DOORKII DADKA REER GENDERSHE IYO DALKA SOOMAALIYA QEYBTII 2aad - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

KU XIRNOW CILMIDEEQ

Friday, May 26, 2023

DOORKII DADKA REER GENDERSHE IYO DALKA SOOMAALIYA QEYBTII 2aad

 


Waxaa in hoosta laga xariiqo mudan halyeeyadii u soo baxay Dadka iyo Degaanka Gendershe in aan halkan ku xuso isla markaana ahaa rag caan ka ah dhulalka ay soomalidu degto ama af soomaaliga loogu hadlo doorka Soomaliduna ku leh door muhiim ah lagana qadariyo inkastoo aysan lahayn taariikh qoran.

                                                                                                                   
Waxaana ka mid ah halyeeygii weynaa ee laf dhabarta u ahaa taariikhda Gendershe naxariistii janno ALLAHA siiyee Maxamed Sheekh Jamaal Cabdullaahi oo ku magac dheeraa (JAMAAL JEBIYE) wuxuu ku dhashay Magaalo xeebeedka Marka Cadeey ee xarun goboleedka Shabeelada hoose sanadku markuu ahaa 1906dii, wuxuu waxbarashadiisa Hoose,Dhexe,Sare iyo Jaamacaddaba uu ku soo qaatay Dalka Talyaaniga (ITALIA) oo waagaa ahaa isticmaarka Dalka haystay.

 

Gumeysiga Talyaaniga ayaa midab kala ooc ka waday goobaha uu maamuli jiray, iyadoo Maxamed Sh.Jamaal uu noqdey ninkii ugu horeeyay ee mara halka hadda loo yaqaano koreeje dela suud {COREJE DELLA SUD} oo ku taala Degmada X/Weyne ooo aan loo ogolayn waagaas inuu halkaas maro nin madow ama qof Soomaali ah sanadku wuxuu ahaa 1954tii wuxuuna kor u taagay labadiisa farood ee gacanta midi goo uu ula jeeday Gul ama Geeri, kadib Gumeysigii Talyaaniga wuxuu xabsiga dhigay Maxamed Sh.Jamaal isku daygii uu isku dayay inuu maro halkaasi, waxaana la xiray seddex cisho kolkii uu diiday inuusan dib danbe uusan u marin halkaasi, talaabadii uu ku dhaqaaqay Maxamed Sh.Jamaal waxay ahayd mid u horseeday Soomaalida kale inay ku dhaqaaqaan oo ay wadadaasi maraan iyagoo dhamaantooda Guul ama Geeri ku dhawaaqayay.

 

Maxamed S.h.Jamaal { JAMAAL JIBIYE} wuxuu noqdey duqii ugu horeeyay ee duq magaalo ka noqda SOMALIA wuxuu ahaa duqii Magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1956-1957dii, waxaana lagu xusuusan maamulkiisa howlihii uu qabtay ee ay ka mid ahaayeen jideyntii wadada Ceel-Gaab ee aada Afisiyooni, siddoo kale wuxuu maamulkiisii sameeyay wadooyin badan , wuxuu kalloo abuuray Degmooyinka Xamar JaJab, Waaberi iyo Hodon qeybo ka mid ah.

 

Dhanka Gendershe Maxamed S.Jamaal C/llaahi wuxuu u qabtay waxyaalo farabadan oo aan ka xusi karno dhireyntii Geedka iminka sida weyn ugu qeybta ah quruxda Gendershe Geedka SHOWRIGA isagaa keenay oo dadkii degaanaa waagaasi Gendershe ku baraarujiyay inay maalin walba ay geedahaasi biyo ku shubaan si hadhow ay faa'ido ugu noqoto, sidoo kale wuxuu sameeyay wadada nambar lixdan (60)KM ee gasha Degaanka Gendershe iyo waxyaalo kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin.

 

Sidoo kale wuxuu ahaa Maxamed S.h.Jamaal ninkii ugu horeeyay ee keenay Dalka Soomaaliya Dariiqadda loo yaqaano MIRQANIYADA oo iminka ku danbeysa qeybo ka mid ah Marka iyo Baraawe.

 

Maxamed S.h.Jamaal C/llaahi ( Jamaal Jibiye ) wuxuu ku geeriyoday Magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 17/6/1978dii waxaana lagu aasay meel la yiraahdo BANDAR-SALAAMA oo ka mid ah Degaanka Gendershe.


Ugaaska guud Beesha shiikhaal Gendershe oo lagu magacaawo Ugaas Cabdulqaadir Ugaas Xuseen,wuxuu ka mid yahay odayaal dhaqmeed utaagan isku keenta reer gendershe, sido kale in ay ka muuqadaan reer gendershe saaxadda siyaasad soomaliya. ugaaska wuxuu mudan in la ixtiraamo iyo in la xusa wuxuu qabtay. wuxuuna ku nool yahay caasimadda somaliya ee muqdisho. sido kale wuxuu markasta buuqadaa gobalada somaliyed ay ku nool yihiin reer gendershe gaar ahaan shabeelaha hoose.  

Siddoo kale halyeeyada soo maray waxaa ka mid ahaa mucjisadii kubadda cagta Soomaaliyeed ALLAAHA u naxriistee Maxamed Xuseen Cali ( Shiiqaalow) wuxuu ku dhashay Degmada Shibis Magaalada Muqdisho sanadkii 1958dii wuxuuna ahaa ciyaaryahan aad iyo aad ay u qadarin jireen bulshada ku hadasha afka Soomaaliga ah dhanka waxbarashadiisa wuxuu ka gaaray ilaa iyo dugsiga sare kadibna wuxu u jiheystay dhanka ciyaarida kubada cagta oo uu ku noqdey mucjisadii kubada cagta Soomaaliyeed wuxuuna ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho sanadkii 29 MEY 2010kii.

Waxaa kalloo soo maray majaajiliistihii ugu caansanaa Dalka Soomaaliya ee lagu magacaabi jiray Cabduraxmaan Sheekh Maxamed Sheekh Xuseen ( AW-KOOMBE) oo ahaa alifihii


riwaayadii caanka ahayd ee { XAMAREEY YAA ARKEY?} wuxuu ku mutaystay riwaadaasi darted inuu xabsi uu u galo xilaagaasoo Soomaaliya madaxweyna u ka ahaa Maxamed Siyaad Barre kadibna AW-KOOMBE wuxuu u baxsadey Dalka JABUUTI ilaa uu ka gaaray wadanka uu iminkadan uu ku nool yahay ee ingiriiska (UK) inksatoo aan haynin sanadkii uu dhashay, waxaa kaloo soo maray majaajiliistihii caanka noqdey ee Jaarlees Cadde iyo macalinkii ugu horeeyay ee macalin ka noqdey dugsigii ugu horeeyay ee LEEGADA furtay macalinkaasoo la yiraahdo Sheekh Maxamed Sh.Cabduraxmaan Abba Xaaji ( Ustaadka) oo naaneystaasi ugu baxdey macalinamadda darteeda ilaa iyo iminka loogu yeero wuxuu ku dhashay Degaanka Gendershe wuxuuna iminka uu ku nool yahay magaalada Muqdishu gaar ahaan Degmada X/J/Jab , dadkii caanka ka noqdey degaanka Gendershe isla markaana door weyn ku lahaa taariikh Soomalida waxaa ka mid ah duuliyihii ugu horeeyay ee duuliya diyaarada Soomaaliya magaciisuna ahaa Sheekh Cusmaan Sheekh C/qaadir , iyo heesaagii caanka noqdey ahaana xidigii heesaayaasha banaadiriga ah Maxammed Sheekh Aanis wuxuu hadda ku nool yahay JIDDAH/ K.S.A,

tarjumaankii ugu horeeyay ee barlamaankii ugu horeeyay ee ay yeelato

Soomaaliya wuxuu ahaa Amiinullaahi maxamed Sheekh Jamaal wuxuu ku dhashay Gendershe 1932 dii iminka wuxuu ku nool yahay Magaalada MUqdisho wuxuuna isku tarjumi jiray luqadaha Carabiga Iyo Talyaaniga iyo Soomaaliga , sidoo kale qadhiibkii ugu horeeyay oo ay yeelato Soomalidu wuxuu ahaa Qaali Sheekh Muxudiin Sheekh Maxamed Sheekh Isaaq Sanadku wuxuu ahaa 1952-1958dii ,siddo kale aabihiisa Sheekh Maxamed Sheekh Isaaq wuxuu ahaa sheikh weyn oo caan ka ahaa Koonfurta Soomaaliya wuuna ka iftoon jiray dhanka diinta islaamka wuxuuna waxbarashadiisa diinta islaamka uu ku qaatay Magaalada BAYDHABO oo waagaasi uu ku noolaa aabihiisa Sheekh Isaaq in muddo ahna wuxuu ku noolaa Magaalada Baydhabo, tan iyo markii ay Soomaliya xornimada heshay 1960kii beesha ma alahayn wax xildhibaan ah, xildhibaankii ugu horeeyay oo ay yeelato wuxuu ahaa xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdi Sheekh Cusmaan sanadkii 2009 kii wuxuu dadaal

weyn uu u galay in Degaanka Gendershe loo aqoonsado Degmo buuxda oo dowlada ay magacowdo balse nasiibdarro taasi weli ma dhicin inkastoo aan rajeynayno in dhawaan loo magacaabo Degmo Buuxda, MAXAMED SHEEKH CABDI SH.CUSMAAN wuxuu ku dhashay magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee B/Weyne sanadku markuu ahaa 12/4/1963dii ,dugsiga qu'raanka wuxuu kaga baxay degmooyinka b/weyne iyo buulo burde, waxbarashadiisa hoose wuxuu ku qaatay degmada JALALAQSI, dugsiga dhexe wuxuu ku idlaystay dugsiga MEDIA CENTER oo ku yaalay XAMAR, 1975-76dii wuxuu ka mid noqday macalimiintii ugu horaysay ee lagu magacaabi jiray (P.P) isagoo waxbarashadiisa horay u sii watay gaar ahaan dugsiyada sare wuxuuna macalin ka noqday dugsiyada kala ahaa;- 20 disembar,21 oktoobar iyo dugsiga hoose dhexe ee cali xuseen, wuxuuna galay jaamacadda lafoole qaybta (SOCIAL SCIENCE/GEOGRAPHY HISTORY) kadib wuxuu maamule ka noqday dugsigii 21 oktoobar ee magaalada XAMAR 1980KII-1981DII, kadib wuxuu u dhoofay dlka sacuudiga wuxuuna shaqo ka bilaabay shirkad la yiraahdo (ABB-SAE_ sanadahii 1984tii ilaa 1996dii ayuu ka shaqaynayay kadib isla shirkadaasi ayaa waxay u bedeshay (DUBAI/U.A.E) wuxuuna la shaqaynayay shirkadaasi ilaa sanadkii 2000, kadib wuxuu noqday ganacsade iskiisa u shaqaysta, 2009kii wuxuu ka mid noqdey xildhibaanada barlamaanka SOOMAALIYA waana xildhibaankii ugu horeeyay ee ay yeelato beesha ka soo jeeda degaanweynaha GENDERSHE ee ka mid ka mid noqda barlamaanka SOOMAALIYA tan iyo intii SOOMAALIYA ay xornimadeeda heshay 1960KII. kadib waxaa kursigii xildhibaanimo la wareegay ALAHA u naxriistee Mustaf Maxamed C/Llaahi (Ina Xaaji Macalin) sanadkii 2012ka markii la dilay kadib waxaa xilka la wareegay walaalkiisa Cusmaan Maxamed C/Llaahi (InaXaaji Macalin) oo lagu naaneyso (AAMAAN) isla sanadka 2012kii, Injeneerkii dhisay isbitaalada Magaalooyinka B/weyne iyo Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaalia Maxamed amiinullaahi Maxamed oo iminka ku nool Boqortooyada Sacuudiga gaar ahaan Magalada JIDDAH, waxaa kaloo jiray wiilal ku geeriyoodey degaanka Gendershe iyagoo ka difaacayay mooryaan xoog ku haystay degaanka mudoo aad u fog laga soo bilaabo 1990kii - 2006dii mooryaantaasi waxay ku hayeen Gendershe kufsi, boob hantiyadeed iyagoo gaaray in guri walba oo ku yaala Gendershe laga qaado bil walba lacag baad ah, kaluunka ay ka soo dabtaan badda lacag laga qaadi jiray dadka Gendershe geedaha qunbahana sidoo kale laga qaadi jiray lacag baad ah

