'Afartii qof ee aan jimicsi samayn mid ayaa khatar ku jira' WHO
Khubarada
dhinaca caafimaadka ayaa walaac ka muujisay in wax aad u yar laga qabtay sidii
loo yarayn lahaa saameynta ka dhalata dhaqdhaqaaq la'aanta ama jimicsiga ku yar
dadka ku nool caalamka.
War bixin ay soo saartay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO
ayaa lagu qiyaasay in afar meelood hal meel oo ka mid ah dadka dunida - oo ah
tiro dhan 1.4 bilyan oo ruux aysan samaynin jimicsi ku filan, tiradan ayaana
sare u sii kacaysay tan iyo sannadkii 2001-dii.
Qiyaastan ayaa ka
dhigan in guud ahaan dadka caalamka afartii qofba mid ka mid ah uu ku jiro
halis dhimasho.
Dhaqdhaqaaq la'aanta ayaa sababta in dadka ay soo wajahaan
xaalado caafimaad darro sida iney qofka ku dhacaan cudurrada wadnaha, nooca labaad
ee cudurka macaanka ama sokorowga iyo noocyo ka mid ah cudurka cancer-ka.
Dalalka uu soo galo
dhaqaalaha badan oo uu ka mid yahay Ingiriiska ayey dadkooda yihiin kuwa ugu
badan ee aan dhaqdhaqaaqa samaynin.
Sidoo kale haweenka caalamka oo idil ayaa loo aqoonsaday iney
yihiin kuwo ka jimicsi yar raga.
Walaac aad u weyn
Cilmi baareyaasha hay'adda caafimaadka adduunka ee (WHO) ayaa
macluumaadkan ku saleeyay xog laga uruuriyay ilaa 168 waddan oo dadkooda ay si
shakhsi ahaan ah uga warramayeen xaaladahooda.
Khubarada ayaa ogaaday in waddamada dhaqaalahoodu sarreeyo, sida
ingiriiska iyo Mareykanka, ay shacabkoodu khatarta ugu badan ugu jiraan
saameynta ba'an ee ka dhalata dhaqdhaqaaq la'aanta.
Waddamada kale ee safka hore uga jira liiska jimicsi la'aanta
waxaa ka mid ah Jarmalka iyo New Zealand.
WHO ayaa sheegtay in jimicsi la'aanta ay hadda noqotay dilaaga
cusub ee bani'aadanka, maadaama ay dad fara badan ka dhaxleen cudurro aan la
daaweyn Karin.
Waxa ay sidoo kale saameyn ballaaran ku yeelatay wakhtiga uu qofku
noolaan karo, waxaana la sheegayaa in ay keeneyso cimri deg deg aad u u heer
sarreeya.
Haweenka ayaa si guud uga dhaqdhaqaaq yar ragga marka la eego
dhammaan dalalka laga sameeyay daraasaddan.
Hase ahaatee dalalka ku yaalla Bariga iyo Koonfurta-bari ee qaaradda
Aasiya ayaa si weyn uga duwan, dhanka dhaqdhaqaaqana uga fiican waddamada kale
ee ku yaalla Koonfurta Aasiya, Bartamaha Aasiya, Bariga dhexe iyo Waqooyiga
Africa.
Lahaanshaha sawirka.Image caption.
Dr Regina Guthold, oo
hogaamineysay daraasadda WHO ayaa tiri "Marka laga soo tago khataraha
caafimaad ee kale ee adduunka ka jira, wali wax hoos u dhac ah lagama arko
dhibaatooyinka ka dhasha dhaqdhaqaaq la'aanta"
"Gobollada uu ku
sii kordhayo xaddiga jimicsi la'aanta jirka ayaa nagu abuuraya walaac weyn oo
ku aaddan iney soo food saaraan cudurro aan daawo lahayn."
Dr Fiona Bull, oo
iyadana ka mid ah khubarada daraasaddan qortay ayaa sheegtay in caqabado badan
lagala kulmayo sidii meesha looga saari lahaa farqiga jimicsi ee u dhaxeeya
raga iyo dumarka.
Dr Cali Macow Aweys oo
BBC-da ay arrintaan ka wareysatay ayaa sheegay in cudurro fara badan oo halis
ah ay ka abuurmaan jimicsi la'aanta.
"looma baahna in
ay dadka iska fadhiyaan mar kasta waana in ay cunaan raashin nafaqo leh"
ayuu yiri Dr Aweys.
Isagoo hadalkiisa sii
wata ayuu yiri "Dhaqdhaqaaq la'aanta waxay sababtaa in aysan murqaha qofka
shaqeynin ka dibna waxaa meesha soo gala cudurro halis ah oo ku dhaca kalyaha,
beerka, wadna waxaana xitaa ka dhalan kara cudurka Kansarka".
Dr Macow ayaa intaas
ku daray in cudurka Sokorowga uu ka dhasho dhaqdhaqaaq la'aanta, balse dadku
aysan intooda badan fahansaneyn.
Talooyin jimicsi oo loogu tala
galay dadka ay da'dooda u dhaxeyso 19-64 sano.
§ Isbuucii samee
ugu yaraan 150 daqiiqo oo jimicsi fudud ah ama 75 daqiiqo oo jimicsi culus ah.
§ samee jimicsiyo
xoog leh oo qaata labo maalmood ama ka badan isbuucii, kuwaasoo kala furfuraya
murqaha.
§ Iska jooji
fadhiga badan, baddalkiisana gali dhaqdhaqaaqyo sahlan.
Waa maxay Jimicsi fudud?
§ Socodka oo la
boobsiiyo.
§ Dabaasha.
§ In baaskiil
lagu kaxeeyo dhul siman iyo dhul xoogaa kor u kacsan.
§ Ciyaarta
tennis-ka.
§ Buur
fuulitaanka.
§ Kubadda
kolayga.
§ Iyo noocyada
kale ee ciyaaraha fudud.
Maxaa ka mid ah jimicsiyada
culus?
§ Rucleynta ama
orodka.
§ Dabaasha deg
degga ah.
§ In baaskiil loo
kexeeyo si xawaare dheer ama in dalcad la saaro.
§ Tennis-ka halka
ruux.
§ Kubadda cagta.
§ Kubadda
Rugby-ga.
§ Iyo noocyada
kale ee ciyaaraha adag.
Dalalka ay dhaqdhaqaaq la'aanta
heerka ugu sarreeya ka joogto ayaa kala ah:
§ Kuwait 67%
§ Sacuudiga 53%
§ Ciraaq 52%
Dalalka ugu hooseeya ee
dhaqdhaqaaqooda uusan heer xun joogin waxaa ka mid ah:
§ Uganda and
Mozambique 6%
Khubarada ayaa dowladaha dalalkaas ku boorriyay iney dadaallo u
sameeyaan sidii halistaas wax looga qaban lahaa.
Dr Melody Ding oo ka tirsan jaamacadda Sydney, oo isagu aan
daraasaddan ka qeyb qaadannin ayaa sheegay in diiradda la saaray sare u
qaadista dhaqaalaha, ayna taasi baddashay hannaanka nolosha.
Dr Mike Brannan oo hogaamiya hay'adaha u dhaqdhaqaaqa jimicsiga
dadweynaha ee dalka Ingiriiska ayaa isagana ka dhawaajiyay in natiijada laga
soo saaray daraasaddan ay muujineyso sida loogu jiro khatarta.


No comments:
Post a Comment