Jaceylka ciyaarta laadhuuga ka billowday xabsigana ku dhamaaday ( sheeko xiiso leh ) - C I L M I D E E Q

Waxaad ka helaysaa wararka caalamka, wararka soomaalida oo dhan, arimaha bulshada, dhacdooyinka dunida, layaabka dunida, cayaaraha, sheekooyin, taariikh, madadaalo, teknolojiyada, warbixino, cilmiga joqraafiga, sayniska, cilmibaaris, diinta, iwm .

Home Top Ad

ROMANZA

Post Top Ad

Thursday, June 8, 2023

Jaceylka ciyaarta laadhuuga ka billowday xabsigana ku dhamaaday ( sheeko xiiso leh )

KU XIRNOW CILMIDEEQ

 


mulayam

Iqra Jiwani,oo 19 jir ah kana soo jeedda magaalada Hyderabad ee dalka Pakistan iyo Mulayam Singh Yadav oo 21 jiran ah kana soo jeeda Magaalada Prayagraj ee dalka Hindiya ayuu jaceyl dhex maray xilli ay ciyaarayeen ciyaarta laadhuuga  oo ah ciyaar internet-ka lagu ciyaaro.

Iqra ayaa si sharci darro ah Hindiya uga soo gashay dhanka dalka Nepal. Way is guursadeen waxayna noloshooda ka bilaabeen magaalada Bangalore ee dalkaasi Hindiya.

Balse booliska ayaa ka shakiyey wicitaanada badan ee Iqra ay reerkooda Pakistan ku sugan ka wacaysay WhatsApp-ka. Baaritaan ka dib Iqra waxaa loo musaafuruyay Pakistan. Mulayam na booliska ayaa soo qabtay xabsigana dhigay.

Balse qoyska Mulayam Singh Yadav ayaa hadda booliska ka codsanaya in ay soo celiyaan xaaska wiilkooda isla markaana ay xabsiga kasoo daayaan wiilkooda

mulayam%208


29 kii bishii Febraayo 2023, Iqro Jiwani waxaa loo diray dalkeeda Pakistan iyadoo laga gudbiyey xuduudda u dhexeysa hindiya iyo pakistan Dembigeedu waxa uu ahaa in ay Hindiya si sharci darro ah kuso gashay. Waxay is guursadeen Mulayam Singh Yadav oo kasoo jeeda magaalada Prayagraj ee Hindiya waxayna ku wada noolaayeen labadoodu guurka ka dib magalada Bangalore

Sida lagasoo xigtay booliska gobolka, Mulayam waxa uu bilaabay in uu laadhuu la ciyaaro 2020-kii isaga oo isticmaalaya magaca Sameer Ansari intii lagu guda jiray bandoogi covid-ka ee dalkaasi.

Iqro aya markaas jirtay 19 halka Mulayam uu ahaa 21 jir ka shaqeeya shirkad kombuutarrada uu ku taal Bangalore halkaas oo uu waardiye ka ahaa.

Xiriirka labadan u dhexeeya ayaa sii qoto dheeraaday. Ka dib waxay la kulmaan caqabada jaceylka kala maqnaanta, iyo Iqra oo qoyskeeda kala kulantay cadaadiska ah in ay guursato. Saas darteed Mulayam waxa uu Iqra kula taliyey in ay Nepal timaaddo iyada oo Dubai soo martay.

Booliska ayaa aaminsan in ay halkaas isku guursadeen ka dibna ay Bangalore soo gaadheen bishii September ee 2022. Halkaas ayaanay noloshooda ka bilowdeen , agagaarka taiska booliska Bellandur.

Sida booliska lagasoo xigtay, Mulayam ayaa shaqeyn jiray halka Iqro ay guriga joogaysay. Waxa uu Mulayam sidoo kale Iqro usoo sameeyay kaarka aqoonsiga oo uu qoran yahay magaca Riya Yadav.

mulayam%202


Maadaama ay qoyskeeda kasoo fogaatay, Iqra waxay bilawday inay hooyadeed oo Hydarabad-ta Pakistan ku nool kula hadasho WhatsApp.

Nidaamka sirdoonka ee Booliska Bangalor waxa uu ahaa mid aad u feejigan marka la eego barnaamijka G20 iyo Aero show ee lagu qabanayo  Bangalor iyo intii lagu jiray kormeerka ayey boolisku ku baraarugeen wicitaanka dheer ee ay Iqra ku wacayso qoyskeeda Pakistan jooga.

Intaa ka dib, booliiska Bengaluru ayaa bilaabay raadinta Iqra. Markii la waydiiyay, waxaa soo baxday in tani ay tahay sheeko jacayl oo kaliya oo ka timid xuduudka.

Su'aalo la waydiiyay ka dib, Iqra waxaa lagu wareejiyay Xafiiska Diiwaangelinta Ajaanibta ee Gobolka

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay: ina aan  wax dambi ah  lagu haysan Iqra oo aan ka ahayn inay si sharci darro ah ku soo gashay dalka. Laakiin baaritaanku wuu socdaa."

Sida laga soo xigtay ilo kale oo booliska ah, "marka laga reebo gelitaanka sharci darrada ah iyo been-abuurka warqadda aqoonsiga, waxay sidoo kale u muuqataa sheeko jacayl."

Mulayam Singh Yadav ayaa lagu xiray been abuur, sharciga Ajaanibta iyo qeybaha kale waxaana loo diray xabsiga garsoorka, waxaana uu hadda ku jiraa xabsiga dhexe ee Bangalore.

mulayam%2013


Shanti Devi, oo ah hooyada Mulayam oo ku sugan tuulada Maqsudna ee Prayagraj, ayaa u sheegtay  in gabadha iyo wiilka la isku daayo, waa gabadh aan soddoh u ahay. Oo wiilkaygu guursaday, si sharci ah ayaan gabadha u diiwaan galineynaa haddii ay dawladu rabto, gabadha hanoo soo celyiaan.

Hooyada dhashay Mulayam ayaa ku tiri dowladda Pakistan, “Guurku wuu dhacay, labadoodaba guriga geeya”.

Jeet Lal Yadav oo ah walaalka Mulayam ayaa sheegay in uu ogaaday xaaladda Mulayam iyo Iqra kadib dhacdadii booliiska ee 19kii Janaayo.

Jeet Lal waxa uu sheegay in uu u malayn jiray in Mulayam uu la noolaa saaxiibkii.

Markii Jeetlal Yadav uu ka ogaaday wararka warbaahinta ee ah in Iqra loo diray Pakistan, wuu niyad jabay.

waan ognahay xaalada Hindiya iyo Pakistan, laakiin ujeedada dadkaas ma ahayn mid khaldan. Walaal hadduu ogaado in gabadha uu u xidhanyahay ay baxday maxaa ku dhici doona.

Jitlal Yadav ayaa maxkamadda u gudbiyay codsiga dammaanadda ee Mulayam Singh isagoo kaashanaya qareen.

Jeetlal waxa uu yidhi, Baadhitaan ayaa dhacay, ka dib Iqra waxa loo diray Pakistan, ee maxay tahay sababta walaalkay xabsiga loogu hayo.

Waxay mar yiraahdeen, "waa dumaashidaya, adigana waa dumaashidaa, Mudane. Inantu waa dumaashida Hindiya oo dhan."

La soco sheekadan wixii ku soo kordha


WAXA QORAY= Shukri Maxamed cabdi

 

 

 

 


Post Top Ad