Kimistariga (Chemistry) oo xariir la leh howlaha sameysanka Daruurta iyo
Roobka, Beeridda iyo Wareejinta Daruurta, kana mid ahaa takhsusyadeyda heer
jaamacadeed, ayay ila noqotey inaan wax ka qoro arimaha la xariira Daruurta
iyo Roobka. Daruurta, Roobka iyo Qur’aanka Kariimka Sameysanka Daruurta iyo
Roobka, marka aanu ka eegno dhinaca Qur’aanka Kariimka, Allah ayaa sharxey,
wuxuuna ku sheegey Aayadda 43aad ee Suuradda Al-nuur, oo micnaheedu yahey;
(Miyaadan arkeyn in Allah isku soo kaxaynayo oo isu keenayo daruuro, kadibna
isku geynayo, kadibna ka dhigayo mid raseysan oo isdul saaran, markaasna aad
arkeyso dhibcaha roobka oo ka soo dhex burqanaya, wuxuuna Allah samada ka soo
dajiyaa buuro qabow ku jiro, cidda uu doono qabowgaas wuu ku asiibaa, ciddii
uu doonana wuu ka leexiyaa, hillaaca iftiinkiisuna wuxuu gaarsiisan yahey heer
uu ku sigto in uu indhaha aragga ka qaado). Sidoo kale wuxuu Allah sameysanka
daruurta uga hadley Aayadda 12aad Ee Suuradda Al-racdi. Allaah wuxuu sidoo
kale ku sheegey kaalinta dabeysha ee roobka iyo tuujinta daruuraha Aayadda
14aad ee Suuradda Al-naba iyo Aayadda 48aad ee Suuradda Al-ruum. Cilmiga
Aadanuhu wuxuu raacey Quraanka Kariimka ah, wuxuuna xaqiijiyey dhammaan
tallaabooyinka sameysanka daruurta iyo roobka. Tijaabo iyo cilmi baarisyo la
sameeyey kadib wuxuu Aadanuhu ku kordhiyey in daruuruhu ay ka sameysmaan (Alle
Ka Sameeyo) uumiga ka baxa biyaha dhulka yaala (Badaha, wabiyada iyo
harooyinka) iyo boorka ama busta (Dust). Daruur ama Roob Ma La Beeri Karaa?
Cilmiga iyo Tijnoolajiyadda ayaa lagu gaarey in daruurta la beeri karo, isla
markaana lagu dari karo waxyaabo badinaya biyaha iyo fursadda roobka. Allaah
wuxuu meelo badan oo Qur’aanka Kariimka ah kaga hadley cilmiga, wuxuuna
Aayadda 4aad ee Suuradda Al-Calaq ku sheegey in uu Dadka barey wax aysan
aqoon. Cilmiga Allah uu dadka barey ma ahan wax ku kooban waqti, goob, ama
xaalad, mana ahan mid joogsanaya oo wuxuu markasta Bini-aadamku gaarayaa wax
cusub ama cilmi cusub, waxaana soo baxaya farsamooyin aan hore loo aqoon.
