaaga ah, Priyanka Chopra ee u shaqaysa sharikadda filimada samaysa ee Bollywood ay tahay "Atarisho danaysato ah" taas oo qool ku ridatay heesaaga Maraykanka ah ee Nick Jonas si ay ugu dangaarto oo ay shaqadeeda usii wadato.
Mariah Smith ayaa tiri waxaan dhabarka u ritay "masuuliyadda wixii aan qoray, Waan khaldanaa, dhab ahaantiina waan ka xumahay".
Qoraalka oo lagu daabacay wargays lagu magacaabo The Cut, oo kasoo baxa magaalada New Yor, ayaa laga saaray halkaas.
Si kastaba ha ahaatee Ms Smith ayaa sheegtay in aanay aqbalayn " midab kala sooc, ajaanib nacayb iyo faquuq dhanka galmada ah toona".
Ms Chopra iyo Mr Jonas ayaa ku aqal galay toddobaadkii hore magaalada Jodhpur ee kutaal gobolka Waqooyiga Galbeed ee dalka Hindiya kuyaal ee Rajasthan.

Dhaleeceyntii guurka Priyanka Chopra oo taageero isu badeshay saacado gudahoodChopra  

Dadka reer Hindiya ee adeegsadaga baraha bulshada ayaa aad u difaacay go'aanka Priyanka Chopra ee ah in ay guursato fannaanka u dhashay Mareykanka ee Nick Jonas, kadib markii bog intarnet oo laga leeyahay dalka Mareykanka uu Priyanka ku tilmaamay '' daneysato'' doonaysa inay ku dan gaarto Nick Jonas.
Maqaalka oo lagu daabacay bogga intarnetka ee The Cut ayaa waxaa ka dhalatay caro aad u ballaaran. Dad badan oo reer Hindiya ah oo aan markii hore la dhacsaneyn guurka labadan lamaane ayaa haatan u weecday difaacidda Priyanka Chopra.
Qaar badan oo kamid ah dadkaasi ayaa maqaalkaasi ku tilmaamay mid cunsurinimo ay ku dheehantahay.
Soo ifbixidda maqaalkan ayaa baddelay hadal heyntii dhowrka maalin ka taagneyd dalkaasi oo aheyd in arooska Priyanka iyo Nick laga badbadiyay.
Hasa yeeshee arrinkaasi ayaa haatan u muuqda mid meesha ka baxay oo waxa dadka inta badan ay noqdeen kuwa Priyanka ka difaaca warbixinta laga qoray.
Markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Priyanka Chopra iyo Nick Jonas ay aqal galayaan, dad badan waxba kama aysan ogeyn qofka uu yahay Nick Jonas, waxaase maqaalkan uu waxbadan ka baddelay fikirkii laga aaminsanaa.

Post Top Ad