Wax
lagu sheegay ‘dab wayn’ oo laga arkay dhowr magaalo oo Yurub iyo Aasiya ah
sanadii 1582-kii oo kasoo duulay qorraxda, ayaa haatan sheegayaa in fogaan
aragga lagu arkayo.
Culumada
sayniska ee Jaamacadda Cornell University ayaa sheegay in ay hayaan ”dab u
qaabaysan sidii fallaaro oo ka imanaya dhanka cirka” 3-dii maalmood ee ugu
dambeeyey, kaasoo ay saynisyahannadu ku magacaabaan ”hindhisada qorraxda.”
Waloow
aysan dadku xilligaa qiyaasi karin wixii ay arkeen Maarso 8, 1582, oo la
barbardhigi karo kuwii dhacay sanadihii 1909 iyo 1989, misna haatan
cir-bixiyeenka caalamkan casriga ihi waxay haystaan dayac-gacmeedyo ay ku xiran
yihiin fogaan arag aad u il dheer.
Dhacdooyinkan
ku saabsan waxa loo yaqaanno ”duufaan-qorrexeedka” oo qarnigiiba mar dhaca ayaa
mid la filayaa qarnigan weli curdanka ah ee 21-aad, sida ay khubaradani
sheegayso.
Yeelkeede,
haddii ay dhacdadaasi maanta qabsato dunidan casriga ah ee xarkaha badan, waxaa
gaaraya khasaare balaayiin ah maadaama ay go’ayso korontada caalamku, marka ay
saxarrada danabaysani cirka kasoo dhacaan, waloow ay muddo dheer ku qaadato
inay soo gaaraan jawiga dhulka misna aad bay u dheeraysaa.
Tusaale,
dabaysha dunida ugu xooggan ee loo yaqaan Category 5 waxay ku socotaa celcelis
ahaan 241 km/saacaddii, balse qiyaas duufaanta qorraxdu waxay saacaddii ku
socotaa 1.4 milyan oo km.
Dhulka
ayaa caadiyan leh aag danabaysan oo dhulka jawigiisa ku gedaaman (magnetic
field) oo uu Ilaahay ugu tala galay inuu iskaga difaaco saxarrada danabaysan ee
qorraxda kasoo dhaca marka ay duufaani ka dhex dhacdo qorraxda, taasoo laakiin
khalkhalin karta aagga danabaysan iyo wax kasta oo koronto ku shaqeeya oo
dunida yaalla ama ugu yaraan meesha ay jugtu badan tahay, sida ay khubaradu
sheegayaan .
BY = Eng / Ustad ROMANZA
No comments:
Post a Comment