Aayadda 13aad ee Suuradda Al-Jaasiya, wuxuu ku sheegey in uu Aadanaha u
sakhirey waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka; “Allah waxa uu idiin sakhiray
waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, dhammaantood isaga ayey ka ahaadeen,
taasna calaamado ayaa ugu sugan dad fekeraya.” Nabiga CS ayaa arkay
beeraaleydii reer Madiina oo labka iyo dhedigga geedaha timirta isku
bacriminaya, markaas ayuu yiri “Ma u maleynayo in ay wax tareyso”. Saxaabadii
ayaa joojiyey bacrimintii kadib markii ay maqleen hadalka Nabiga CS, taasina
waxay sababtey in wax soo saarkii timirtu hoos u dhaco ama xumaado. Nabiga CS
ayaa loo sheegey arintii, wuxuuna kaga jawaabey in ay aheyd aragti, isla
markaana uu yahey bashar, wuxuuna hadalkiisa ku sii darey “Idinka ayaa iga
aqoon badan arrimaha adduunkiinna.” Waxaa wariyey Muslim. Daruurta oo la beero
kama dhigna in aad qaadaneyso sifada Alle ee abuurista, waxay la mid tahey
dhirta aad ku beerato beertaada, taas oo aad miraheeda ku nacfiso. Wax kasta
oo Bini-aadamku sameeyo wuxuu leeyahey sababta, awoodda abuurista iyo
sameyntana waxaa leh Alle oo aan cidina ku heysan. Cilmiga Wax Ka Badalka
Cimilada (Weather Modification Science) wuxuu sanadkii 1940 ka bilaawdey dalka
Mareykanka. Sanadkii 1946 ayaa tijaabadii ugu horreysey ee Daruur Beeridda
(Cloud seeding) laga bilaabay isla Dalka Mareykanka (America), waxaan isla
markiiba ka faa’iideystey gobolo ka caban jirey roob la’aan, waxayna u noqotey
xal kumeel gaar ah oo aan xooganeyn. Farsamadda Daruur Beeridda (Cloud
Seeding) waxaa lagu sameeyaa Isku-dhisyada Silver Iodide (AgI), Carbon Dioxide
(CO2) adke ah, iyo mararka qaar Potassium Iodide (KI). Inta badan waxaa la
adeegsadaa isku-dhiska Silver Iodide (AgI), waxaana lagu qaadaa diyaarado, ama
waxaa laga tuuraa ama laga firdhiyaa dhulka, iyada oo u sameysan sida
quruuraxa barafka, waxaana lagu daadiyaa ama lagu sayraa Daruurta ama caadka
(Daruurta Khafiifka ah). Haddii aysan jirin Daruur ama Caad muuqda, waxaa
hubaal ah in ay hawada ku jiraan biyo Uumi ah, waxaa markaas Silver Iodide
lagu daadiyaa hawada, laakiin tan waxay u badan tahey in aysan gaarin
ujeedada, waxaana suurtagal ah in Silver iodide (AgI) oo sideedii ah ay ku soo
daadato dhulka. Isku-dhiska Silver Iodide-ka (AgI) waxay qaboojineysaa hawada,
waxaana is qabsanayaa dhibcaha biyaha ah ee ka yimid Uumiga qaboobey, iyaga oo
sameynaya quruurux baraf ah, sidaas ayeyna ku sameysmeysaa Daruur biyo ah.
Markasta oo dhibcaha biyuhu isqabsadaan, sameeyaanna quruuraxa barafka ah
waxaa kordhaya culeyskooda waxayna soo daadanayaan iyaga oo dhibco roob isu
badaley ama baraf ah. Marka Daruur culus, gaar ahaan kuwa madoow, lagu shubo
Silver Iodide waxaa badan fursadda biyo badan ama baraf badan ay ugu soo
daadan karaan Daruurta, halka marka Daruur Caad ah lagu daro Silver Iodide ay
fursadda noqon karto 50/50. Silver Iodide (AgI) waxaa sidoo kale loo
isticmaalaa maroojinta daruurta (Glaciogenic seeding), si dhibcaha biyaha ah
ee ka soo baxaya loo kordhiyo. Silver Iodide waxay qaboojineysaa hawada,
waxayna isku qasbeysaa dhibcaha biyaha si ay isu qabsadaan. In ka badan 50 dal
ayaa adeegsada farsamadaan, waxaana xusid mudan in dalka UAE uu sanadkii 2016
sameeyey 177 howlgal oo lagu beerayey Daruuro si roob loo helo. Daruur
Beeridda (Cloud Seeding) iyo Daruur Maroojinta (Glaciogenec Seeding) ma ahan
qaar faa’iido badan leh ama tayo leh, waana qaali, sidoo kale dhibaato ayey u
keeni kartaa deegaanka iyo caafimaadka noolaha dhulka jooga. Biyaha Daruurta
Ku Jira Ma La Badin Karaa? Sidaan hore u sheegey, Daruurtu waxay ka
sameysantaa Uumiga biyaha iyo Boorka dhulka ka baxay oo hawo qabow ah heley,
kadibna isku aruurey oo is qabsadey, sameeyeyna dhibco biyo ah ama baraf ah,
kadibna soo daadanaya iyaga oo Roob ah ama baraf ah. RELATED POSTS Guddiyada
doorashada Somaliland iyo Galmudug oo wareejiyay… Mar 29, 2022 Shariif Sheekh
Axmed iyo Safiirka Talyaaniga oo ka wada… Mar 29, 2022 Mar kasta oo Uumiga
hawada ku jira (Humid Air) lagu kordhiyo, waxaa badanaya dhibcaha biyaha roob
ahaan uga soo burqanaya Daruurta. Hawo qoyan (Humid Air) ayaa lagu shubaa ama
lagu dul fasaxaa daruurta ama caadka, kadibna qabowga awgiis ayey qabsaneysaa
Daruurta, waxaana sidaas ku badanaya dhibcaha biyaha ah ee ku jira Daruurta.