halkii qunbe ay soo goostaana kadib waxaa aad u kacay dadkii u

dhashay Degaanka Gendershe yarkooda iyo weynkooda dumarkooda iyo ragooda iyo duqowdii ka soo jeeday Degaanka Gendershe meel walba oo ay dunida ka joogeen inkastoo shaqsi walbaba uu goonidiisa u dadaalayay misna waxaa difaaca gendershe ku dhintay wiilal, Geesiyaalkii ka gadoodey gardaradda iyo gumeysiga guracan isla markaana qaabilay geerida xanuunka leh ee u guntaday guul , gobonimo, sinaan ,nabad iyo barwaaqo inay helaan dadka ku nool degaanka Gendershe wiilashaas waxay

kala ahaayeen:-

1-Cabdulqaadir Xaaji maxamed Cusmaan Ganeey bishii afaraad 1991dii

2-C/Raxmaan __________________________.2001dii.

3-Cabdi Cusmaan Xaaji Siidow______________13/1/2006dii.

4-Cumar Cabdiraxmaam Sheekh Mayow 13/1/2006dii.

5-Injineer Luqmaan oo ahaa nin masjid ka dhisayay Gendershe___bishii 8aad 2009kii

6-Macalin Siid Cumar Sheekh Xaamuud________________bishii 8aad/2009kii.

7-Cabdulqaadir Muxudiin Sheekh Siidow________________bishii 7aad/2005tii, waxayna ahayd dharaar Ramadaan ah.

8-Faadumo Aadan Shuceyb waxay u dhimatay geeridii labadii wiil ee halka maalin la wada dilay

dilay ee aan ku ku soo xusay 13/1/2006dii.

9-C/Qaadir Shacabddow Sheekh Maxamed (AAKAA).





Dadka ku abtirsada Degaanka Gendershe waa Dadkii ugu horeeyay ee keenay Dalka Soomaaliya sameynta macmaacaanka sidda:- Rootiga, Xalwada,Doolshaha, Buskutka,Sisinta, Baalbaalowga,Shuushuumowga, Qunbaha IWM.

Dadka degan Gendershe noloshooda waxay ku xiran tahay Beeraha iyo Kaluumeysiga, waxaa ka dhisnaan jiray dekad yar oo ilaa iyo hadda raadkeeda muuqdo waxaana ku soo xiran jiray doonyaha waa weynka ee loo yaqaano (XARIIN) waxayna keeni jireen Dharka, Raashiinka, Bagaashka IWM, beerahooda waxay ku yaalaan wadada Nambar lixdan {60}KM.

Beesha Shiiqaal-Gendershe waxaa lagu tiriyaal beelaha leysku yiraahdo BANAADIRIGA oo ah beelo degaan ahaan dega dhulalka xeebaha koonfureed ee Dalka Soomaaliya, beesha Degta Gendershe marka laga hadlo dowladihii soo maray Dalka Soomaaliya kama aysan helin xaqii ay ku lahayd Dalka Soomaaliyeed markii ay heshay xornimada 1960KII ilaa iyo iminka wax xil ah ama tixgelin dowladed lama siinin iyadoo la ogyahay doorka ay ku leedahay taariikhda Dalka Soomaaliya taas ah xaqiraad loo geystay Beesha Gendershe waxaa yaab ah beel dhan oo aan weligeed yeelan hal xidhibaan marka laga reebo sanadkii 2009kii wixii ka danbeeyay oo ay ku yeelatay barlamaanka Soomaaliya hal xildhibaan oo qura mana haystaan wax intaas dhaafsiisan sida wasiir, wasiir ku xigeen maareeye,agaasime, safiir IWM, taasna waa xaqdarro lagula kacay Dadka iyo degaanka Gendershe, waxaad kalloo arkeysaa in wadooyinka qaarkooda ama Schoolada ku yaala Dalka Soomaaliya in dowladihii soo maray Dalkeena Hooyo ay ugu magacdareen halyeeyo qaali ah sida:-Raage Ugaas ,Sheekh Xasan Barsame, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan , Axmed Gureey iyo kuwo kalle oo la mid ah balse nasiibdarro iyo xaqiraad lagu sameynayay Dadka ka soo jeeda Degaanka Gendershe ee ka soo qeybgalay ama baalka dahabka ah ka gallay hal meel oo lagu xuso iska daayeee warkoodaba lama soo qaado waddo ha noqoto ama School ama meelaha caanka ah oo kale.

