Aabe gabadhiisa ku khasbay iney u lugeyso 8 kiiloo mitir
Ka dib markii gabadhiisa 10 sano jir ah oo lagu magacaabo
Kirsten muddo saddex maalmood ah looga mamnuucay gaariga iskuulka sababo la
xiriira dhibaato ay markii labaad u geysatay ardayda la raacda gaariga, ayuu
aabeheed Matt Cox go'aan ku gaaray inuu siiyo cashir aysan illoobi doonin
nolosheeda.
Wuxuu ku khasbay iney maalin qabow jiro u lugeyso iskuulka oo
aad uga fog, isagoo gadaasheeda socday xilli uu gaari watay.
Muuqaal laga arki karo arrintan ciqaabta ah ayaa barta xiriirka
bulshada ee facebook lagu fiirsaday in ka badan 15 malyan oo jeer waxaana
hadallo faallo ah laga bixiyay kumannaan jeer oo kale.
Waxaa la arkayay gabadha yar oo socota waddada
dhineceeda, iyadoo boorsada iskuulkana ay dhabarka u saarneyd.
Heer
kulka hawada oo aad u qaboobaa ayaa markaas marayay 2C oo kaliya.
Mr
Cox oo si aayar ah gaari ula daba socday gabadhiisa ayaa ku canaananayay
hadallo ku saabsan dhibaateynta carruurta iskuulka.
"in
carruurta lagu dhibaateeyo iskuulka ma aha wax la aqbali karo, habkan waa midka
aan ku doonayo inaan qoyskeyga uga gooyo dhaqanka noocaas ah" ayaa ka mid
ahaa hadalladiisa.
"Waan
ogahay in waalidiin fara badan oo idinka mid ah aysan tallaabadeyda ku farxi
doonin laakiin dhib ma laha" ayuu yiri.
Qoraal
uu maalintii Arbacada ahayd bartiisa facebook soo dhigay Mr Cox ayuu ku sheegay
in gabadhiisa ay qalbiga ku qaadatay hadalladiisa.
Gabadha
10 jirka ah oo la hadleysay warbaahinta WTVG ayaa sheegtay in iyada qudheeda
lagu soo dhibi jiray iskuulka haddana ay naxariis yeelatay.
Inta
badan 63,000 qoraal oo ay dadka uga fal celiyeen muuqaalkiisa, waxay intooda
badan taageerayeen tallaabadiisa waxayna uga mahad celinayeen sida ay u
fiicantahay waalidnimadiisa.


No comments:
Post a Comment