Gabar uu saaxiibkeed is dilay oo la maxkamadeynayo - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

Wednesday, October 30, 2019

Gabar uu saaxiibkeed is dilay oo la maxkamadeynayo

KU XIRNOW CILMIDEEQ

gabar

Gabar wax ka baran jirtay machadka Boston ee dalka Mareykanka ayaa lagu oogay "dil aan toos ahayn" oo la xiriira geerida saaxiibkeed oo is dilay bishii May.

Dacweynta Inyoung You, oo 21 sano jir ah, waxaa Isniintii looga dhawaaqay Gobolka Massachusetts. Saaxiibkeed Alexander Urtula, wuxuu ahaa 22 sano jir.
Qareenka u doodaya wiilka dhintay wuxuu sheegay in Ms You, oo u dhalatay Kuuriyada Koonfureed, ay si aan naxariis lahayn ugu xadgudbi jirtay Mr Urtula.
Mr Urtula wuxuu dhintay saacado ka hor xafladdii qalin-jebintiisa ee 20-kii May, 2019.
Ms You, oo hadda ku sugan Kuuriyada Koonfureed, weli kama aysan hadlin kiiskan dacwada ah ee lagu oogay.

Maxaa lagu eedeeyay Ms You?

Shir jaraa'id oo shalay lagu qabtay Degmada Suffolk, Xeer-Ilaaliye Rachael Rollins, waxay shaacisay in Ms You lagu oogay dacwad maxkamadeed oo ah dil aan ula kac ahayn oo ay dhageysan doonaan xeer-beegtida deegaanka Suffolk.
Xeer Ilaaliyaha waxay shaaca ka qaaday in "baaritaan baaxad weyn" ka dib ay booliska ogaadeen in " xadgudub jismi, erey iyo maskax ahaanba ay kula kacday MR Urtula, muddadii 18-ka bilood ahayd ee xiriirkooda muranka badan uu socday".
"Xadgudubka wuxuu noqday mid joogto ah, oo sii xoogeysta, sidoo kalena sababay in ay yasto, taas oo Urtula ku qasabtay inuu is dilo," ayey tiri Xeer-Ilaaliyaha.
Waxay sheegtay in wiilka iyo gabadha ay is dhaafsadeen 75,000 oo farriin, labadii bilood ee ugu dambeysay ka hor intuusan Urtula is dilin.
Farriimaha Inyoung You waxaa ka mid ahaa in Urtula ay ku dhiiragelisay "in uu is dilo", waxayna ku tiri "bax oo dhimo", sida ay sheegtay Xeer-Ilaaliyaha.
Waxay intaa ku dartay in 20-kii May ay "Inyoung You raadisay meeshii uu Urtula ku sugnaa, waxayna aaday meeshii uu isku dilay"

Post Top Ad