 

Dadka iyo Degaanka Gendershe waxaa soo maray culumo aad iyo aad u tiro iyo tayo badan oo waxaa lagu tirin jiray inay ahaayeen culumaa'udinka Soomaliyeed waxayna qadhiibyo iyo imaamyo ka ahaayeen masaajida ku yaala Magaalada XAMAR iyo hareerihiisa, waxaana soo maray culumo badan oo aan ka xusi karo;- Sheekh Maxamed Sheekh Axmed Faqi Jamaal (Sheemille Dheere), Sheekh Maxamed Sheekh Axmed Sheekh Isxaaq, Xaaji Maxamed Aw- Sheekh, Sheekh Axmed Jahbade, Xaaji Aweys aa Tamaan, Sheekh Jamaal Sheekh Cabdullaahi, Sheekh Maxamed Axmed (HEEJI HIIRAAN) Sheekh Cusmaan Maarow, Shacaddow Aw Cumar (AW-BOQOL JIRE), Aw Sheekh Axmadeey Macalin, Sheekh Maxamed Aw- Mursal (AW-XEROW), Sheekh Axmed Maarow, Sheekh Maxamed Sheekh Cali, Xaaji Abuukar Aw- Sheekh, Sheekh Cabdi Maaroow, Macalin Cumar (XAAJI XAYEESI) iyo culumaa'udiin badan oo aan halkan ku soo koobi Karin.

Dadka ku abtirsada Degaanka Gendershe waxay ku nool yihiin meelo badan oo Dalka Soomaaliya ka mid ah sidda:- Gobolka Shabeelada Hoose guud ahaantiisa , gobolka banaadir iyo koonfurta Soomaaaliya meelo ka mid ah Jubooyinka, Bay, Bakool, Gedo, Shabeelada Dhexe, Hiiraan,Waxay kaloo ku nool yihiin oo degaan u noqdey meelo ka mid ah dhulalka soomaalidu degaaan ee Kenya iyo Itoobiya.

Beesha Shiiqaal-Gendershe waxay leeyihiin ciyaaro hiddo iyo dhaqan ah oo aan diinta wax u dhimayn sidda ciyaarta ay dheelaan Dumarka ee loo yaqaan (AABAAS GUULOOW) balse aad u maleynaysid in ciyaartaasi ay sii lumayso taasoo ugu wacan ama aan eedeeda dusha u saaray hablaha ku abtirsada Reer Cusmaan Faqi Cumar (AW-GERWEYNE) oo iskaga fogaaday ciyaartaas iyagoo ka faanaya ama ku tilmaamaya gabarta ciyaaraya inay tahay reer baadiye ama ay ahayd dheel ay dheeli jireen dadyow hore oo waqtigeeda hadda laga tagay, sidaas darteeda aniga shaqsiyan waxaan dhihi lahaa gabartii taqaano ciyaartaas ha barto gabdhaha kalle ee walaaleheeda reer Gendersha ah si aynu u soo ceshono sharafteyna iyo midda haweenka Reer Gendershe waxaa laga yaabaa inay jiraan dumar aanba aqoon ama aan weligoodba maqlin ciyaarta ABAASA GUULOOW waana ciyaar ay dheelaan dumarka keliya waqiyda aroosyada, bal eeg gabaryahay Reer Gendersha aheey:- gabdhaha asaagiina ah ee beelaha Soomaalida kale ah waxay leeyihiin waqtiyada guurka ay qabaan ciyaar iyaga u gaar ah sida Buraanburada oo kale iyagaana kor u qaaday maanta waxay taagan tahay in gabar kastoo la guursanayo loo buraanburo lacagna loogu qaato marka adiga gabaryaheey maxaa kuu diidan inaad ciyaarto waqtiga aad guurka qabtaan ciyaarta aad gaarka u leedihiin oo aad u macaanta badan ee fadlan ku dadaal sidaad ku soo celin lahad ciyaartaasi adinkoo mahadsan.

