Degaanweynaha Gendershe waa Deegaan ka tirsan
Degmada Marka
Gobolka Sh.Hoose ee Dalka Soomaaliya, waxay ka kooban tahay afar xaafadood oo
kala ah:-
1- Buulo Ceel
2- Buulo Hoose
3-
Bandar-Salaama oo uu deganaan jiray ALLAHA RAXMAANKA AH ha u naxriistee Maxamed
Sheekh Jamaal C/llaahi (Jamaal Jebiye) iminkana cid degan malahan.
4-Xaafada Xaaji
Xayeesi oo iyadana uu deganaan jiray MOWLE naxriistiisa ha siiyay Macalin Cumar
(XAAJI XAYESI) oo iyadana iminka maran oo aan la degeneyn.
Degaanaweynaha Gendershe Magaalada
Muqdisho waxay u jirtaa 45 KM
dhinaca xeebta ,waxay xuduud la wadagtaa :-bari waxaa ka xiga tuulada Dhanaane oo ah degaanada ay degto beesha Shiiqaal-Gendershe, waqooyi waxaa ka xiga dooxooyin yar-yar oo aad u qurux badan , galbeedna waxaa ka xiga tuulada Jilib-Marka, koonfurna waxaa ka saaran Badweynt Hindiya iyo geedaha qunbaha ee ku teedsan xeebta iyo geedaha kale ee loo yaqaano Showri oo ay caan ku tahay Gendershe, Waxaa soo gala Gendershe seddex waddo oo kala ah:-wadada ka imaan jirtay dhanka xeebta Jaziira ee soo aadi jirtay dhanka Gendershe oo iminka xiran, wadada ka timaada nambar lixdan ee soo gasha Gendershe iyo wadada xeebta ee isku xirta Gendershe ilaa iyo Marka oo ah xarunta Gobolka Shabeelada Hoose, Gendershe waxaa hoostaga tuulooyin, tuulooyinkaasi waa seddeed tuulooo ay ka mid yihiin:-
1-Tuulada Dooxa
Qoryaale.
2-Tuulada Buulo
Bishaar.
3-Tuulada
Bocoreey.
4-Tuulada
Timirteey.
5-Tuulada
Yaaq-Bine.
6-Tuulada
cadeey dheere.
7-Buulo
Aw-Caliyow.
8-Tuulada
Maansaaleey.
Gendershe waxay
leedahay ]hal School oo ay dhistay Dowladii hore ee Soomaaliya ee uu
madaxweynaha u ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre schoolkaas oo ah school hoose
iyo dhexe ah iminkana wax dhigta malahan schoolka kadib riditaankii dowladii
dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1990kii kadib Schoolkaasi ma uusan helin wax
dayactir ah marka laga reebo qeyb ay dayactir ku sameeyeen jaaliyadda reer
Gendershe eek u nool qurbaha gaar ahaa wadanka Norwey iyagoo u wakiishay Urur
lagu magacaabi jiray Ururka Nabadda IYO Horumarinta Gendershe (UNHG), ururkaas
oo iminka burburay sababo amaandarridda ka jirta Soomaaliya Dartii, Gendershe
waxaa kalloo ku yaala labo dugsi qur'aan oo aan lahayn wax gogol ah dhismo
qurxoon malahan waa meel lagu ooday geedo waxaadna u maleyneysaa meel ay ku
xaroodaan dugaagta haweenkii oo kale markaad maraysid marna is oranaysid meesha
ayaa ah dugsi qur'aan ah, Gendershe malahan isbitaal ama MCH , dhanka Masaajida
waxaa ku yaala masjidyo badan, waxaana ugu weyn afar masjid oo kalla ah:-
1- Masjidka
Jaamacadda.wuxuu ku yaalaa xaafadda Buulo Ceel.
2- Masjidka
Nuraani oo ku yaala Shacbaanka ahna masjidka ugu balaran lehna labo dabaq oo
qurux badan.
3- Masjidka
Abiyo Abiikar Aw-Asad oo ku yaala xaafada Buulo Hoose.
4- Masjidka
Aw-Maki oo asna ku yaala xaafadda Buulo Hoose.
Seddexda kale
ee masjid waa kuwo aan helin wax dayactir ah inta la xusuusan yahay marka
waxaan leeyahay dadka u dhashay Degaanka dhisa oo qurxiya masaajidaasi oo ah
meesha ugu haboon ee la dhiso inta dunidan guudkeeda aan saaranahay aaqiro noo
noqonaysa xijaab naga daboosha naarta ALLAHA naga koriyee sadaqo waa tan ugu
haboon ee dhisa beytka ALLE.
Malahan wax
suuq ah oo leysla ogyahay marka laga reebo meesha caanka ah oo ah faras
magaaladda ah oo lagu magacaabo SHACBAANKA oo ah meel inta badan ay iskugu
imaadaan dadka ku nool Degaanka Gendershe.
Magaca Gendershe waa magac asal ahaan ka soo jeeda Wadanka Iiraan, balse waa
dad asal ahaan ka soo jeeda Dalka Yaman gaar ahaan Gobolka Xadarmuud, Magaca
Gendershe waxaa bixiyay ganacsato Iiraaniyiin ah oo waagaasi ganacsi u iman
jiray Gendershe waxayna ku magacaaween GARDEN-SHAAH ( Beerti Shaaha) iminka waa
dad Soomaali ah waxaana Dalka Soomaaliya loogu yaqaanaa seddex magac oo kalla
ah:-
1-Shiiqaal Gendershe waana magaca ugu weyn.
2-Reer
Aw-Gerweyne.
3-Reer Cusmaan
Faqi Cumar.
Qofkii ugu horeeyay ee degay Gendershe
wuxuu ahaa nin wadaad ah oo la
oran jiray
SheekhCusmaan Faqi Cumar (AW-GERWEYNE) oo ay ku abtirsadaan dadka degan
Gendershe, Sheekh Cusmaan Gerweyne aabihii wuxuu dhalay wiilal badan oo aan ka
xusi karo;-1-Sh.Cusmaan Faqi Cumar. 2-Sheekh Qutub Faqi Cumar 3-Sheekh Axmed
Faqi Cumar (Looboge)
aabahooda Faqi Cumar wuxuu ahaa wadaad faafiya
diinta islaamka
waxaana lagu
dilay halka hadda loo yaqaano masjidka Arbaca Rukun oo ka mid ah Degmada
X/Weyne, waxaana lagu aasay masjidka weyn ee caanka ka ah Magaalada Muqdisho
Masjidka Marwaas Degmada X/Weyne muddo dheer kadib waxaa laga bixiyay masjidka
lafihiii Faqi Cumar waxaana amarkaasi bixiyay Madaxweynihii hore ee Dalka
Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.
Sheekh Cusmaan
Faqi Cumar ( Aw-garweyne) wuxuu ahaa bah gooni ah hooyadiisa waxaa la oran
jiray MUXDARA waxay ahayd ASHRAAF gibilcad wuxuu ku dhashay Degmada Marka
Gobolka Sh.Hoose oo waagaasi ahayd meel miyi ah waxaana ku noolaa sida la
sheegay Faqi Cumar iyo xaaskiisa kadibna waxa soo dagay MARKA dadyow kale oo
fara badan haba ugu horeeyaan beelaha Banaadiriga leysku dhaho ama soomalidu u
taqaan Gibilcadka kadib waxaa marti ahaan u yimid MARKA beesha BIIMAAL oo ku
soo degay beesha Reer Aw-gerweyne.
Sheekh Cusmaan
Faqi Cumar (Aw-Gerweyne) wuxuu ahaa nin culumo ah oo wuxuu diin faafin u tagi
jiray gobolada Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Koonfureed sida Kismaayo,Baraawe,
Marka iyo meelo kale oo badan.
Sheekh Cusmaan
Gerweyne markuu weynaaday wuxuu u guuray halka hadda lagu magacaabo GENDERSHE
isagoo guursaday gabar Reer Baraawe ah oo la oran jiray BINTI oo biida ah ( waa
gibil cadka Baraawe)Shiikha wuxuu dhalay seddex wiil iyo hal gabar waxaana ugu
weynaa :- 1-Maad-sheekh - 2-Ibraahim -3-Yaxye oo ku magic dheeraa
(ISGOOWE) iyo gabadha oo la oran jiray Barka.
Beesha
sheikhaal gendershe waa todobo juffo oo kalla ah:-
1-Maad-Sheekh.
2-Reer
Aw-Ibraahim.
3-Reer aw-Muraad.
4-Reer
aw-izgoowe.
5-Gaameedle.
6-Naakhude.
7-Mehri.
