Mudaharaadyada Faransiiska: Caro ka dhalatay ‘bahdilaad’ ay booliska ku sameeyeen arday
Mudaharaad ay
ardayda ka sameynayeen afaafka hore ee iskuul ku yaalla xaafadda
Mantes-la-Jolie, oo dhacda galbeedka magaalada Paris ayaa ku idlaaday isku
dhacyo dhex maray booliska iyo dibadbaxayaasha, waxaana halkaas lagu xiray in
ka badan 140 ruux.
Ardayda ayaa ka careysan qorshe lagu doonayo in dib u habeyn
loogu sameeyo hannaanka imtixaannada, kuwaasoo ay sheegeen iney sababi doonaan
fursadaha oo yaraata iyo in ay meesha ka baxdo sinnaanta.
Arrintan ayaa timid xilli dalka Faransiiska uu isku diyaarinayo
rabshado dheeraad ah oo ka abuurma mudaharaadyada la magac baxay "Jaakadda
jaallaha ah".
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in dadka lagu xir
xiray iskuulka Saint-Exupery ay ahaayeen kuwo lagu tuhmay iney ka qeyb
qaadanayeen "kulan hubeysan", iyagoo intaasna ku daray in boolisku ay
ka hor tagayeen in xaaladdu ay "faraha ka sii baxdo", sida uu
shaacisay wargeyska Le Monde.
Hase
ahaatee, haweeneyda xisbiga bulshaawiga ah madaxa uga ah Paris ee lagu
magacaabo Clémentine Autain ayaa sheegtay in muuqaalka ku saabsan ardayda lagu
kallifay iney jilbaha dhigtaan meel wasakh ah iyagoo ku sii jeeda darbi
bulikeeti ah uu yahay "cabsi galin", "bahdilaad" iyo
"wax aan la aqbali karin".
Sidoo
kale Frédérique Rolet, oo ka tirsan mas'uuliyiinta ururka wax barashada ee
Faransiiska ayaa sheegtay in muuqaalkaas uu yahay mid aan loo dulqaadan karin,
sida uu baahiyay raadiyaha French radio station Europe 1.
Dadka
u dooda xuquuqda ardayda ayaa caro xoog leh ku muujiyay baraha xiriirka
bulshada, waxayna mas'uuliyiinta booliska ku cambaareeyeen tallaabadaas.
Tobannaan
iskuul oo ku kala yaallay magaalooyinka dalka Faransiiska ayaa la xannibay
isbuucan, iyadoo laga soo horjeeday qorsheyaasha dowladda.
Dowladda
ayaa markii dambe iska laashay qorsheyaasheedii ku aadanaa isbadalka
imtixaannada, balse mudaharaadeyaasha ayaa soo bandhigay 40 dalab oo kale.
Dibadyaxyadan
ayaa loo bixiyay mudaharaadkii jaakadda jaallaha ah, maadaama dibad baxayaashu
ay xiranyihiin jaakado jaalle ah oo loogu tala galay in la xirto xilliyada la
marayo waddooyinka si ay baabuurta u arkaan qofka waddada maraya ugana
taxadaraan.


No comments:
Post a Comment