Daruur Hawada Saaran Ma La Iska Dul Wareejin Karaa? Marka waddooyinka
diyaaraduhu ku dagaan ama ku ordaan ee garoomada diyaaradaha ay daboolaan
Daruuro, Caad ama Ceeryaamo, waxaa hawada, Caadka ama Daruurta lagu shubaa
Silver Iodide (AgI), taas oo qaboojineysa hawada, sababeysana isqabsiga
dhibcaha biyaha ah, kadibna Roob ahaan ayey u soo da’aysaa Daruurtii, Caadkii
ama Ceeryaamadii. Dalka Ruurshka ayaa la sheegey in ay Daruuro cirka dabooley
iska wareejiyeen (Removed) maalin Ciid Qaran aheyd, taas oo ka dhigan in la
adeegsadey Silver Iodide (AgI), sidaasna biyihii ku jirey Daruurta ay iyaga oo
Dhibco biyo ah ama baraf ah dhulka ku soo daateen, waxaana dhaammanaya ama
caad khafiif ah noqonaya Daruurtii cirka dabooleysey. Sidoo kale dalka China
ayaa sanadkii 2008, ciyaaraha Olympics-ka oo ka dhacayey awgeed, iska
wareejiyey ama banneeyey daruuro hawada dabooley, taas oo caqabad ku aheyd
habsami u socodka ciyaaraha. Waxaa kale oo daruurta wareejin kara in Hawada la
kululeeyo ama Daruurta lagu shubo isku-dhisyo ama walxo kale oo kululeynaya si
baaxadda ama xajmiga Daruurta loo yareeyo ama loo baabi’iyo. Roobka Ma La Kala
Leexsan Karaa? B) Dhirta, gaar ahaan teeda waaweyn ama jooga leh iyo Buuruhu
waxay soo jiitaan daruuraha, waxayna kordhiyaan fursadda roobka. Haddii
deegaankaagu uusan buuro laheyn, dhirtiina aad gacantaada ku dhameysey, waxaa
roobka kaaga fursad badan deegaanka Buuraha leh iyo kan dhirtiisa ilaashadey.
Buuraha iyo dhirta macmalka ah oo Aadanuhu sameeyo ayaa sidoo kale
soo jiidan
kara daruuraha, waxaana roobka kaaga fursad badan deegaanka farsamadaas awooda
oo sameystey. T) Sida Quraanku noo sheegey, daruuraha waxaa xukuma oo
dhaqaajiya, isla markaana maroojiya Dabaylaha. Adiga ayaa marqaati ka ah roob
xawaare sare ku socda oo mararka qaar aad u maleynayso tuuryo oo xoog kugu
dhaafaya. Taas micnaheedu waxay tahey in waxa daruurta la cararaya ay tahey
Dabaysha. Danabyo electronic ah oo ay Dabayshu dhaliso ayaa keenaya in si
fudud ay daruurtu u raacdo dhaqaaqa dabaysha. Haddii ay jirto cid jihada
Dabaysha leexin karta, way leexasan kartaa daruurta. Haddii la sameeyo Dabayl
macmal ah iyo danabyo electronic ah oo qabsan kara daruurta, waa la kaxeysan
karaa ama la leexsan karaa Daruurta. Daruurtu waa mida markasta oo aad hawada
ku safarto aad arkeyso diyaaradda oo ka dhex duseysa oo iska leexineysa, waa
midda sida qiiqa culus oo kale u sameysan ee duuliye kasta oo hawada ku duula
uu iska maareeyo. Ogoow Cilmigu wuxuu gaarey in hirar Danabyo Electronic ah la
marsiin karo hawada, biyaha iyo sidoo kale dhulka, mararka qaarna dhul-gariir
macmal ah la sameyn karo. Dhib (khasaare) Ma Ka Imaan Karaa Beeridda,
Wareejinta Iyo Maroojinta Daruurta? Silver Iodide (AgI), sida lagu yaqaan,
khatar kuma ahan noolaha, gaar ahaan Aadanaha, waxaanse la ogeyn dhibta ay
leedahey haddii ay qeyb ka noqoto habab kale ama falgalo kale, markastana
