Dumarka ilmaha lagu qalo oo laga deyriyey
Waxay qiyaas ku bixiyeen in kiisaska ku saabsan carruurta aan
makaanka si habboon uga soo bixi karin, maaddaama miskaha hooyada ay ciriiri
yihiin, ay sare u kaceen min 30 kunkiiba sannadihii lixdameeyadii, ilaa 36
kunkiiba wakhti xaadirkan.
Su'aasha ay saynisyahannadu is weydiinayeen muddo dheer ayaa ah
sababta aysan miskaha dumarku wakhtiga intaa le'eg u korin. Arrintaas ayaa lala
xiriirinayaa ayadoo hooyooyinku ay hidde-sidayaashooda u gudbiyaan gabdhaha ay
dhalaan, jiilba jiil, ayadoo dhinaca kalena carruurta dhalata marba marka ka
dambaysa ay noqonayaan kuwo kobocsan oo caafimaad qaba.
Is le'ekaansho la'aantaas ayaa la leeyahay waxay sababtaa in
dumarka qaar ay door bidaan in ilmaha lagu qalo ayagoo ka cabsi qaba inay umul
raacdaan, oo ilmuhuna ku dilmaan.
Laakin cilmi baareyaal ku sugan jaamacadda Vienna waxay ka
dardaar werinayaan in xaaladdu haddii ay sidas ku sii socoto ay yaraan doonto
tirada dumarka sida caadiga ah u foosha.


No comments:
Post a Comment