Shiikha markuu
degay Gendershe waxaa lagu qiyaasaa kun iyo kontan (1050) ilaa iyo kun iyo
boqol iyo kontan sano (1150)ku dhawaad.
Hadaba waxaa
xusid mudan in dadka ku nool ama ku abtirsada Gendershe inay ahayeen dad aad u
neceb Gaalada iyo Gumeysiga aadna u jecel Islaamka dadka deriska ahna aad u
xushmeyn jiray inkastoo taarikhyahanada soomalidu aysan waxba ka qorin
taariikhdii ay lahayeen dadka ku ab iyo isirtirsada Gendershe taasna waxaan garan
waayay sababta ay u yeeleen, dadka ku abtirsada Gendershe waxay ahaayeen dadkii
ugu horeeyay ee la dagaalama gumeysiga marka laga hadlo beelaha leysku yiraahdo
(BANAADIRIGA ama Reer XAMARKA ) ilaa iminkana ma jirto beel kalle oo la
dagaalantay Gumeysigii Talyaaniga iyo Ingiriiska, waxaana tusaale kaaga filan
waqtigii gumeysiga Talyaaniga uu rabay inuu qabsado Degmada Marka iyo
hareeraheeda waxaa ka difaacay Beesha Shiiqaal Gendershe iyo Beesha Biimaal oo
wada deganaa Marka Iyo Nawaaxigeeda.
Beesha Shiiqaal
Gendershe iyo Beesha Biimaal waxaa ka dhaxeeya Islaanimo, Soomaalinimo ,iyo
weliba derisnimo so jireen ah, dagaaladii u dhaxeeyay beelaha Shiiqaal
Gendershe iyo beelaha Biimaal oo dhinac ah iyo gumeysigii Talyaaniga waxaa
beesha Shiiqaal Gendershe ku waysay dad badan oo ugu dhintay difaacii Marka iyo
nawaaxigeeda iyo dhaawac badan waxaa kalloo la waayay seddeed ruux oo meel ay
jaan iyo cirib dhigeen la waayay balse la sheegay in sedeedaasi ruux loo diray
Xaruntii Daraawiishta oo uu hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xassan si ay
ugu helaan garab hiil iyo hooba leh, waxaan isku dayay inaan hello magacyada
ragaasi seddeeda ahaa balse iima suurto galin, sidoo kale waxaa in hoosta laga
xariiqo mudan in dagaaladaasi raggii hogaaminayay ay ahaayeen qaarkooda
Shiiqaal Gendershe.
Waxay kalloo ka
qeybgaleen dagaalo badan sidda kii u dhaxeeyay beelaha Biimaal iyo beesha
Shiiqaal Gendershe oo isku dhinac ahaa iyo beelo fara badan oo deganaan jiray
dhulka loo yaqaano (DHOOBOOY) waxaana hogaaminayay beesha Goobroon oo uu madax
u ahaa waagaasi Suldaan Axmed Yuusuf, waxay kalloo ka qeybgaleen dagaalo badan
oo aan halkan lagu soo koobi Karin waxayna had iyo jeer is kaashan jireen
Beesha Biimaal.
Walaal
aqriste:- Degaanka Gendershe waxaa ku noolaa oo qura Beesha Shiikhaal gendeshe
oo ka kooban 7 jufo
1-Wiilasha
waxaa u weynaa oo curadka ahaa (MAAD-SHEEKH) wuxuu dhalay Afar wiil oo kalla
ahaa:-
1- Sadiiq
Maad-Sheekh.
2- Aw-Sheekh
Maad- Sheekh.
3- Aw-Nuur Maad
-Sheekh.
4- Asadoo
Maad-Sheekh, Oo aan isaga farac ka tagin.
2-IBRAAHIM wuxuu dhalay seddex wiil o kala ahaa:-
1-Sasiiq
Aw-Ibraahim.
2-Macalin
Dheere Aw-Ibaraahim.
3-Ijeewoo
Aw-Ibraahim.
3-REER AW-MURAAD wuxuu dhalay seddex wiil oo kala ah:-
1- Barakaat Aw-Muraad.
2- Abba Nuur
Aw-Muraad.
3- Cusmaan
Aw-Muraad.
4-IZGOOWE wuxuu dhalay seddex wiil oo kala ahaa:-
1-Maxamed
Izgoowe.
2-Warre
Izgoowe.