wixii aan la ogeyn waxaa loo qaataa 50/50. Dadku inta badan waxay biyaha iyo
cuntada ka helaan Silver (Ag) heerkeedu hooseeyo, sidoo kale waxay ka helaan
daawooyinka. Sidoo kale Ciid (Caro) oo dhan meel kasta oo ay taalo waxaa ku
jira Silver (Ag). Haddii xaddi badan oo Silver ah muddo dheer ay ku dhacdo
jirka bini-aadamka, waxay keeni kartaa xaaladda maqaarka ee lagu magacaabo
Argyria, waxayna badaleysaa midabka maqaarka si joogto ah oo ay adag tahey
daweynteeda. Marka adke Carbon dioxide (CO2) ah hawada lagu daadiyo, kadibna
habkii Daruur Beeridda uu guul darreysto, waxaa hubaal ah in uu dhulka ku soo
daadanayo, wuxuuna qeyb ka noqonayaa deegaanka, taas oo dhalin karta khataro
kale. Marka deegaan gaar ah loo beerayo ama laga wareejinayo daruur, waxay
saameyn ku yeelan kartaa deegaano kale oo ka fog oo wuxuu habkaan jiidan karaa
daruuro kale oo uu heli lahaa deegaan kale. Tan waxay keeni kartaa in
dhibaatadii hal deegaan laga xaliyey ay mid kale u wareegeyso. Habka Daruur
Beeriddu waa mid qaali ah, waxaana ka dhalan kara in cimilada loo sinnaan
waayo ama la isku dulmiyo. Farsamadaan waxay keeni kartaa in dalalka iyo dadka
qaniga ah ay sida ay u doonaan u helaan biyaha iyo roobka, halka kuwa faqriga
ahna ay ku harayaan abaaro joogto ah iyo biyo la’aan, Alle ayaase ah caadil
soo jeeda. Gunaanad Farsamooyinka Beeridda, Maroojinta, iyo wareejinta
Daruuraha waxay qeyb ka yihiin Cilmiga Wax Ka Badalka Cimilada (Weather
Modification Science) ee Aadanuhu gaarey, waana xaqiiq taala adduunka oo dalal
badan oo qaarkoodna Muslimiin yihiin ay adeegsadaan. Buuraha iyo Dhirta joogga
leh waxay soo jiitaan Daruuraha, sidaas awgeed, deegaanka leh Buuraha iyo
Dhirta badan waa kaga fursad badan yihiin Roobka kuwa aan laheyn Buuro iyo
Dhir. Daruuraha waxaa dhaqaajiya danabyo electronic ah oo ay dhaliso Dabayshu,
cid kasta oo awoodda in ay sameyso danabyo electronic ah oo qaban kara
daruurta waxay awood u yeelan kartaa in ay u dhaqaajiso jihada ay doonto.
Dhammaan farsamooyinka ku xusan qormadaan ee Cilmigu horseedey, marka laga
eego dhinaca tirada, tayada, waxtarka, awoodda, badqabka noolaha iyo
deegaanka, ma gaari karaan, umana dhowaan karaan kuwa dabiiciga ah ee Allaah
sameeyey. Hay’adda Biyaha ee Gobolka Utah ee dalka Mareykanka ayaa tijaabo ku
ogaatey oo is barbar dhig ku sameeysey natiijada laba xili (Winter) oo kala
duwan, oo mid la sameeyey Daruur Beerid midna aan la sameyn, wuxuuna faraqoodu
noqdey 11%, taas oo ka dhigan in habka Daruur Beeriddu uusan tayo badneyn, wax
bandanna soo kordhin.
Post Top Ad
Thursday, March 31, 2022
Daruurta Iyo Roobka Ma La Beeri Karaa ?
Tags
# JUQRAAFI

About ROMANZA
Templatesyard is a blogger resources site is a provider of high quality blogger template with premium looking layout and robust design. The main mission of templatesyard is to provide the best quality blogger templates.
JUQRAAFI
Tags:
JUQRAAFI
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment