KUMA XASUUSTO ( Sheeko )
Sanadku waxa uu ahaa
30 kii disembar 1990 kii waxaa bilowday dagaalkii lagu riday dowladii maxamed
siyaad barre dagaalkaas intii uu socdey ayaa qoys degan xaafad ka mid ah
xaafadaha magaalada muqdisho wiil iyo gabar uu jaceyl waali ah ka dhexeeyay
marka dagaal haduu bilowdo dadku wey qaxayaan, marka gabadhii cideeda ayaa
qaxeysa marka wiilku wuxuu arkay gabadhii uu jeclaa oo alaab rareysa iyo
cideedoo qaxaya mar walba wuxuu isku dayaa in uu banaanka yimaado si uu ula
hadlo gabadha waayo wiilka iyo gabadha waa deris oo waxay kala degan yihiin
labo guri oo iska soo hor jeeda, marka guriga banaankiisa waxaa taagan ciidan
hubeysan oo gabadhan iyo reerkeeda la socda xaafada cid dhaqaaqeysa ma jirto,
ciidanka ayaa meel walba xirtey si reerkan ugu qaxo si nabdoon mar walbana
wiilka wuxuu isku dayayaa in uu dibadda u soo baxo laakiin ciidankan ayaa
celinaaya ilaa saddex jeer ayay celiyeen balse uma suura gelin, markii dambe
guriga baqiisa ama duleelka guriga ayuu ka fiiriyay halkaas ayuuna ugu
dhawaaqey isaga ooqeylinaya uguna yeeraya magaceeda, markey maqashey ayay
dhinacyada fiirfiirisay, mar alla markey soo fiirisay ayuu hal mar albaabkii
guriga soo furey si ay u aragto isla marka ay aragtey ayay ku tiri ciidankii
soo daaya wiilkan, wey is wareysteen, isaga oo ka welwelsan jaceylkiisa ayay u
sheegtay iyada oo u lab qaboojinaysa in ay qaxayaan oo aysan meel fog aadeynin
balse ay tagayaan oo keliya magaalada Baraawe ilaa ay dagaalada ka istaagayaan
kadibna ay dib u soo laabanayaan, waa yahay ayuu yiri wiilkii, cidiina sidaas
ayay ku baxeen, balse ka dib maxaa dhacay?
Wiilkii dib dambe
wuu arki waayay gabadhii warqado ayuu u
diraa cid u soo jawaabaysa ma lahan jaceylkii uu u hayay gabadhaas ayuu wiilkii
la xanuunsaday oo la baaba’ay markay xaaladu meeshaas mareyso ayaa wiilkii
hooyadiis iyo familkii tashteen oo lays yiri ninkan aan badbaadino qoyska
wiilka waxay lahaayeen guri boos ah, gurigaasoo lagu heshiiyay in la iibiyo si
wiilkan loogu diro dibadda, markii la iibiyay gurigii waxaa loo diray dibadda
iasagoo marba meel aada oo ku wareega wadamada East Africa si uu u helo
gabadhii haday meelahan ka dhowdahay wuuna waayay, waxay sidaa ahaataba wiilkii
walaashiis uu dibada jirtay ayaa u soo dacwootay una dhameysay wax walba,
laguna war geliyay wiilkii in uu tago itoobiya magaalada Addis Ababa si uu
halkaa uga ambabaxo, goor habeen ah ayuu wiilkii tagay garoonka diyaaradaha ee
Addis Ababa ee loo yaqaan Bole Airport si uu uga dhoofo halkaas, isaga oo ku
sii jeeda dalka Norwey ayaa wuxuu eela boorka gudihiisa ku arkay gabadhii uu
jeclaa oo fadhida meel, nina uu la socdo cunug yarna xabadka ku sidato, si
fiican ayuu u fiiriyay markii uu dhaqaaqey ninkii iyada la socday oo meel wax
ka doontay ayuu u tagay isaga oo si fiican u hubsaday inay iyada tahay kadib
wuu u dhawaaday magaceeda ayuu ugu yeeray si uu u salaamo iyadana ma fahamsana
waayo dhowr sano ayaa ka soo wareegtay colaadii dagaalka ayuu ku yiri waa
hebel, markaas ayay ku tiri ( KUMA XASUUSTO ) gabadhii wey xasuusan la’dahay
wiilkii kadib ninkii qabay ayaa yimid halkaas ayuuna ka watey isagoo gadaal u
fiirinaaya wiilkii ayay gabadhii diyaarad kale raacdey iyada iyo ninkeedii,
kadib wiilkii wuu qancay oo wuxuu ku qancay in gabadhii uu jeclaa nin kale
guursaday cunugna dhashay.
DHAMAAD
No comments:
Post a Comment