Waxaa kalloo caan ku yihiin marka laga hadlayo ragga Shiiqaaleed ee ku abtirsada Gendershe (XAYEET) taasoo iyadana raggii iska ilaabeen oo meel cidlo ah kaga dhaqaaqeen war waxaan idin leeyahay dhaqankii kor u qaada degaan waxaa dhisa waa dadkiisa anagana


(SHIIQAAL-GENDERSHE) ahaan waan ka soo tagnay oo aan ka soo hijroonay degaankeenii ab ka ab aan degaan jirnay, bal eego meeqo tuulo ah ama miyi ah oo markaad aragtid ka qurux iyo qiimo badan Degaanka Gendershe kana fac weyn oo misna Degmo loo magacaabay taasna waxay ku heleen dadaalkooda iyo dadnimadooda Anagana iska daa mid kale midkeenii bartay cilmiga ama ha ahaado jaamici ama heer dugsi sareba markey is dhahaan waxbaad barteen weyba ka sii fogaanayaan degaankooda iyo dadkooda ku nool GENDERSHE ee waxaan dhihi lahaa aan isku duubnaano aan yeelano hal hogaan oo mideysan oo kala war maqla sidii lagu yiqiinay awoowayaasheenii hore oo waxay ahaayeen dad is maqla oo kala danbeen leh, waxaan kaloon rabaa anigoo ka faa'ideysanaya qoraalka buugan yar in aan yare eego qurba joogta Reer Gendershe meel walboo ay joogaan inay iyagana ku dadaalaan iney hormariyaan degaankooda sidaad doontaanba ugu dhibaatooda waayo waa dhulkiinii waa degaankiinii aad ugu tagi lahaydeen ubadkiina degaanmo badan oo aad xaq u lahaydeen ayaa leydin duudsiiyay idinkaa dhisi kara, hal SCHOOL keliya ayaa ku yaala oo aan la dayactirin sida loo eryay Marxuum Maxamed Siyaad Barre hal mar ayaa jaaliyadaha isku dayeen iney dayactiraan oo qaar ayay dayactireen hadana u dhaqaaqa dhismaha degaankiina FIIRI malahan suuq xitaa haddaan heli karno aan u sameyno hal suuq oo ka baxsan Degaanka si degaanka uu u balaarto aan isku dayno inaan dhisno shan qol xitaa isbitaal ahaan oo asna ka durugsan Degaanka si uu u balaarto Degaanka garoonka lagu ciyaaro kubada aan u dirno meel ka banaan Degaanka hal saldhig oo aan kula talin lahaa in SHOOLKA hadda laga dhigo xarunta Degaanka ama saldhig booliis School kalena laga dhiso meel ka durugsan Beledka mar walba waxaan dhahaa meel ka durugsan ama ka baxsan Degaanka waxaan u la jeedaa waa in degaanka uu noqdo deegaan weyn oo uusan ku koobnanin meel yaroo kooban sow ma haboona in degaanka aynu balaarino hadaba ku dadaal saad ugu mid noqon lahayd dadka dhisaya degaankooda waayo waqti ayay ku xusi doontaa taariikhda.

 Dadka ka soo jeeda Degaanka Gendershe waxay leeyihiin lahjad u gar ah oo ay ku hadlaan inkastoo lahjadaasina ay qadka ka sii baxayso waa haddii aysan ka gaarin dadka reer Gendershe oo lagu bartay inay ka fogaadaan dhaqankooda,hidahooda iyo lahjadooda gaar ah lahjadaasi waxaa la yiraahdaa (MAA-DOONTE).

 Sidaan buugga bilowgisa aan ku soo xusay Gendershe waxay leedahay afar xaafadood sidaas darteeda aniga ka shaqsiyan waxaan jecleystay magacayadooda hore laga bedelo loona bedelo magacyo ay leeyihiin rag lagu xusuusan karo taariikhda Gendershe loona bedelo sidatan soo socoto :-

1-Buulo Ceel oo lagu bedelo magaca Sheekhii caanka ahaa loona bixiyo Xaafadda Sheekh jahbade.



2-Buulo Hoosena loo bixiyo Xaafadda Sheekh Jamaal.

3-Bandar Salaamana Loo daayo magaceeda ama loo bixiyo Xaafadda Aw-Boqol jire.

4-Xaafadda Xaaji Xayeesina loo daayo magaceeda.

 Taasna wa talo aan u jeedinayo beelweynta SHiiqaaleed ee reer Cusmaan Faqi Cumar waayo waxaa ila haboonatay inaan ku magacaawona degaankeena dadkeenii baalka dahabka ah ka galay taariikhdeyna.