3-Tamaan
Izgoowe.
5- GAAMEEDLE wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa:-
1-Xaaji Wasa'id
Gaameedle.
2-Cabaas.
3-Aanis
4-Xaaji Amiin
6-NAAKHUDE wuxuu dhalay labo wiil oo kalla ah:-
1-Xaaji
Maxamuud Aw-Waraabe.
2-Xaaji
Xarameyn.
7- Mehri wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa:-
1-Maxamed
Aw-Sheekh.
2-Mursal.
3-Xuseen.
4-Faqi Cabdi.
Xoogaa ku naso
Geeraarkan oo aan ugu talo galay bulshada ku ab iyo isirtirsata degaanweynaha
Gendershe.
GENDERSHE oo
idin haysa geeraar gaaban oo gocosho ah.
Gendershe waxay
tiri:
1-gibilkayga
kuwii ka soo go,ay ayaa i gooyay oo gadaal i geeyay gar miyaa mise waa gardaro?
2-Goobtayda
meel aan ahayn ayaad i gayseen gayaankayga way i gudbeen gar miyaa mise waa
gef?
3-Goor horaad
iga guurteen oo aad i goyseen gadaal ayaad iagaga gurateen gar miyaa mise waa
gardaro?
4-Gubtayee
waana gamaartay gibilkayga waa gadoomay garasho ma lihidiin miyaa mise waa
garaadkiina?
5-Gogoshayda
soo gala aan kala gar qaadano gardaro haddaan leeyahay i gooya haddii aan gar
leeyahay iga garbaxa .
6-Geedkii aad
maalin hoostiisa gashid galad ayuu kugu leeyahay,gacan iyo garab waan waayay
gar miyaaa?
7-Gurbaan
gacalkaaga hakuu haayo ama garabkaaga haku jiro, anigana gacal iyo garab midna
mahaayo gar miyaa mise waagef?
8-Garwaynayaal(wiilasha)
iyo inta garays xirataba yaa geesi ah oo i garab buuxinaayo gocosho ma garataan
miyaa?
9-Guntii iyo
gabagabadii yaa garaad lahoow oo aan dugaa shadaa oo gibilkayga ah ee Gendershe
ha garab marin waa gurigaada.
1- mudanayaal
iyo marwooyin; marka hore iga gudooma salaan ka soo maaxatay maskax murugaysan
midigtiina ku marxabeeya. 2-mudanayaal iyo marwooyin; marka labaad masayr ayaa
i dhex maquuranaya ee i maqla. 3-mudanayaal iyo marwooyin; magacayga meel dheer
ayuu ka muuqdaa, muuqaalkaygana meel ma jiro masiibo sow ma,ahan?. 4-mudanayaal
iyo marwooyin; maankayga waa murugaysan yahay miskiin iyo maalqabeenooy ii soo
maciina. 5- mudanayaal iyo marwooyin; muddo ayaad i moog tihiin mashaqadayda
iyo masiibadayda waad maqashaan isma murjisaan. 6-mudanayaal iyo marwooyin;
muruq,maal iyo maskaxba ma idinka haayo munaasib miyaa?. 7- mudanayaal iyo marwooyin;
miskiin midigtiina sugaya ayaa mowle iga dhigay ee ii maciina. 8- mudanayaal
iyo marwoooyin; magacayga meel dheer ayuu idinka mudan yahay ee mashaqadan iga
mootiya. 9- mudanayaal iyo marwooyin; ma lihidiin miyaa maan maseeraya iyo
maskax ila murgaysa?. 10- mudanayaal iyo marwooyin; ma idin muuqdaan miyaa kuwa
u maciinaya miskiintooda?. 11- mudanayaal iyo marwooyin; ma maqashaan miyaa
kuwa la murugooda maxastooda iyo ma kastooda?. 12- mudanayaal iyo marwooyin;ma
garan waydeen inaad ii maqan tihiin oo aan midigtiina sugayo.?
Aan horey ugu
sii socono taariikhdii Dadka iyo Degaanka Gendershe iyo doorkii ay ku lahaayeen
taariikhda Soomaaliya.
LA SOCO QEYBTA 2aad
FADLAN NOO SOO QOR COMMENT SIDA AAD U ARAGTAAN WEBSITE KAN IYO WAXYAABAHA AAN KU SOO GUDBINO MAHADSANIDIIN
No comments:
Post a Comment