Nusrat Jahan Rafi: Dil lagu xukumay 16 qof oo dab qabadsiiyay ardayad - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

KU XIRNOW CILMIDEEQ

Friday, October 25, 2019

Nusrat Jahan Rafi: Dil lagu xukumay 16 qof oo dab qabadsiiyay ardayad

 

 Maxkamad ku taalla dalka Bangladesh ayaa 16 qof ku xukuntay dil ka dib markii ay dab qabadsiiyeen gabar macallinkeeda ku dacwaysay inuu tacaddiyo galmo u geystay.

Nusrat Jahan Rafi, oo 19 jir ahayd, ayaa bishii Abriil ku geeriyootay Feni, oo ah magaalo yar oo 160km u jirta magaalada caasimadda ah ee Dhaka.
Macallinka ay Nusrat ku eedeysay tacaddiyada iyo labo arday oo kale oo gabdho ah ayaa ku jira dadka xukunka lagu riday.
Dilka gabadhaas ayaa fajac ka abuuray dalkaasi, wuxuuna horseeday dibadbaxyo isbada joog ah oo lagu dalbanayo in Nusrat ay caddaalad hesho.
Xukunkan ayaa noqday mid si deg deg ah u dhacay, iyadoo kiisaska noocaas oo kale ah ay Bangladesh sanado ku qaadato xallintiisa. Dacwad-ooge Hafez Ahmed ayaa weriyeyaasha u sheegay "in qofna uusan ka baxsan doonin dil uu ka geystay Bangladesh".
Qareennada u doodayay dadka xukunka lagu riday ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunkaasi.
Baaritaanka dilka Nusrat ayaa lagu ogaaday in koox ka mid ah ardayda ay fasalka isla dhiganayeen iyo xubno ka tirsan bulshada ay doonayeen inay gabadhaasi aamusiiyaan.
Saddex macallin, oo uu ku jiro maamulaha, Siraj Ud Doula, oo booliisku ay sheegeen in iyagoo xabsiga ku jira ay dilka gabadha amreen, ayaa lagu helay eedeymaha loo haystay, halka labo kale oo lagu caddeeyay kiiskan oo kala ah Ruhul Amin iyo Maksud Alam, ay ka tirsan yihiin xisbiga haya talada dalkaasi ee Awami League.
Tiro ka mid ah booliiska dalkaas ayaa sidoo kale lagu helay inay la shaqeynayeen kuwa dilka geystay, iyagoo faafiyay war been ah oo ku saabsan in Nusrat ay is dishay.
Police stand guard outside the court on 24 March
Qoyska Nusrat, oo ku taageray go`aankeeda ah inay booliiska u tagto bishii March, ayaa tan iyo markaas loo diray ilaalo, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.
Way soo dhoweeyeen xukunka, waxayna codsadeen in si deg deg ah loo fuliyo.

Maxaa ku dhacay Nusrat?

Waxaa la geeyay barxadda kore ee iskuulka, 6-dii April ee sanadkan oo ah 11 maalmood ka dib markii ay maamulaha iskuulka ku dacweysay booliiska, iyadoo ku eedeysay inuu si joogto ah ugu geysan jiray tacaddiyo isagoo si aan habboonayn u taaban jiray jirkeeda.
Nusrat ayaa waxaa intaa ka dib hareereeyay afar ilaa shan qof oo xirnaa jalbaab, iyagoo cadaadis ku saaray inay ka laabato dacwadda.
Markii ay diidday, waxay qabadsiiyeen dab.
Sida uu booliisku sheegay, waxay dadkaasi doonayeen inay arrintu u ekaato inay Nusrat is dishay, waxay ku guuleysatay inay baxsato oo ay caawinaad hesho.
Women protesting outside the court on Thursday
Iyadoo dhaawac daran uu soo gaaray ayay ka warbixisay sida ay wax u dhaceen, walaalkeed ayaana telefoonkiisa uga duubay.
"Macallinka ayaa i taabtay, waan la dagaallami doonaa dembiyadan oo kale intaan noolahay," ayay tiri, iyadoo magacowday qaar ka mid ah dadka weerarka u geystay.
Nusrat, oo jirkeeda uu 80% gubtay, ayaa afar maalmood ka dib geeriyootay, 10-kii Abriil ee sanadkan.

Heerkee ayay gaarsiisan yihiin tacaddiyada galmo ee ka dhaca Bangladesh?

Tacaddiyada jinsiga la xiriira ayaa la rumeysan yahay inay ku badan yihiin Bangladesh: warbixin ay soo saartay ActionAid horraantii sanadkan ayaa lagu sheegay in 80% haweenka ka shaqeeya warshadaha dharka ay la kulmaan tacaddiyo.
Balse kiiska Nusrat oo kale ayaa ku badan dalkaas, iyadoo haddii aad soo bandhigto tacaddiyada galmo ee laguu geysto aad la kulmi karto dhibaatooyin. Dhibbanayaasha ayaa dhibaato kala kulma bulshada iyo dadka qaar oo ku weerara qoraallada ay soo dhigaan intarneedka ama online-ka.
Different organization held a protest rally against the murder of Nusrat Jahan Rafi, a madrasa girl from Feni who was burnt in reprisal after sexual abuse charges against the principal, in Dhaka, Bangladesh, on April 12, 2019Lahaanshaha sawirkaAFP
Nusrat waxay sameysay wax aan caadi ahayn sababtoo ah waxay arrinta gaarsiisay booliiska. Waxaa warbixinteeda looga duubay telefoonka - taasoo markii dambe ay faafisay warbaahinta.
Dhanka kale, dad dibadbaxyo dhigaya ayaa waddooyinka isugu soo waxay, waxayna dalbanayeen in xabsiga laga sii daayo maamulaha iskuulkii ay gabadhaasi dhigan jirtay ee ay boolisku ku dacweysay. Arrintaa ayaa keentay in qoyskeeda ay aad uga walacaan amnigeeda.

Sidee ayay bulshadu uga falcelisay dilka Nusrat?

Kiiskan ayaa horseeday dibadbaxyo ka dhacay Bangladesh, wuxuuna iftiimiyay dhibaatooyinka ay la kulmaan dhibbanayaasha loo geysto tacaddiyada galmada.
Ra'iisalwasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina ayaa sheegtay in dadka dilka geystay aanan midkoodna la cafin doonin.
Booliiska oo markii hore beeniyay tacaddiyada ay ka sheegatay Nusrat, ayaa bishii May dacwad ku soo oogay 16 qof. Dacwad-oogayaasha ayaa ku baaqayay in dadkaasi lagu xukumo dil

 

 

 


No comments:

Post Top Ad

Your Ad Spot