Siddoo kale waxay leeyihiin Dadka ku abtirda degaanka Gendershe magacyo u gaar ah oo ay baxsadaan ubadkooda sidda wiilasha oo loo baxiyo magacaydan;-Shamcuun , Aamaan, Shaxmad,Shamad, Izgoowe, Shucmar, Shaqabde, Sheylilla, Mamad,Xamuun, Maad-Sheekh Iyo magacyo badan dhanka gabdhahana waa sidan:-Xiimaay, Xiinka, Shaameey,Jicibeey iyo kuwo kale oo aad u tiro badan laakiinse nasiibdarro magacyadaasi waxay ka sii baxayaan qadka.

Dardaaran aan u jeedinayo dhamaan bahda ku ab iyo isirtirsata Degaanka Gendershe, marka hore waxaan idin leeyahay meel walbo oo aad joogtaan iyo waqti walbaba oo aad joogtaan ku dadaala cabsidda ALLE SUBXAANUHU WATACAALAA xumaantiinana raaciya wanaag, sidaas darteeda ayaan waxaan doonayaa inaan u kala qaado dadkeena labo qeybood oo kala ah:- Qurbajoog iyo Qaran joog (gudaha kuwa jooga) waxaana ku hormarayaa qurba joogta ku nool shanta qaaradood ee dunida waxaan idin leeyahay qurbajoogeey waxaa idin sugaya inaad horumarisaan degaankina oo aad dib u dhis xoogan ku sameysaan gaar ahaan inaad sameysaan suuq, scool cusub, saldhig boolis, guriga martida, IWM intaad maqan tihiin oo aad joogtaan dalka dibadiisa waxbarta oo ka faa'ideysta fursadan aad hesheen si hadhow aad u noqotaan dadkii ay ku faani lahaayeen beesha, waxaa lagu horumaraa waxbarasha waxaana horumar gaara dad waxbartay waxaa idin sugaya kuwa ku nool dalka gudiihiisa oo aan heli Karin waxbarasho gaar ahaan caruurta isugu jirta wiilal iyo gabdho.

 Aan u jiheysto bahda Cusmaan Faqi Cumar ee  ku nool gudaha Dalka

Soomaaliya Walaalayaal idinkana waxaa idin oranayaa ku dadaala ubadkiina oo waxbara xili ha idin shaqeeyaan ma'ahan oo keliya inaad u jiheysaan shaqo uun sax weeyaan inaad ubadkiina bartaan shaqada balse waxaad ugu dadaashaan iney heleen gelin u go'an waxbarashada maadiga ah si uu hadhow uu u anfaco naftiisa, taada iyo tan beesha, nimaad shaqo bartay oo aan lahayn cilmi wuxuu shaqeyn karaa oo keliya ilaa uu ka gaaro afartan jir kadib sariir ayuu korayaa balse kan aad waxbartay ilaa cimrigiisa wuu shaqeysan karaa oo weliba u shaqeynayaa isaga naftiisa iyo tan waalidkii dhalay iyo weliba tan beeshiisa iyo dalkiisaba ku dadaal waalidow waxbarida ubadkaaga, siddo kale waxynu leenahay caado xun oo ah in aan gabadhaha aan dhalnay aanba wax barin anagoo leh tan waa xoolo rageedee maxay ii taree waxbarashadeeda ee warka saas ma'ahan gabdhaha waxay xaq u leeyihiin inay waxbartaan si ay u noqoto hooyo ubadkey dhali doonto ku barbaarisa tacliin hadaba waxaan isku ognahay waa tacab iyo tacliin aan ku barbaarino ubadkeyna iyo inaan dib u dhis ku sameyno Degaankeen

(GENDERSHE WAA GURIGAAGA EE HA GARAB MARIN).

Ad-ham Amiinullaahi Maxamed Sheekh Jamaal waa qoraagii ugu horeeyay ee wax ka qora taariikhda dadka iyo Degaanka Gendershe, wuxuu ku dhashay Muqdisho/Soomaaliya 24/4/1967 dii, dugsiga h/dhexe wuxuu kaga baxay dugsiga h/dhexe ee Jamaal c/naasir degmada wardhiigleey, dugsiga sare macalin jaamac degamada x/weyne ee magaalada Muqdisho sanadkii 1985/86dii

 


No comments:

Post Top Ad

Your Ad Spot