Sarkaal u dhashay dalka Burundi oo xaaskiisa dilay - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

KU XIRNOW CILMIDEEQ

Friday, December 7, 2018

Sarkaal u dhashay dalka Burundi oo xaaskiisa dilay

Sarkaal u dhashay dalka Burundi oo xaaskiisa dilay

Booliska magaalo madaxda dalka Burundi ee Bujumbura ayaa xabsiga u taxaabay sarkaal sare oo lagu soo eedeeyay inuu xaaskiisa dilay, dhaawacayna cunug ay dhabarka ku siday.
Eedaysanahan ayaa waxa ay magaciisa booliska ku sheegeen inuu yahay Prime Nduwimana.
haweeneyda uu dilay ayaa la sheegay inay ahayd 36 sano jir lagu magacaabi jiray Louise Hagabimana, waxayna ahayd hooyo lix carruur ah haysatay.
Booliska ayaa sheegay in ilmaha dhaawaca soo gaaray ay daaweeyeen dhakhaatiir ku sugnaa isbitaal ku yaala magaalada Bujumbura.
Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in ninkan ay xaaskiisa diiday in makhaayaddooda uu shaqo ka siiyo haweenay kale.
Sida uu sheegay Marius Ntahomvukiye, oo ku sugnaa dhisme u dhow halkii uu falkan ka dhacay, haweeneyda dhimatay ayaa doonaysay inuu ninkeeda shaqaaleysiiyo rag oo kaliya. waxay sidoo kale seygeeda ku eedaysay inuu shaqooyinka siiyey dumarka "anshaxa xun".
Mr Ntahomvukiye ayaa sheegay inay arrinkan ay xiisad adag ka dhalatay.
Waxa uu sheegay in sarkaalkan gaystay dilka uu maydka xaaskiisa uga tagay halkii uu falka ku gaystay, uuna la tagay cunugii uu dhaawaca soo gaaray
Niyonkuru Modestine, waa gabadh la dhalatay haweenaydii la dilay waxa ayna tiri: "sarkaalka aabahay ayuu farriin u diray waxa uuna yiri maalin maalmaha ka mid ah waxaan kuu keeni doona maydka gabadhaada."
Afhayeenka booliska Burundi Pierre Nkurikiye ayaa BBC-da u xaqiijiyey in la xiray sarkaalkii falkan gaystay.
Dhacdadan ayaa timid sanad kaddib markii xaafadda ay daganyihiin qoyskan laga helay maydka haweenay kale.
Haweenaydaas, oo lagu magacaabi jiray Naomie, ayaa la sheegay iney dhimatay ka dib markii uu seygeeda ceejiyey.
Maydkeeda waxaana lahelay muddo dheer kaddib.

No comments:

Post Top Ad

Your Ad Spot