Mas’uuliyiin ka tirsan waaxda aathaarta ee waddanka Masar ayaa xaqiijiyay inay heleen marin qarsoon oo gudaha ku yaal, kaas oo ka sarreeya albaabka guud ee laga galo Ahraamta Giza, ee koonfurta magaalada caasimadda ah ee Qaahira.
Muuqaal lagu duubay qalab wax lagu wayneeyo oo gudaha wax looga soo duubay ayaa muujinaya marinkaasi oo dhirirkiisu uu dhanyahay sagaal mitir ballaciisuna uu yahay 2.1 mitir.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay suuragal tahay in marinkaasi loo sameeyay in lagu dheelli tiro miisaanka barta laga galo Ahraamta ama ay barando u tahay qol kale oo aanan weli la arag.
Waxaa markii ugu horraysay marinkaasi la ogaaday 2016 iyadoo la adeegsanayo farsamo iyo qalab wax lagu sawiro, taas oo lagu ogaado ballaca gudaha ee buuraha waa wayn.
Koox saynisyahanno ah oo qeyb ka ah mashruuc gaar u ah Ahraamta ayey u suuragashay inay ogaadaan in cufka gudaha Ahraamta uu isbadelayo iyagoo falanqayn kaddib ogaaday in taasi ay la xiriirto habka buurta loo jeexay.
Farsamadaasi la adeegsaday ayaa lagu ogaaday qeybta bannaan ee dhacda dhinaca waqooyi ee Ahraamta wayn, taas oo illaa todoba mitir ka sarraysa albaabka guud.
Tijaabooyin kale oo dheeraad ah ayaa lagu sameeyay raadaar iyo qalab kale oo casri ah, kahor inta aanan la adeegsan qalab wax lagu soo dhaweeyo oo la galiyay duleel yar oo ka bannaanaa dhismaha buurta.
Muuqaalka lagu duubay kaamerada ayaa waxaa lagu soo bandhigay shir jaraa’id oo Khamiistii lagu dhinac qabtay ahraamta. Muuqalka waxa uu muujinayaa marin bannaan oo leh darbiyo ka samaysan dhagaxyo adag.
“Baaritaankeenna ayaan sii wadi doonnaa waxaanan eegi doonnaa waxa aan samayn karno… si aan u eegno waxa aan halkaas ka soo heli karno, ama aan ka soo heli karno halka uu ku dhamaado marinkaasi,” ayuu yiri Mustafa Waziri, madaxa Golaha Sare ee Aathaarta Masar.
Ahraamta midka ugu wayn ayaa joogiisa waxaa uu la egyahay 146 mitir, waxaana laga dhisay deegaanka sarreeya ee Giza xilligii Faraaciinta gaar ahaa boqor Khufu ama Cheops, kaas oo halkaas ka arrimin jiray intii u dhaxaysay 2584BC illaa 2609BC.
Walow Ahraamtaasi ay kamid yihiin kuwa ugu qadiimsan oo ugu wayn taallooyinka caalamkan ku yaal, haddana la iskuma raacsano habka loo dhisay.
Zahi Hawass oo ah aqoonyahan ku xeel dheer aathaarta Masar ayaa sheegay in marinkaasi la helay uu ka dhiganyahay “xog wayn oo la helay” taas oo ay suuragal tahay “in markii ugu horraysay ay gaarto guryaha dadka ku nool dunida”.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay suuragal tahay in arrintaasi ay gacan ka gaysan karto in qolkii lagu aasay Boqor Khufu uu weli ku dhexyaal ahraamta iyo inkale.
Waxa uu qiyaasay inay suuragal tahay in goobta bannaan ee marinkaasi laga heli karo “wax muhiim ah”, kaddibna waxa uu intaasi ku daray: “Waxaan hubaa in dhowr bilood gudahood aan ogaan doonno in waxa aan sheegayo ay sax yihiin iyo in kale.”
Meel wayn oo kale oo bannaan ayaa la ogaaday 2017 markaas oo la adeegsaday qalab casri ah. Bartaas ayaa lagu qiyaasay in dhirirkeedu uu la egyahay 30m halka joogeedu uu ahaa dhowr mitir, waxaana ay goobtaasi ka sarraysaa qeybta ugu wayn ee Ahraamta.
No comments:
Post a Comment